|
Gabayga,
Allahu Akbar.
...........................................................................
Cali
Dhuux Aadan oo ahaa nin gabyaa caan ah, jihaadkii iyo halgankii
gobonimo doonka ahaa ee Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille
Xasan Hogaaminayey, kagana soo horjeeday Ingiriiska, Cali dhuux
iyo sayidka colaad weynbaa u dhaxaysay, waxaa jirta in sayidku
fariin usoo diray cali Dhuux oo ay ahayd sidatan
Rabboo ku ceynshiyo anoo ku cafaya mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid Caliyow buhoodle
Calina
waxuu aad isku dayey in Daraawiishtu
kala tagto gabaygan hoos ku qoranba waad ka garankartaa wuxuuna
yiri:
Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan kii arsaa'ilaye
Dhammaad.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|