|
Gabay:Alleyl
Dumay -------------------------------------------------------------------- ayey
gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way
madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal.
Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan
layidhaahdo Alleyl Dumay Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh
u doonan nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin karmeedka, laqanka ah, haday dhacdana
waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug waxuu yidhi:-
Alleyl
dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob,
alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase
adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan
aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu
malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma
aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos
uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii
inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo
aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada
e Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye Ninka
ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan
ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|