 |
Gabay:Ammaan-geel
---------------------------------------------------------------
Gabaygan Cali
Afyare waxuu ka hadlayaa dhaqanka soomalida iyo jeclaanta geela uu u
qabo waxuu yidhi:-
Gu’ sallaamay
sagal jiidan iyo, samada oo nuurtay
Saxansaxada roobkiyo cirkoo, dirirku saameeyey,
Saraarta iyo dooxooyinkiyo, sabadka oo buuxa.
Si loo dayaba waw siman yihiin, soofka xooluhuye
Subag iyo lulliin baa kurtood, laga sameeyaaye,
Sabool iyo nin liitaa ma jiro, seben barwaaqaaye.
Jiilaal
sulfaday siigadoo, sare u duulaysa
Samaariir ha kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto
Haddii Suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday.
Jiilaal
sulfaday siigadoo, sare u duulaysa
Soddonguuro kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto
Saxalkiyo Mariiqoo herdiyey, Saalisada Naafka.
Haddii
Suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday
Sandheer lo’aad iyo kolkii, arigu saanqaado,
Kolkaasaa sidkaha geela iyo, sidig la maalaaye.
Sinji adag
haddii aannu lahayn, Sool ma dhacarteene
Sarriig buu ku tiiganahayaa, Sulux ma dhiiqeene,
Waxa Suuradaha loogu daray, waa si gooniya’e
Sinhajkiisa lama gaari karo, Saatirkaa yidhiye,
Soomaalida habeeddiyo kolkay, suuddu ku ekaato
Sanqaraar udgoonow haddii, salowgi kuu yeedho,
Soddon mayl markuu kuu jiraad, saxansaxootaaye
Sabaad iyo wuxuu kuu noqdaa, cadarka Soodaane.
Saqda dhexe
allaylkii haddaad, sahal u yeedhyeedho
Sebigey lahayd iyo hadday, gabantu sooyaanto
Si yar oodda uga leexiyee, seeyin u mudinee.
Iyadoo
sakiiro leh hadday, socoto soo reento
Saraxtaagga gaaddada kolkay, godolka soocayso,
Sidii shiikh salaaddii tukaday, oo Sunnaha raacshay
Sujuuddiyo Qablada kama tagtoo, waa ku sanantaaye,
Sarajoogsigeediyo ilmada, socota daankeeda
Lugahay simaysiyo xubbiga, saaqay lala yaabye.
Sacabbada
nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo
Samsam baa ka soo duula iyo, caano saayida’e
Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha
Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh!
Sar iyo
hilib sareediyo baruur, subag la xuukeeyo
So’ la kariyo saaf kuu dhigmiyo, solay midaad saadho
Sagandaaqa naaxiyo kolkaad, qalato siiggeeda
Sagaal reer ku filan iyo martida, socotadeediiye.
Saymaha
colaadeed haddii, sumucu qiiqaayo
Safayn laysu qaatiyo dagaal, si xille loo dhaartay
Saylaanka dhiiggiyo birtoo, la isku saafaayo
Sulux iyo heshiis baa iyada, lagu sameeyaaye
Si kastoo laguu dilay hortii, waad ku samirtaaye.
Subeeciga
ilaashiyo nin lihi, seexan kari waaye
Subac iyo Quraan lagu akhriyo, sabadka ay daaqdo
Sakadoo laga baxshiyo sadaqaday, Suub ku tarantaaye.
Sulbi lacag
ah suuf iyo xariir, suuq la kala iibsho
Sarahaa ka door roon guryaa, saqafka dhaadheere
Sawaariiqda duushiyo sancada, socota mooyaane,
Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele;
Waxba yaan surweel midable iyo, saacad lay xirane,
Sicirka dunida geeleennu waa, ugu sarreeyaaye,
Soomaaligii diidayoow, waad silloon tahaye.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|