 |
Gabaygii:
Ardo -------------------------------------------------------- Abwaan
Cabi Saahid oo hada gabay qiimo leh ka tiriyey Nolosha iyo waayaha Aduunka is
badalaya iyo sida marba xaajiyin cusuu soo baxayaan waxuu yidhi. Ustaad
Maxamed iyo Weerar iyo, Aarkii Gabay Howle Arnaauudkii Maxamed Cali iyo,
inankii Maax Dheere Akhyaartii Buraale iyo Qamaan, Aadan iyo Faarax Ina
Oday adeerkeen Cali iyo, erayaddii Raage Xarbigii siddii illo biyo leh, uunka
wada gaadhay Anigoon awoodii lahayn, odayga Dhoodaan ah Waa laygu aamini
karaa erayadaydiiye Nina haduu abwaan yahay wixii, lagu ogaa sheegye Uumigiyo
kulaylkiyo dadkii, oonka yaa galiyey? Waatii ugbaad loo waday ee, yaa abaar
mariyey? Waatii iftiin lagu socdiyo, aragti maalmeed e Aminkaa madow iyo
maxaa ayda nagu reebay? Yaa beenta aaminay runtana, aad isugu taagay? Yaa
abaydinkii seexiyey oo, igadhkii fiid maalay? Ninkase ugubka geel oo ka maqan,
adhiga raad qaaday Ee ololka eyraadna yidhi, waa orgiga laaqin Isagaaba
eersiga watiyo, eel hadduu jirro e Arinna ma aha Nabi Adaam baa, Oogle loo
bixin e Ogaadeenya
maxaa loo inkiray, sow arlada ma aha? Laa Ilaaha Ila laahu waa, erayga koobaad
e Iimaanka diintiyo sharciga, yaa amaah galiyey? Yaa-ayuha-ladiina aamanuu,
amarkii loo jeeday Aayaddii quraankiyo Al-kahfi, yaa iskaga leexday? Annisadaan
aqaanay iyo maxaa, eraygii beeneeyay? Yaasiinkii lama ilaawinee maxaa, sadarkii
loo aasay? Al-boqra iyo Idaajaa sideen, looba kala eegin? Iqrana aakhir
weeye maxaa, Awalka u geeyay? Aanaanuun maxaa Alif-waxmaleh, looga hoos mariyey?
Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay Abjad dhaafi waydaye
maxaa, ubadka loo laayey? Urugadan
i haysaayi waa, uur ku taalada e Waxaanu geelu ololaa markii, oonku soo karo
e Owrkii cayilay iyo siddii, adhiga oo naaxay Iib baaba lagu sii wadaa,
wali Ogaadeen e Inagaa is eednay ee cid kale ha u aftaagine ee Wali
aananuun baa hadhay iyo uur walaal guba e Ma og tahay islaantii xun iyo, odayga
aan dhaamin Marka reerka adhigiisu lumo, amase awr fooftay Intuu habarta
aad ula murmo, oos eed dusha u saaro Awowgeed intuu olol gasho, oos naarta
ku afuufo Ka aamusnaatee dagaal, loo indha cadeeye Illamaa aroortuba gasho,
oo waagu ka iftiimo Aflagaadadeeda yaa khalqigu, ka ashahaataaye Aagaynu
joogniyo arladu waa u eg tahay saase Waana sidan Absame haysata, ee yahay
Ogaadeen e Inagaa is eednaye cid kale, ha u aftaagin e Walise
Annanuun baa hadhay iyo, uur walaal gubba e Gabadh ugub ah oon iin lahayn,
oo aqoon sarre leh Oo aabaheed fiican yahay, ama ayey hooyo Hadday ina
Ugaas tahay dadkuna, kala ayaan roon e Afar iyo haday tobon jirto iyo, ina
yar oo dayr ah Iyadoo kugu ag noolayd haddii, aad u iman waydo Uraago iyo
haddii ay guursadaan, Oromo aan dhaamin Uur ku taaladeeda baa indhaha, olol
ka duulaa ye Aagan aynu joogno iyo arladu, waa u eg tahay saase Waana sidan
Absame haysata ee yahay Ogaadeen e Inagaa is eednaye cid kale ha u aftaagin
e Haddise
aad indheer garad tahay iyo, oday la qiimeeyay Afarta maal aduunyana hadday,
adiga kaa foofto Haday inamadaaduna sitaan, aarmi lagu faano Arinta iyo
hadday kaa xun tahay, Aadanoow taladu Ayaantaad is haysaan rag waa, kaa il
roon yahaye Aagan aynu joogno iyo arladu waa u eg tahay saase Waana sidan
Absame haysata, ee yahay Ogaadeen e Inagaa is eednaye cid kale, ha u aftaagin
e

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|