|
Gabay:Dunida ------------------------------------------------------------------------ Xilligii
Reer Warfaa (Ogaadeen) iyo Maalin Guur (Ogaadeen) uu ka dhex socday dagaalkii
xagga gabayada ahaa, ayaa waxaa la wariyey in nin Maalin Guur ah oo silsilada
ku jirayi yidhi: Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene Balanqabaha
Doolaal Jiciir, haysku badiyeene Bar hadduu u tari Muumin Cali, ha isku biirsheene Maxamuud
Cali Beenaleey oo ka mid ah dadkaa lagu soo jiiday dagaalkaa maansada horese aan
ugu jirin ayaa gabaygii loo mariyey. Wuxuu tiriyey gabay aad u dheer oo dadka
gabayada kala hufaa ay qaarkood qabaan inuu ka mid yahay gabayadii waqtigaa la
tiriyey kuwii ugu heerka sareeyey, ileen Maxamuud oo bad ah aftahanimo da' weyna
la kaliyeystay waa lagaa fishaa gabay noocaas ahee. Wuxuu yidhi:
Gabaygaan
buruudka u lahaa waan ka baalidaye Ma bilaabin meeshiyo intay baladu oognayde
Kolkii dunida baasuhu galay yaan buufiskii dhigaye Nin bandiiradii tiiriyey
oo beylahshaan ahaye Birbirsiiye maansada raggii baasha hayn jiraye Xalaybaa
bastada la ii akhriyey goor habayn badh ahee Boosteeya caawaan hayaa birimadiisiiye
Burco,
iyo Lowyo, Baargaal, Hobyiyo, badaha liilkooda Balad Weyne, Baydhabiyo Xamar,
Baydhiskiyo koonfur Bilaad Sheekh Xuseen iyo aralada bilaha loo jeedo Barin
Carab leh beydkiyo kabcada lagu bishaaraysto Baalaha intaa naga jirta ee bada
Islaameed ah Dadka badani waa ii ogyahay baabka maansada e Badweyn iyo
anuu ii yaqaan bilicdii geeraar e Bilaadada wax laga naadiyaa beydad aan dhigaye
Bukuluu ninkii ii yidhaa yaan baddaan galine Birmadiyo siddii miinadaan
wax u baduugaaye Bastooladaha meeshaan ku rido laga banjoogowye Nin
aanse duud kawada beeranahay baaquliyo caydii Iyo aniga baandhada xun waa layga
badiyaaye Uma baran bahdeey iyo in aan bi'iyo Daarood e Shisheeyaha kolkaan
baratano yaan anigu beyjaaye Gaaniga balaayada dhigay ee huriyey baaruuda Iyo
buugaguu Maxamed Cumar badiyey kiiskooda Bari waxaa la weydiin ninkii bowlahaa
furaye Orgigii
barriga daaqayee cunayey baadkiisa Ee wiil batraan ihi wankii badhida weyn
taabtay Ee kii lahaa ee ba'naa beerka kala gooyey Dabadeedna laysugu baxee
boqolku ruux weyday Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya! Barkad
iyo naagtii Bah-Ararsame eeday bilicdeeda Ee badaladii dirirtay iyo baarcadii
lee'atay Tafadhiig dabeed loo baxshee beelihii rogatay Armuu gabaygu baabkaa
noqdaa dunida baaweeya! Sida
Baalidii dumarka ee baqarka maalaysey Ee caanihii uga bateen baq iyo faafowga
Ee boqorka dhaadan u tagtee baabada u sheegey Ees yidhi lo´dii kala
badh oo baal u kala qaybi Dabadeed baroodaha fidmayn bayda kala goysey Ee
kureygu buraduu jeclaa looga soo bixiyey Ee baaladhuuryadu dabkii beerka kala
boodey Ee baladka weyn ee camiran saartay badhiisa Ee wada basbeelee.....beesad
laga qaadin Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya! Nirigii
bireeyee cadhadu dhinaca boogaysay Ee baajaskuu nuugi jiray baasihii galiyey??
Dabadeedna geelii badnaa wada balaayeeyey Armuu gabaygu baabkaa noqdaa
dunida baaweeya! Midgihii
bakhtiga jiitay ee baydhay sanadkii xun Ee in ay bidciyo ceeb faleen buuga
lagu jiiday Ee si ay dadkii uga baxeen loo badalay haybka Armuu gabaygu
baabkaa noqdaa dunida baaweeya! Bahdii
iyo xigaalkii iyo ninkii baradii weydaarta Bilaad jaad ku qaybiyo hadduu baalba
tagi waayo? Ama wuu bakhtiyi amase waa loo buraanburiye Sunihii balwada
loo akhrini buuga kuma taale?? Marti baalasha loo daadiyaa waa bakhtiyo duuf
e Buuri iyo sunbaa lagu dari oo layska bi'in soor e Balaayaa dhacdaye
yaa haddaba beel u hoyan doona! Basarxumo
inuu Reer Warfaa budulka qaadsiiyey Iyo inay bacdii Maalin-Guur baanisanhan
keentey Beentiyo runtuba waadhow bay kala baxaayaane Aan baxnaansho xaajada
kobtii badhida loo saaro

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|