Gabay:
Caligeri Aboodiga ku lalay
---------------------------------------------------------------------
Markuu
gembigii iyo jahaadkii gaday degmooyinkii. Faraha badnaa ee Ciid iyo
Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo
waaqla Ayaa sayidkii ka tiiraanyooday,dabadeedna gabaygan buu
mariyey,wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaas!" jeer hore ahaan
jirey iyo siduu maalintaas yahay Sayidku wuxuu mariyey gabaygan
waxuu yidhi:-
Afka bari ishaa bogox intii,arar Nugaaleeda
Illiilaha banaan iyo intii, edegga ciideeda
Axad kagama sii hadhin wixii,uduba oo yiile.
Caligeri
aboodiga ku lalay,abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii,oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay,araxya weyntiiye .
Ifku kama belbelo tuurihii,oolinka ahaaye
Meeshuu abuurnimo fadhiyey,laga alaab qaadye
Hawdkii
ugbaadsaday,horweyn kuma ilaashaane
Uma oohogeeyaan markii,aarankii lumo e.
Shisheeyaha araarimaha yaal,kuma ugaayaane
Eegida
korjooguhu cishaha, sooma oriyaane
Xeryagaallo laysaga ag dhigay,uma adkeeyaane .
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
Ibdarka iyo
dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
Ardaayada golaa kala rogrogan,uma asteeyaane .
Uleexida haleelada tircayn,il uma gooyaane
Aar saydha
oonyaha gudgude,ubac dugaag jeexa
Ilkaha horor abeesada qallici,halaq uraa leeb ah.
Ulbistuug anaaniga dayaca,alabas jeeraanta
Eynaafka
baadida tagtow,adadac buubaalka
Abid maqan intaha raadiskey,axal ka duugowday .
Akhbaar raadis urur naadinteed,idan ku yaahaynta
Ambaqaadka
taa uma ekayn,aniga hay saarin
Sumad awdka sowraca ankira,eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada denbiga,shiru aguugyenta.
Guudaan
amnaca shiil armaca,luqun inaatowga
Inqiis naas ah iin cararjidow,dhicis amuurrayska
Ubad jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska .
Amaankow
gondood eel ragaad,arami naafowga
Amaanguud anaashiga dhukaan,axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor ababa'leyn ol iyo geergaarka.
Allaqabe kud
eertaa qadhqadhi,shilin aseebaaga.
Aafaa samaawiga allow,naga ammaneynso
Aamiin ma buuraan intay,duco alliifaane
Kuma
adurdhabaan baarqabbadu,abasaxeediiye
Shinbiruhu markuu doob onkodo,ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane.
Qorraxdoo
abbaar le'eg markii.oodda laga jiido
Kolkii kuraygu eyrada hayeey,kala aqoolmeyso
Ulaha uma boobaan intay,tira abyoodaane.
Kobtii shalay
irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
Arbaxaale goortey tagtoo.aayaddeed dheregto
Amminkii la baraqmaali jirey,ma arrumayaane.
Eydaarteeda
oo fool la dhici,ma antaweershaane
Goortay ummuliyaan murkaha,kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan,ibagaleenkiiye.
Masaakiinta
agaheeda tuban,ma ajareystaane
Unuun uma jaraan qaalmihii,eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane.
Waxay abaxa
goysaba markey,ohin carraabeyso
Afdhuubyaalaheedii durduro,ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun,ma umbulleeyaane.
Jilaal aleel
ka cad hadday,acabtin dooneyso,
Markey uudka kore laasatiyo,abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markey,oo la soo degato.
Intay yeel
aslaan ceelashii,uma aroorshaane
Awaliinka kama soo shubaan,ilaha Caymeede
Alalaashka heestii darkii,kuma olkeeyaane.
Awr qaada iyo
gool ahmiya,ma aldaxaayaane
Abidkoodba kama sooryadaan,alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey,ilindidoodiiye.
Eebyaha ma
soo rogan markii,ibilku tuuraaye,
Anaa eegiyey dhicin lahaa,idam Ilaahaye
Wax arsaa'iilkood galay markay,ferenji aadaane.