![]() |
www.dooynet.com |
![]() |
| Sayid Maxamed |
|
Gabay:Caqligu
kaama baxo Nin Ingiriiska la jira oo moodaaya inuu dan uu yahay iyo nin daraawiish noqday oo jahaad u guntadey iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogeyn Arrintii oo sidaas ah, ayaa Ingiriiska nimaan Soomali ah sayidka ergi ugu diray: Nimankaasoo ujeeddadooda tahay Ina-cabdille xasan inay kula doodaan dad Islaam ah inay, dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhaco aaney bannaaneyn. Isagana waxay la ahayd,mar hadday aqdaaro ferenji yihiin,innanay diintu nabad gelineyn marka isagoo ka warammaaya dhibihii loo geystey,tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimmankaasu u keenen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygan tiriyey. Waxaana ka
tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado Xuseenoow caqliga kaama baxo,idin Ilaahaye Haddaad
umaaddo waan ku hubaa,ina aduu khayre Hawl kalana
waa eray yaraan,kuu erganayaaye Ilaahi
abuuraba kuwii diiday,amarkiisa Ikhyaarkooda
nimankii kufriga,ugu abraaraayey Nimankii
amxaara u kacee,Adarinuu guurey Nimankii
amxaara u kacee,adarinuu guurey Ingiriiska
nimankii wadee,nagu aseebaayey Nimankii
ikhwaankii jaree,aabiga u laayey Idilkoodba
nimankii dagaal,iigu imanaayey Nimankii
iniinaha ka dhigay,ilig wixii joogay Nimankii
ayaantii Gumburo oboda ii dhiibay Nimankii
adduunkaygii dhacay,ariyo geeliiba Abaalkayga
nimankii ba'shee,ii istixayn waayey Nimankii
iblays nagu diree,naga ajoon waayay Nimankii
abaartii caleed,bari na aadsiiyey Nimankii
ilmada iga qubee,oohin iga keenay Nimankii
intaas nagu falaan,na asaraareynin Utuntayda
waa heli haddaan,iilka lay dhigine Ashtakooda'aa
iyo warqado,ku andacodaaba Mar haddaan
wadaad aayad diin, ila ekeynaynin
|
||||