|
Gabay:Ciil kaama baxo ------------------------------------------------------------------------ Gabaygan
Darwiish Ismaaciil mire u tirshay wiil wiilashiisa ka mid ahaa oo meeshii laga
rabay xaga reerka ka soo bixi wayey markuu guursaday,reerkii iyo xoolahii dayacay
isagoo markaa ka hadlaya nolosha miyiga iyo waxyaalo badan oo kale waxuu yidhi
Barbaar waxaad
ahaataba mar baad beyddan kulantaane Dhashu waa bishaare haddaad eebbahey barido
Oo uu boqolle wiil kuu dhashood beerka kaga rayso Waxaad biilka siisaba
hadduu turuqyo buuraaado Bogga laga wereenyow hadduu bili haween yeesho Hadduu
baaqdo goortii uu kaco boohin kugu reebye Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga
boqsootaye Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba'o ciilku Gabar
bilicle oo baaxad weyn beri haddaad maagto Billad iyo xariir iyo haddii boqor
kaa laadlaado Bidhaankaaga oo idil haddaad biicsasho u dhiibto Aqal buur
go'eed le'ef hadday beejimo u raacdo Oo buuni kuu meheriyood barato xaalkeeda Bawdad
I ka haaddadu hadday baal kaa noqoto Aad waliba baanbaaniso oo biidna garan
weydo Inaad naago kale baabsataad kaga bogsootaaye Budda nadday gasho oy
urtana kaama ba'o ciilku Baramboori
qaalina haddii baarqab lagu qooqsho Markey buun baxday goojisaa waana loo bogiye Saddex
iyo haddii toban bilood gaajo lagu raaco Biyaha guga hadday awr dhashoo biligluhuu
goyso Oo gabankii kugu soo baxsado waa bukaan sida e Barooddada inaad raratid
baad kaga bogsootaye Haddaad buulka xaaska u dhigtana kaama ba'o ciil Haddii
aad bariidlow wan weyn neef ka barisiiso Boorka iyo siigada haddaad burush
ku duugduugto Oo uu barwaaqada cunoo baaxo nadalkiisa Bawhaarka magaaleed
golaha badiba loo joogo Hadduu bederka kugu gaabiyoo kugu baryuureedo Inaad
boqonta dhiidhiibisaad kaga bogsootaaye Haddaad bahalka geed ugu xidhiaan kama
ba'o ciilku

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|