Gabay: Boga
Daawad
-----------------------------------------------------------------
Niman
badan oo Warsangeli ah Maxamud cali shire na madax. u yahay ayaa
Sayidka maxamed xoolo fara badan siiyey oo geel fardo iyo ariba leh,
dabadeedna is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay,waana kala
boodeen,dareenna waaba kala galay!" Dabadeedna degmadii
xaruntii ka guureen oo waxay tageen buura
Calmadoow,Daraawiishna,qabuulse lagama helin. Daraawiish waxay
guddoonsatay hadday ka tashadeen inay dadkii iyo duunyadey la tageen
ka soo ceshadaan waxase isku gudbey oo fardihii u mari waayeen
buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.Daraawiishi waxay
qabeen geela iyo fardaha ninna in aanu yeelan karin ee ay rag oo
dhan ka dhaxeeyaan, hase yeeshee xilligii guga markay ahayd oo
degmadii soo feddabaxday ayaa Daraawiishii geelii gacanta ku dhigtay,
dabadeedna ku digasho darteed ayaa Sayid Maxamed gabay gaaban u
mariyey waxuu yidhi:-
Bogadaawad waataan lahaa,bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsaney,soo bojooy iriye
Waataan baadi celiyoy lahaa,yeeyan baylihine.
Barbar uga
du' waataan lahaa,buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee,soo barrooy idhiye .
Boholyowga
Hawd bay durduro,budulka raacdaaye
Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
Kobta ariga beeduhu degey,kor uga baaddaaye
Banka waa
ka carartaa sidii,gan iyo buubale
Baqoolaa hadhkii bay sidii,badalli roortaye
Biciidkey ku darantaa sidii,bahal ugaareede
Bicil
faraq ku yaal bay tiqiin,baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey,baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
Bilbilaha
mareedh caarley,baraqda daqdaaye
Barqamaaga geyraha baxay,balaga goysaaye
Caleen baacday tuurfaahistey,bulush cantuugtaaye
Bisiq
hamasha buuniga dharjada,udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex,baqas ku fuuraaga .
Bunta waran barraajistey,balala qaadaaye
Bakadaha
iyo xiitoolahay,banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay,bara hoyaaddaaye
Intaasey ku baayiri,jirtoo baashi ku ahayde.
Baran
mayso meeshaa degtaan,boqol Alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa ba'iyo hooggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii Gubane .
Jiilaal
barraahsaday hadday,bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye.
Bilcataabihii
iga xadaan,uga baqaayaaye.
Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine
Hal ma
bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
Waataan ku iri hayga bixin,barqab baa dhalaye
Ka bariiya waataan lahaa,beydda yuu jarine.
Bushuma
aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye
Waataan bahdaa yay ku lumin,kuula baashiraye
Waataan bad baan kugula dhici,baane kuu iriye.
Bih-ina-faatax
biixida jabtaan,baani kabihayne
Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede
Macayeedna buufamehey,badaha raaceene.
Adigana
baroor bay indhuhu,kula basaaseene
Bulxankeeda olol ba ka roon,adiyo beeggaaye
Haddaad haatan biixida wadheen,bag iyo haankiinna.