Dacwad dhul (maanso)
Maansadaan deelleyda ah waxaa tiriyey Isxaaq Cali Diiriye 13 April 2002
isaga oo ka xun dhibaatada waddankii ka jirta iyo sida dhulkii loogu
qaybiyay dawlado ku sheegyo yar-yar oo mid walba ay la baxda magac ay ugu
danbayso Land. Maansaduna ku magacawday Dudun-Land. Iyo sida dhulkii loo
xaalufiyey. Wuxuu yiri.

1. Dalkii baan taar u diray
2. Waxaan iri daawadoow
3. Muddaan dibad meer ahaa
4. Warkaa iga diimanaa
5. Maxaa dabaday ku helay?
6. Sidee dabcigaagu yahay?

7. Wuxuu yiri diiriyoow
8. Ma duul baad sahan u tahay?
9. Waxaan iri taaba daa
10. Dirkaagii baan ahoo
11. Nin daacada baan ahee
12. Adiguna hayga didin

13. Wuxuu yiri maan dayayn
14. Adoo kale inaan dihdee
15. Ma duulbaa wali ijecel?
16. Waxaan iri daawadoow
17. Daacadi may maranin wali
18. Inkastooy kaa durkeen
19. Dunida ku kala firdheen
20. Waxaan iri waa dad badan
21. Intuu damac kuu hayaa
22. Dubkooduna kuu naxoo
23. Jirkooduna kuu damqado

24. Wuxuu yiri diiriyoow
25. Haddaan dacwigayga furo
26. Armaad miyir doorsantaa?
27. Waxaan sooba daa
28. Hadduu rabo hay dilee.

29. Wuxuu yiri diiriyoow
30. Dhul dareen qabaan ahay
31. Dhul la dayriyaan ahay
32. Dhul la duudsiyaan ahay
33. Dhul dakaamay baan ahay
34. Dhul la dumiyay baan ahay
35. Dukundaakun laga dhigay
36. Dhuluu dayac ku raagoo
37. Cid danaysa helinoo
38. Wax daryeela waayoo
39. Dacdarraysan baan ahay
40. Dal saboola baan ahay
41. Loo dawaro adduunkoo
42. Dahab iyo batrool iyo
43. Macdan ay duljiiftoo
44. Misna dihin ayaan ahay
45. Dhuluu cudurku dagayoo
46. Duumiyo xanuun iyo
47. Daacuun ku faafoo
48. Dawo helinin baan ahay
49. Dhuluu ayax ku dagayoo
50. Dooggii idleeyoo
51. Diirdiirta socotaa
52. Dallaggii dhamaysoo
53. Abuurkii ku duugnaa
54. Doofaar gandheer iyo
55. Dabagaalle mariyoo
56. Laga deyrin baan ahay
57. Dhul la dubay ayaan ahay
58. Dab la suray ayaan ahay
59. Digo gubatay baan ahay
60. Dambas miiran baan ahay
61. Dhul la diirtay baan ahay
62. Daraygiyo galoolkii
63. Docolkiyo mareerkIi
64. Intii geed dugsoonaa
65. Dilli wacan lahaan jirey
66. Ama daaq lahaan jiray
67. Ama daribta mirahaa
68. Dadku uu ka guran jiray
69. Dushaydaa mid kuma harin
70. Dureemadiyo cawskiyo
71. Duurkuna shidaal noqay
72. Dabka ay ku huriyaan
73. Marka ay i dubayaan
74. Dhulaan deeble geel iyo
75. Lo'dii dacasha dheerayd
76. Iyo daanyaroow ari
77. Waxay daanka galiyaan
78. Looga dayinin baan ahay
79. Dekadaanan leeyahay
80. Doonyaa ku soo xiran
81. Waxay daabulaayaan
82. Dhedigoodka duunyada
83. Iyo dogobyadaydii
84. Waxa taa ka sii daran
85. Waxay soo dajinayaan
86. Danab iyo rasaas iyo
87. Hubka dinInigleeyoo
88. Darandoorriga u dhaca
89. Wax taa ka sii daran
90. Waxay soo dajinayaan
91. Sunta dawladaha qaar
92. Dhulkoodii u diideen
93. Deegaanka awgii
94. Amaseba dadkoodaba
95. Si la iigu duugoo
96. Dhul dugaafadaan ahay
97. Dal la qaybsadaan ahay
98. Nin walbaba daan fuqsaday
99. Dudun-laandhi ula baxay
100. Dorraad baw danbaysoo
101. Midbaa loo dabaaldegey
102. Waxaan iri dadkii mee
103. Wuxuu yiri dad waa buux
104. Waxaan iri degelkayoow
105. Sow kuuma diriraan
106. Wuxuu yiri haygu digan
107. Waxa aan darxumo qabo
108. Dad shisheeye igu falay
109. Waxaa iiga sii daran
110. Ta dirkaygu igu dhigay
111. Waa wada danaystiyo
112. Dagaal oogayaal iyo
113. Qaar doollar qaatoo
114. Dhiga dabinka gaalada
115. Hadba meesha loo diro
116. Iyo qaar dabka u sida
117. Dagaal oogayaashoo
118. Dareenkiiba laga xaday
119. Danaaniirna loo qoray
120. Iyo qaar dufooboo
121. Daroogada cunaayoo
122. Dunidaba warba u hayn
123. Iyo dayday baasoo
124. Dariiqyada istaagoo
125. Hadba hooyo duluceed
126. U daruura gacantoo
127. Dhaha dahabka soo bixi
128. Iyo qaar danyarahoo
129. Duqay iyo haweenoo
130. Daciifoo la hayste ah
131. Iyo qaar da'yarahoo
132. Diintooda raacdoo
133. Intay beri ka diireen
134. Dulmigiyo xumaatada
135. Dalku uu ku suganyahay
136. Inta laga digniin helay
137. Dagaal lagula jeestoo
138. Dagaaggii ka soo haray
139. Dadkii bahallo loo gali
140. Iyaguna dabkii dhige
141. Dani seeto weeyee
142. Nin waliba docdiisuu
143. Dhowr dumarahuu qabo
144. Danbiishooda la ordaa
145. Bal waxay dabsaartaan
146. Inuu suuqa uga dayo.
147. Dooddaa markuu yiri
148. Waa siduu ka digayaye
149. Ayaan miyir daboolmoo
150. Muddo doora dabadeed
151. Dib ka soo baraarugay
152. Haloow daawadoow iri
153. Mise taarkii waa damay
154. Dibna iigu qaban waa
155. Diiradduu u saarnaa.