www.dooynet.com

 


Gabay:Dacwad baan ka leeyahay,Sayid maxamed


Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysiga. Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish,wuxuuna ku yidhi: Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray taliska Ingiriisku Daraawiish wuxuu weydiisanayaa sadex Hal

Midda Koow geeli Daboolane ee Daraawiish degmada Habaryonis ka dhacday inaad waxuun ka soo celisaan

!"

Tan labaad nimanka dabatada ah,oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey,col iyo gaadeba inaad naga celisaan

Tan saddexaad,warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhexmaray,markaa ka daaya Daraawiishta aad ugu yeedhaysaan

Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan danina waa seeto, waxay yiraahdeen, 1)Midda hore xoolihii daraawiish lagaga dhacay meesha la yiraa caado dabadeedna Burco la keenay noo celiya 2) Midda labaadna doonidii aaannu dabka u dirsannay Ciise dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen,iyadii iyo wixii saarnaaba noo celiya oo aan sidaa wax isku weydaarsanno. Doodaas darawiish Ingiriisku waa ku gacan sayray,wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtey "xoolihii Caado laga dhacay Ogaadeen baa dhacay,Ogaadeena amxaaro buu la jooga, Doonnidana talyaani baa qafaashay,talyaani qareen uma aha Laba doodood ee Ingiriis soo jeediyey Daraawiish ma garowsan .Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddaynayo inuu Ingiriisku musuqmaasuq wado buu mariyey ,waana tan

Ogaadeen ha ii dirin.dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa,kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay,diyo hayga siinnine.
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waa ku daba geli, dakanka iyo qaankee
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa,duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dawladduu tahay, adigaw damiinshe
Ma waad diidi nimankaad,dumataye i soo dhacay
May dowga caadood,galbeed uga dareershaan
Dalkaad adigu joogtiyo,Burca maxay ka dooneen
Dar alliyo heshiis iyo,ma daawaad lahaydeen
Mase waa dayoobeen,doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii,dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo,daftarkaaga kuma qiran?
Sow duhur dharaareed,dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran,dusha kaama fuushaana?
Miyaan duudsiyaayaa,kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay,doodaye maxaad oran?.
Dafir miyuu wax kuu tari daliilkii ku siiyaye?

Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War maxaad durduradiyo,dan la'aanta ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn,sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo,badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo,daayiciin aad wadataa
Haddii aanad duqlaalayn Dannood sooma aadeen
Diraac doollo iyo ciid,duullan kuma yimaadeen

Diigaanyo ciidana,darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi,weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhex joogine,adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo,docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish,dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaada,iga deyso kuma odhan
Intaad dacatiyaysana,sow kulama daalayn?
Sow dab iyo xooliyo,daabbad kuguma caawinin

Sow daraaddii kuma imaan,Hobyo wixii ka soo degey?
Sow duubcaddaydii,raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay damiinyahow,igu dilay daraaddaa
Berri haddaydnu dirirrana,dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn,ma ku dayrsamaayaa?
Durruflayda gaalaad,adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa,adiga iyo deriskaa

Warsengeli doc uga bayr,dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan,isku diirad miihine
Dabcigaygu ma oggola,nin kuu daalasayee
Daraawiish hadduu yahay,sidee doc uga leexdaa?
War daarood ismaaciil,dir miyaad wadaagtaan?
Durriyadii adoogay,miyaad iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl,doraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii,daarahaaga kuma guran?
Sow doonyahoodii,dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow,ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan,sow maba dareensanid?
Inaad dooc lillaynayn,diyaar kuu ogaaddee
Dikrigiyo shareecada,labadaad ka duudiye
Durdurkii firdowsiyo,jannadaad ka daahiye
Darbaddii cadaabkiyo,dukhaankii baad ku tuuriye
War inaad dagaysana,sow dareemi maayaan?
Ma ku diirsanaayaan,deelqaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan,xilihii dalaaqee?

Geela soo dareerina,dacwad baan ka leeyahay
Anigaba dunqaariyo,dacataa i gaaraye
Dibirrootigaaga,lawyada i diiraye
Qayradii daruurrayd,adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo,dudmaa ii horreysaye
Daa'imaan wax garannine,digniin iim laabnee
Dabarka ciise lagu xiray,anaa laygu dooniye

Degdeg haddaan looga furin,dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye,yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee,wax ma kala dillaalaa?
Dabatada aad sheegtana, dacwad baan ka leeyahay
Oo wixii inoo dana,durba maysu yeellaa?

Mase ways daboolnaa,nin dulmiyan allaa oge?
Adigaa dulleeyoo,duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii,digaxaarka mariyoo
Diinkiyo dugaaggiyo,adaa duufka siiyee
Intaasoo darxumadaa,adigaa u diiqaye
Hadday daqaqamaanoo,wuxuun kaa danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
Iyagaba dan gaajiyo,diihaal baa u geeyaye
Anna haygu diga gubin,adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn,dabuubtaan ku leeyahay
Oo doxorayaashii,been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idin ku soo diray
Hadii aadan danbaabayn,daahir marag ah soo taag