Gabay:
Dadkii waxaan ku Nacay
--------------------------------------------------------------------
Gabaygan
sayid ku sababta uu u tiriyey nasiib daro nama soo gaadhin
. sayidku waxuu ku halqabsaday darwiish la odhan jiray Xirsi
Diihaal Halanje waxaa gabayga ka muuqda canaan, hanjabaad
waxuu yidhi:-
Xirsiyow
dadkii waxaan ku nacay,waa damiinnimoe
Wuxuuba waan dufulo waalan aan,doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli,deyiba maayaane.
Doqonniina
keliyey u lumi,nimanka Daaroode
Waa niman ibleys duufsadee,dow ka dhaadhiciye
Waa niman Ilaahay ka dedey,labada Daaroode .
Waa
niman dariiqada Alliyo,diinta caasiyaye
Waa niman shareecada dulmiyey,iyo Daraawiishe
Waa niman digniin aan ka qabin,dabaqi naareede
Waa
niman darxumo kaaga iman,deeqii loo galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi,derejadoodiiye.
Waa niman dad kale raacayoo,deyr ka dhaadhiciye
Waa
niman dibadduu bexee,sii dabayshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad,daawadii furaye .
Waa niman qalbigu diiq yehee,doorsanoo falane
Waa
niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane
Waa niman dagaalkii kufriga,iigu duurxuliye .
Waa niman aan lala doonahayn,dux iyo liibaane
Waa
Niman habaar loo dujee,duco ka beydhaaye
Waa daallimiin lagu hurshaa,dab iyo baaruudee.
Waa niman dad iyo maal Ilaah, dumug ka siiyaaye
Waa
nimanka dacaygii ku jiray,daaldhaha ahaaye
Waa nimanka Deylkii hormaray,dabada dhuubnaaye
Waa
niman sidii dumar haween, muranka daynayne
Waa nimanka doobbiga noqdeen,duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofarka qalan,doog iyo abaare.
Waa
niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow,diley ikhwaankiiye.
Waa
niman aan dib u fiirinayn,duug waxay noqone
Waa niman danbaabaan waqood,daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegey,daacadda Illaahe.
Waa
niman dillaalkay cuneen,deyn ka buuxsadaye.
Dibindaabyo waa niman wax badan,ila dul jeerraaye
Waa niman dakanadaydii qabaan, duudsi noqonayne
Maandhoow
nin ciil dilahayoo,duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifta ii yeelay waa, caro daraaddeede.
Haddii
doobka caano ah iyo karuur,dacalka lay saaro
Haddii darib la ii soo dhigiyo,duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo,waa diqaysnahaye.
Soomalidii
baan u dudi, daadufka ahayde
Sooamlidii baan u dudi,daadufka ahayde
Soomalidii baan u dudi,daadufka ahayde.
Waxaan
daabacuu rabinayaa,dabadkii Iidoore
Dul-ku-neefle oo idilu way, daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan la sugi,Doofil iyo Giibe.
Waxaan
duullaankuu bixinyaa,duulka reer Dalale
Daa'ira san baan sugahayaa,dayrtan dabadeede.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)