|
Gabay:Dani igama hayso ------------------------------------------------------------------ Dagaalkii
aduunkee labadaa,1945- markii dhacay buu ka hadlayaa iyo dhi btii soo gadhey dad
iyo duunyaba. "Dani
igama hayso" Ismaciil Mire waxuu yidhi:-
Digta
dhici dayuuradaha lali diifaddiyo qiiqa Dildillaanka dalambabigiyo dunida ciiraysa Dukaamada
af xiran uumiyaha kala dabayl raacay Minaawaarradu wada degiyo meyka dibadeystey Isku
duulka duunyada la dhacay dala'a meeraaya Dani igama heysoo oo Darwiish daacadaan
ahaye Cuquubooyin baa dirirayee la isma daareene Waatii qaraamiga derderan
dumarki raaceene Waatii
gabdhihii door ahaa dabo ormeeyeene Waatii la daradooriyee damacba beelene Waatay
Baashiikii danqaday diiqa geliyeene Bashku waxuu dalleysanayee daanka dhiganaayey Dembaa
uga siyaadiyo inay derejo waayaane Dulligiyo laaluush cunkii dabajin weyn reebye Dab
hadduu ku soo karay wixii laysku dawdabaye Qaxwihii la ii diirin jirey daayey
hadalkiise Caanaha
daruur baan intaan dhamo dawoobaaye Mana doono soor kale haddaan doobi xaabsado
e Daayimow adaan kuu xamdiyey way dan qumisaaye

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|