Gabay:
Dhamac la leefsii
----------------------------------------------------------------------
Gabaygan
Abwaanku waxuu tiriyey mar ciidan ingiriis soo abaabulay wax
la laayey iyo wax kala firdhaday laga dhigay , maalintaas
raga meesha waraabaha loo loogay waxaa ka mid ahaa Ina Rigaax..
Ina- khaalid , sababta ciidanka ingiriis u soo abaabulay ,waxay
ahayd mar Niman Reer Hagar ay laayeen rag habaryonis ah oo
askartii ingiriiska ciidankaas waxay ahaayen habaryonis,,
raga meesha maalintaas lagu laayey waxaa ka Mid ahaa Nuur-Guun
oo ragaas watey Dhimashadii nuur-guun waxaa ka gabyey Adan
Galoos oo reer hagar ahaa, isagoo ku xidhan berbera iyo geel
reer Hagar laha oo ingiriisku qabtey oo loo haysto raga ay
maalintaas reer hagar laayeen bal aan dhawr beyd ka soo qaadano
gabaygii Adan galoos waxuu yidhi
Soddon boqol miyaa geelayaga,saylad lagu ooday
Ma saakaa raggii maali jiray,suuqa lagu sheegay
Ma na sahayday Nuur-Guun wuxuu,saadiyaa helaye
Haddaan saawasaawaha ku gelin,salowga duulaaya
Anigiyo maxaa seeddiyaday,saancad kala haysta
sidaas
iyadoo jirta ayaa hadana rag kale la layey oo habaryoonis
ah markaas buu samater baxanaan gabaygan tiriyey isagoo ku
diganaya jabka soo gaadhay,runtiina la hadlaya Saraakiishi
ingiriiska una sheegaya waxa ku dhacay qolyihii Miirada u
ahaa, Samater waxuu yidhi:-
Dhaawaca
ku yaal maalintuu gaadhay dhabankayga
Dhoobada burcaad bey mashxarad kaga dhegsiiyeene
Ana maan waraaqda ugu dhigo digasho dheeldheela
Warka xalay dhankaas iyo ka yimid wabiga dhuuxiisa
Oo
sida dhanbaal loo siday oo aan dhixin habeen noolba
Daarood dhamaantiisba waw caanihii dhudiye
Anigana dhedaa iga kacdiyo dhaxan isaarnayde
Libintii bahdaa dheelantaa waa adoo dhigaye
Mareexaanku
tuu dhigay la maqal dhibicdii dayreede
Goortay rigaax iyo dhigeen dhowr kaloo wehesha
Isma dhigane waa tay baqaha ribadle dhaafsheene
Dhaf dhafkii cadaadii ka dhige meel dharaarsane
Dheb
u toogte ina khaalidkii dhabarka weynaaye
Isaaqii dhadaanbiyin jirow laysu soo dhigaye
Ku wii dabada kuu dhiiban jiray dhamac la leefsiiye
Dhooraha sarkaalkow u ooy dhimayey Iidoore

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)