Gabay:Dhuludheer ,Adan carab
-------------------------------------------------------------------
Gabaygan waxuu tiriyey Adan yusuf Ahmed "Adan carab"
geelal la isku laayey meesha la yidhaa Dhuludheer, 1957 markay
taariikhdu ahay, geelas oo lagu dagaalamay, Biciidyahan iyo
Caligeri markii danbena laba raas dhaafay dagaalkii,, Abwaanku
isagoo ka hadlaya sida wax u dhaceen faan iyo digasho isu
raacinaya dagaalkii meeshaas ka dhacay runtii qolye kale la
hadlaya waxuu yidhi.
Dhuyac balo ragii idinku furay dhamacda jiilaalka
Dhaxan iyo malay cudur marbuu dunida dhaamaaye
Dhawlkanaa waw u dhira intii aan idinku dhiibteene
Ama waranle dhiilada maqlaybaa dhaaxa iibsadaye
Dhul fogna waanba loo maray rasaas dhagax rogeediiye
maatada in dheri loo karshiyo dhuuni iyo raashin
Dharba uma safraan nimanka tagay dhoofkii cadameede
Dadkana
qaar dhagweynaa ka kacay dheelalaad ahaye
Caligeri dhamaantiis isku arag dhirihii toomoode
Anana dheregnay geeridu markay dhaaftay labo raase
Dhaafkii nala socdiyo reer garaad waa is dhaarsadaye
Anagaa wixii naga dhinaa dhoobka ka tabanaynin
Dhuldheer in aad nagu gashaan cidi ma dhaadayne
Intaad timaha dhoobiyo malaas lagu dhamaajeeyo
Guutada biciidyahan dhuray baa dhoor u imanaysa
Dhadhab iyo riyey nala ahayd amase dheeldheele
Waagoo
dhag yidhi aanay jirin dhuumashiyo gaadmo
In dharaar la weeraro miyaan dhudi ku faalooday
Dhabisku waxaan ku idhi in uu maalin dhiirado'e
Iyadaad nirgaha ku dhalay dhereg gubyoonayso
Oo rimayda dhega iyo mudkiyo dhinacu weynaaday
Aan kurayga dhiilka u sitaa dhaqayo maalaynin
Oo lagu dhexjiro lokal kaa dhisi ka ahaaye
Waxba
lama dhabiiline la yidhi dhoobiyaa wada'e
Dhedaa na huwanayd jeer dagaal la isku dhiidhiyo'e
Dhalanteed miyaa idinka galay dhudaha aan sheegto
Ma dhalaaliyaan toban bilood idinku dhaacaayey
Malaa dhirbaaxadii bey misana dhuuni idin raacday
Ma ku dhereg sigaygaa waxaa dhacaya eegaayey
Dheedi
waxaan xeraadka uga dhigay dhudubna loo geeyey
Waa meel inaan uga dhashiyo dhoofka qoofalane
Dharka ubaxle dhiiqa xidhkii aad dhuxulka moodaysay
In la dhicin karaa loogu furay dhogor idiinley'e
Hadii aad talada sii dheehataan dhuuxa iyo ruuga
Dhoomaha
shirshoore iyo hayaag uma dhawaateene
Nin Dhulbahante ciideed yaqaan dhaayin ololkeeda
Dhangad kuma jafeen ma ahayn dhoocil la eryoodo
Afartaa
intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado
Waakaa
dunida reer calidhegaa dhohosha nooleeyey
Wax badan baan dhafuuqsaday naftana ini dhaqaaleeye
Waa taan ku wii lagu dhayalay dhaahiya lahaaye
Wax ma dhimin warfaa maalintii aad dhoosha dumiseene
Waa tay gacmaha soo dhigteen dhiigii maxamuude
Dhabow garanaysaan samo wixii aad nagaga dheefteene
Dhibna inaanu leenahay markuu xumo dhanaanaaday
Bal dhadhamiya waatuu dhulkii idinla dhuubnaaye
Afartaa
intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado
Sida
adhi dhurwaa iyo habeen dhidar hareereyey
Dhaawaca wataa wali cashaba dhawr la helaayey
Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen waa dhugmiyo sheeshe
markii baqe dhegalooha hadhkii lagu dhadaababay
Aan dhiinka kii ladan lahaa cara bal soo dhowra
Alla dhigay warsame geed inaad kaga dhaqaaqdaane
Dhabta jinacle waataan ku simay dhabashlihiiniiye
Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad nagula dhoodaane
Dhawaaq galiya reer mudug koluu qalab idin dheero
Afartaa
intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado
Lib
hadaan ka dheelmado qabiil la isku dhagaroobay
Dhii dhiina waan ugu daraa dhaanto iyo heese
Adigoo dhintey baa gabaygu ciil kugu dhaqaajaaye
Majeerteen haduu dhabarku jabay dhidib intuu qaaday
Dhabayaco malaa kala hadhnaye dheeliyada raacday
Daarood ku dhaayiyo warkaba dhereg khabaarkiiye
Iidoorse qaarbaa dhakane dhaniska u sheega

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)