Gabay:
Dood Dhulbahante iyo Digasho iidoor
--------------------------------------------------------
Gabaygan
waxuu la socdaa Gabayadii laga tiriyey Dagaalkii HAYE Maaweel oo gabaygan ka tiriyey
isagoo jooga carabta guusha laga soo hooyey digashana uga dhigaya Iidoorka Waana
markay Baxday Weedha ah "Abtiyaal na hambeeya" oo macanaheedu ahayd
reerka yaan la is wada raacin ayaa Nina Arab ah gabay soo tirshay hadaan xoogaa
ka sooqaadano waxaa ka mid ahaa
Is Hubsada Dhulbahantoow ayaan Hoobal idiin
tumine
Halkaa
markuu mariyey Ninkii Arab ayaa Maaweel gabay aan in yar ka soo qaadan doono laakin
aan soo galin doono isagoo dhan Qeybta aan Maaweel u furnay yidhi:-
Nimanyahow
maxaanu u hubsanaa gorayo waa haade
Minjo hoolan bey leedahiyo baalo heeryaha'e
Nimankaan
hangoolka u lulay wey hamranayaane
Hor Illaahay waa qalad in aan Arab la heesaaye
Isagoo
diidaana Arabkan uuba la hadlayo maadaama Dhibku gaadhay Habarjeclo, gabaygiisiina
waa kan ee ahaa Digasho iidoor
Indhawayto
waa taanan deyin deelaydii gabaye
Dahrigayga waa tii aan ka jaray dihashadiisiiye
Daraan
mariyey waa in aan murtida laga diraacoone
Waa tii aan dihnaan jiray sidii
laas daroorimay e
Daadkuba dixda iyo dooxaduu dulun dulceeyaaye
Mar hadii
aan dabuubtiisa helo ama dariiqiisa
Oo ay diiradu ii saaran tahay diidi ma
aqaane
Hala diirsadee ararta maan idinku deeqsiiyo
Axmadow
dareen baa ka yimid doolo iyo hawde
Isagoo dirayskii sitaa oo duni iyo shaal
iidleh
Oo dunayadii yarayd daran u hoos jiifa
Diracii Ismaaciil markii talada
loo dooxay
Oo waliba dood liidata iyo digasho loo raacshay
Laye deyro dhaafkii
tolkii waa dagaalamaye
Dusha
qararo damashii haye iyo ilaha daahyaale
Reerkii dalkaas lagu ogaa duulaan
soo kiciye
Ma daahine diyaarsade hubkii duhur dharaareede
Derbaha gawlalaale
iyo yamays duuda yucuboole
Dusha baalidhaye sebenka waa la isku duudsiyaye
Daraawiish
ordaysaa gashay iyo duubcadii beriye
Difaac iyo markii weerarkii lagu dayeysiiyey
Keymaha
diqowga leh markii ay digadu yeedhaysay
Ma dirgane sidoodii baqay daba jeedsheene
Dal
jiirkooda ruuxii ogaa daawashow dhimaye
Nin Dhulbahante daandaansadaa waa ducfiyayeeye
Duli
baa ku dhaca reerka ay dacarta saaraane
Ina kaahin wuxuu daalibay oo doonayn
buu helaye
Reer Yusuf meel lagu dusiyo daaqad baa maqane
Dildilaha ku yaal
Adan iyo daahir iyo yeesif
Dadku waxuu ka sheekaynayaa waayo dabadoode
Afartaa
af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato
mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay
maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka
iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan
yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo
Doonyahu
ma dhoofaan hadaan diirad loo sidine
Dabaqayda iyo foolkuba waa dajinayaane
Duufaanka
waa laga qarshaa dirirka cawleede
Mar uun baa sidii dogob xoribay dakhalku
liicaye
Hadii awr dibood badan dibadaha u hoydo
Dabarka iyo hogaanka iyo
hadii deyrku qaban waayo
Keymaga dugaaga leh hadii daayin ku abaado
Mar
uunbaa libaaxyada dibjiray kaga digsiiyaane
Haday naagi dowraari tahay oo diiday
gurigeeda
Daryeelka reerka koobane haday dumiso geeskeeda
Nin keedii dalaaladay
haday damac ka weydayso
Mar uunbaa dalaaqda dadoow lagu daweeyaaye
Nin
dabeecadiisu xuntahay diina kula haysta
Oo diirka kaa shaabaha oo duulal kale
sheegtay
Hadii aad dadaal iyo wanaag daacad kaga weydo
Markaad daxan daxaysaba
haduu dacar ku leefsiiyo
Mar uun baa dubuhu ugu dhacaa si aan la doonayne
Alla
dakharku weynaa ninkii dilane yeelkiise
Danbigaad
gasheen habarjeclooy waa da'weyn yahaye
Wax baad duudka ku xanbaarataan ceeb
dandaan lege
Meeshii dulaydiyo sula baan kuu darbi ahaaye
Sidii wiil duqii
dhalay baan daadah ku lahaaye
Damiin baan ahaa maanta iyo dalan dalkaygiiye
Ducaan
kaa mudnaa iyo xamdi aad nala dul joogteene
Inaad aniga ii duur xushaan dib
uma eegayne
Haad kuma degdego aar oo daacurtii qabo'e
Hadaad doobnimo is
taawiseen baan dablaan ahaye
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Idinkoo
dagaan wacan helay oo duunyo badan yeeshay
Oo daramal iyo muusiko iyo danish
tumanayaa
Adoo meel daruuraha u dhow danan ka dheelaaya
Oo nabad ku daaqaa
iidoor daasad kuu tumaye
Doqontuna amaan aynaan lahayn waa ku dararataaye
Dibindaabyo
idin haysa baad darayo moodeene
Dabin
baad lugaha kula dhacdeen daadsan oo adage
Deelaha qadhaadh iyo shiil baad
daanka geliseene
Daluun malag iyo shoolad baad dalaq tidhaahdeene
U dulqaata
idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Dirirna
waa ka joog amase daacad u ahow'e
Ceel ku dahaya duul kuu tashaday dad aan
ku daynin
Hadii uu dagaal kugu qabsaday didib adoo jooga
Buntukhu dilaagiisu
jabay shiishku dabarkiiye
danbaas yaalka iyo hootada baa igala doodeene
Markan
isku kiin darana waa kaa dal qumisaaye
Sahan baas idinkoo fuushan baad dega
tidhaahdeene
Dabay yaale baa idiin martay iyo diilin karimeede
U dulqaata
idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Hadii
uu doobi buuxsamo in uu daato waw halise
Naf bariiqadeedii gashay baan hadal
dariiqeyne
Waxuu gabay daldalay Adan-Carab waa idiin digaye
Maansadan la
doondoonayoo haatan lagu daatay
Dahab bay ku miisaan tahay amase doolaare
Aan
is dayno aan wada degno iyo aan isku duubnaano
Duqayda iyo xeerbeegtidii dalan
kaclaynaysay
Iyo dooyadii dhowrka sano idinla duucaysay
Intaasaad shirkii
kaga dudeen waagii dalinweyne
Anigana
dakanadii horaa laygu dowgalaye
Marna hadaan waxaan kugu dugsado kugu dareemaynin
Oo
aan kugu diirsanayn dunida hoosteeda
In aan daaqsin geel kuu jirsado door anigaa
bidaye
Malaa Dirir-dhabaad sahan sateen oo dookh idiin galaye
Daafeed u
kaca meel fog oo durugsan weeyaane
Afartaa
af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato
mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay
maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka
iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan
yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo
Waxba
yaan dalxiis idinku marin dhul aan la gaadhayne
waxba yaan idiin di'in sidii
doogsii galabeede
Waxba yaan dabayl caafimaad idinku soo dayne
Waxba yaan
durduurta idin odhan malabka doocane
Waxba yey tixdaan duubayaa dacalo dheeraane
Dulucdayda
meeshan la rabo waan u daadagiye
Darandoori loo riday madfaca waan diyaarsdaye
War
doodiga sulaaxu way ducufka Iidoore
Hal
maqaarka diidani salkay dalalaglesaaye
Dunkana waxay ku beegtaa halkuu deebku
leeyahaye
Misna waxa danuunucu ugu jiraa dihashadiisiye
Dala haysataa iyo
si kale wax u dabartaaba
Waxaad dunida kaga qayb gashaan shay dacaayad ah'e
Carab
dalab leh iyo uur la dabo daanyeer dhaqankiye
Inkastaad damiin raadisaan dayri
baan dhalaye
Dilaal
iyo malaal baa indhaha daan idiin sudhaye
Halka meesha laga doonayaa idinka
diimoone
Waxaa dowlad la mucaaridaa dood siyaasi'e
Haday durugto sheekadu
talaa laga dulgeeyaa
Daakhiliga kaa eexda waa laga dacwoodaaye
Dila iyo
tola'ayeey wax garad kuma dareeraane
Soomaali oo la isku dilay waa damiinimo'e
Distoorkay
ka xaaransan tahay dayina maysaane
Daarood
derajadii u furay oo uu diiday in uu haysto
Oo uu hawiye dayriyey oo dibada
loo tuuray
Oo qaran ku duulaayey baad xalay dumaasheene
Dugsi iyo rag ina
aadani ha iska daaleene
Dalagna lacagta ha iskaga gurteen dhidid la'aanede
In
aad calanka dacal jeexataan diide reer bariye
Doondoonistii
hore baan diiq ku soo helaye
Diirka toban malyuun buu qabaa duulka aan ahaye
Waxii
deeble geel iyo rag iyo dirir na soo gaadhay
Dugaanyadii shalay nugaal dacalka
jiidhaysay
Oo sida dayaxa aadanahu dowmada u eegay
Oo sheekhu duubka u gashaday
waa daqiiqaha'e
Dooxooyinkii beerdhiga bey ugu danbeeyeene
Daliil iyo Taleex
baa lafahii duxayey yaalaane
Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliye
Sidii
baan dagaha ugu sitaa koofil dabasiide
Adna
dagantidaydaad kufriga daga lahaydeene
Dal yaqaanka idinkow ahaa Doora-Weynaha'e
Daraydii
Jidbaale baa Iidoor nagu duleedsheene
Kolay duulkaleto tahay iyo idinka duulkiina
Cidna
kulama daaweynsan karo duni Buluuglay'e
Wey idin dardaar warinayaa ducufsi
yeelkiise
Dhulkoo
doogan dunidoo nimca dalagyadoo rooban
Waxaan daarad waysha uga qalay uguna
daynwaayey
Oo ugu dirqiyey waa in uu dib ugu quustaaye
Hadii aan daboolkii
dhagaha daamur idin awdin
Ama aan indhuhu daahsanayn aragna diiqoobin
Ama
aan damiirka iyo xuskii idin dareen goynin
Malahayga daris qaadate ee galiya
diiwaanka
Hadii kale waxii danabsan iyo dooga bal aan dhawro

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)