|
Gabay:Gudban
Ama Gaalo-leged
-----------------------------------------------------------------------
1898dii
ilaa 1910 ayaa Sayidku dadka wuxuu ku waday waano iyo waxsiin si loo
helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo
xaruntii dad badani raacay xoogna ay yeelatay haddana dadkii daraash
ku maageerraa aflagaado iyo adyad bey ka deyn waayeen iyo iney gaalada
garab iyo gaashaanba u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay
haddii waanadii iyo wanaagii la diiday in waran caaradii lagu dayo.
sagoo Sayidku Daraawiish gubaabinaya, wixii loo geystena faalo ka
bixinaya dabadiisii la laayeyna gocanaya, waxay ka fali doonnaan
tusaalaynaya, meelaha in nabarro loo gesto ku haboonaanna timaamaya
wuxuu tiriyay gabaygan soo socda magiciisana la yiraahdo "Gudban"
Daraawiishise wexey u tiqiinay "Gaalo lagad" ( 1 ) Gudban
waxaa loogu bixiyay Saydkoo isu mariyay bari iyo galbeed. (2)
Gaala-lagad waxaa loogu bixiyay niman aqooni Daraawiish ahyn, wuxuuna
gabaygani ka mid yahay gabayada geyiga oo dhan ku faafay
Awel maanso waataan gudbo, gudhiyey waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gaasheeyo tii xalay hurdada, gama'a ii diidday
Galladaha
Illahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyeey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye
Najiskii
gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene
Dhurwaagii
ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane
Gandaldheere
waataan wax badan, guuyaduu maraye
Gef hadduu ku sii daray wixii, iiga goonniyahe
Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye
Giriirixis
aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye
Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
haddeeyaan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene
Godolkiyo
kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene
Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene
Gobeygii
Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey
Gegida Yuusuf Jiifaa tukuu, gabas-dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye
Geed-joogahoodii
haddaan, gudurigii siiyey
Guska Taajir baa ii hadhaan, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye
Majeerteenka
kale inaan ku gudo, wayga garanuuge
Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye
Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi reer Nuure
gabagaba-rogaalkaa
warmaha, lagu ganaayaaye
goobbay ku wada le'an sidii, goosan weer helaye
Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay
Afartaa
geddii aan bartiyo, gololo'daydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh
Guulaamo
roob da'ahayiyo, gababaxdiisii dheh
Onkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh
Guluuliciyo
mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh
Shir
la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh
Xidhiidh lagu gimmaamadahayiyo, gola firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh
Gobo'kalana
waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey
Gabbal
dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaaraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray
Ma
gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri boodheeyey,
Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey
Raggii
igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay
Gelin
haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray
Guntigaan
maroorsaday miyaan, labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu
War
ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma galaasa miidaan ku shubay, gamashigii Dayrta
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay
Godobtaydu
waa wada jirtaa, goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waa, dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waa, gurubsanaayaaye
Gardarradiyo
maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye
Nin
ganaananayaan ahaan, gabarna dhaafayne
Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne
Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye
Anigaba
geddey igu faleen, waa gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene
Anaa
gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye
Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go'aha Iidoore
Guban
iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e
Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne
Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise
Galaayuubta
Hagar-Aadan baan, gaaddow marine
Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, guucurradoodiiye
Sidii
garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga
Inshaa Allaahu waa gurahayaan sida gal miireede
Gurraasiyo
Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale
Gaas baa ku caran reer-Subeyr, goborra wyntiiye
Kolaan
Goora-cobolley ka dayo, amase Geel-loo-kor
Huwan waa ka gabangaabsan jirey, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geydayen, Goha miyuu dhaafi?
Afartaa
gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo
Gabgabtiyo
galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo
Waa
gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye
Xaajada
nin gunaan ahee, aan u garraaddeeyo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo
Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo
Nimaan
gedo yarayn baan ahoo, Gaaddaweyn jiraye
Waa ii garaad li'i dantay, inaan ka gaaftaaye
Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay
Eebow
geyiga oo dhan waa , nala ka guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye
Go'na
lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan, waa gam'i lahaaye
Eebow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e
Eebow
gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
Eebow garow kagama helin, goolashaan wadaye
Gambalaaligii
bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde
Xirsigii
garaaraha lahaa, gaarufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay, galowda taabteene
Eebow geesigii Ina-Dherey, ugu guduudsheene
Guxushaaga
Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne
Gorroska Muuse-Taaganaa wadnuu, ila gariiraaye
Eebow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e
Guuleedku
wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne
Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane
Eebow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye
Eebow
gaari bay reer Warfaa, guradiii saareene
Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye
Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede
Gaaggii
ka hadhay reer shawaa, caydh la golosleyne
Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile
Eebow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiishaaye
Caligeri
sidii loo gondolay, gobolba meel aadye
Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede
Eebow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede
Eebow
goonji weyn iyo qax bay, naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
Eebow waxay naga gogtaan, waa galoof olole
Eebow
sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
Eebow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye
Ma
garaysni Eebow waxaa, guufanneyska ahe
Eebow gabooddii dorraad, waan ka gara'layne
Eebow markaan geyllamey, guulmiyo biqiye
Eebow
guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
Eebow anaa kugu garlee, guusha ha seejin.
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|