www.dooynet.com

 

 

Ismaaciil Mire

Gabay: Gacal
-------------------------------------
Ingiriiska iyo Miirada la socotey baa Col weyn ku kicisay Caligeri. Geel badan laga qaaday markaas baa Nin reer hagar ah oo La odhan jirey Gaani Cali Ducaale oo mar hore reer caligeri geel ka dheceen xabadna uga dhufteen gacan ayaa markuu maqlay in !" caligeri ingiriis geel ka dhacay,ayuu gabay digasho ah mariyey markaas baa ismaaciil mire gabay tiriyey uu kula hadlayey Gaani cali ducaale.Ismaaciil mire waxuu yidhi:-

Anagu gaaniyow gacalka dhacan waaka gubanaaye
Gankaa naga xanuunsada waxii gaadha reer hagare'e
Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal gabida Daaroode'e.
Uma gabayno maantuu islaan gaalku weeraro'e

Adigana ninkii geed mudaa waa gu' kuu da'aye
Galowkiciye maantuu lafaha ina garaacaayey
Gulgulaha hinjiinka ah markuu kaga gig siinaayey

Gabla yey lahaayeen markuu inagu guubaabshay
Gamaasayrankeedii markuu gooni cararaayey.
Ee maraga goobtii ka dhacay gerab ekaanaayey

Galamada iyo eeriga markii lagu gujeenaayey
Ee goodirkii dhalay ilmada gabax ka siinaayey
Ma geyo ee hilbowluhu markuu gacan togleynaayey

Ee lagu gadaanaa marbaan go' ilahaa ciile
Ninse god dheer walaalkiis u qoday gelina mooyaane .
Warsow adiga kugu soo gotaa gamas colaadeedku




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)