|
Gabaygii:
Raad Gur ------------------------------------------------------------------- Gabayan
waxuu jawaab u yahay gabay uu soo tirshay nin Habar-jeclo ah oo la yidhaa Cabdi
baraar,waxuu ma riyey gabay la yidhaa Gabooyaley Hadaanu ka sooqaadano, hadaliisii
qeybo ka mid aha waxaa ka mid ah, Galool Hadimo nimankii sengaha labo gadaynaayey Goofaartankii
reer Shawiyo iyo Gorod markuu duulay Gudguduudka waabari markuu golos la heenseeyey Mar
inatass buu yidhi, mar kalena intan buu yidhi Maahmaahda guunka hadaan gaban
ka soo qaato Markuu gaafey Cali-Dhuux, Salaan hadaladuu gaystey Isagoo gunaafyo
xunxunoo go'iyo qeyraan leh Oo gorofka caydheed sitey xero u gangaameene Wax
igabayba Habar-yonistaa siisey naag gob ah'e Haaweyda gaanuugsatey oo goonka
dhabanayso Marna
Intan buu yidhi. Qaruumaha wax badan baa gadmay taad ka gabaydeene Guntimada
xargaga maalintii geydho ololaysay Golol maalintii la isku galay gobollka Naaleeye Gal
galuufka leexda markii guluxa la eryaayey Markuu
Cabdi Baraar intaa lee yahay,oo faanayo waxaa jirtey gabay uu nin Biciido,Habar-jeclo
ka tirshay dagaalkaas oo wa kii lahaa Inkastoo ragoodii ku lumay raacday libintiiye Raftankii
Xargaga maalintey raaxad ololaysay Markay raacdo raacdada ahayd sidii naq raacayso Rabaq
rabaqda goortey candhada ruuga marinaysay Oo raamo weynoow Ratigu daba rukuucaayey Nin
raxaafadkeedii ogaa Nabad ma raadsheene Miyeynaan rogayn ceebta waa la iska
Reebaye Hada
gabaygaasinu waxuu ahaa gabay Habar-jeclo tirisay markuu Cabdi Baraar faanayo,uu
leeyhay wax baanu baacsanay Habar-jeclo baa la weydiin maalintaas CEEBTA ay iska
reebayeen sida aad gabayga hore ku arkayseen Hadana waxaan u galaynaa Jawaabtii
Saleebaan xaaji faarax oo ka jawaabaya Gabaygii "Gaboooyaley" ee uu
marshay Cabi Baraar .Saleebaan waxuu yidhi:- Mar hadaanu gabaygu lahayn guurti
kala saarta Oo aan gudiyo loo tagayn gole wax qiimeeya Oo aan gefkiyo laaxinkii
cidi ka goynaynin Abwaankii la gaatiyo shanley la isu geegeeyey Mar hadaan
lakala gaabsanayn garasho la is dheere Alleylehe Gullaamoow murtidii waad gagabiseene. Gujadiisa
kama maarantaan waadna gurataane Adna inaad gadaal soo bax tahay galowgu ii
sheegye War gantooban hadal aan gadmayn baal gorgorisaane Xigmad godan galayn
maansiyo, eray ma guuraan ah Gargaar Eebbe mooyee dhul aanu gabayga kaa saarin Golal
iyo hab waa lagu gartoo aniga ii gaar ah Gurmoodka iyo geel doojiyuhu haba
galooleene Taariikh gundheer baan sidii gooni qorayaaye Geed
kale sooyaalkan aad go'a tusaalaysay Adaa yidhi gabaan baad hayd gooshashkii
hore'e Inaan ugu gu' weynaa dadkoo garasho diidaysid Googaalaysan maynee
runtaan kuu gudbinayaa Anigoon
gargaar cidi isiin garabna lay taaran Adna aad bixisid gibir baan xornimo
weerarkeed galaye Gadh wadeenka adigaa u ahaa, gaaladii Yurube Madfac lagu
gabaarmiyo hubkii gulun gulcaynayey War waa taad gabaadkiyo halkii gogoshu
ii taalay Inta aad tilmaan lagu gartiyo siisay gacan haadin Gaashaandhig
Soomaliyaad guba tidhaahdeen Mana
gocanin eedaad gashay oo la igu gaasiray'e Ninkaygii intaa soo galada gurayey
raadkooda Gudcur kana cadada kaaga dhigay waanad garanayne Mar hadaad gadaal
soo bax iyo gaabis igu sheegtay Ma gedmane ayaamahu Cabdow waa isku gurayeene Ma
googin qoraalkii la dhigay geedna qarin waaye Galabna kuma dhamaadiyo aduun
maalin galinkeede. Adaa
goor dhawayd iyo doraad soo galgaal baxaye Miyaad ila gudboonayd shalaybaa
geelu kuu dhalaye Dawladaha guunka ah markaanu is garaacaynay Malaa maato
soo goosantey baad godolo hayseene Gefna kama madhnayn oo inaad gabayday ley
sheegye War ma anaad abaal ii gashay oo gudi aqoon waayey Afartaa
murtidii guurtigiyo, gabay Nugaaleed dheh Goodiga xalmeed iyo Taleex gaaxdii
xaysimo dheh Galaxyada banaan soolalshiyo geedka saynta leh dheh Oo Jiidali
gunteediyo Saciid gumucyadiisii dheh Godka
maxanba Yeyle iyo Gudaha caymeed dheh Garka sariyo oogada waxii haro ka geeseeye Geesigii
Ismaaciil inta uu gaydho ku xareeyey Amase uu ka geeraaray Cali, gobolladaydii
dheh Gaabo
iyo Caynabo haday gacalo kaa hayso Buuraha dushoodiyo adigoo calaha guud saaran Gulaankiyo
xeebtiyo adigoo guban ku meeraysta Goortaan ku soo gacan qabtoo kuu gargaar
fidiyey Oo goofkii aan anigu qoday oo biyaha gaadhay Adoo gooman goortaan
ku idhi dhigo gandaalkaga. Gaadiidka
goortaad heshoo Awrta lagu guuro Guraha iyo jiicaad tiqiin iyo galoolkiiye Gargaaro
iyo doomar markaad baratey geed saarka Oo gaagaabka waa taad ahayd wada gamoorayd
eh Sidaydii markaad gaanburtay oo Geriga le ekaatay Ayuun baad ged kale
soo baxdoo toban ganlayseene. Ninse
gardaadshay baa dawladnimo loo gurguriyaaye Garaado iyo maal kale haduu Gaani
bixinaayey Waa loo gudboon yahay waxii qaladi waa gaare Gunana waxaa la
siiyaa ninkii kaalinta u galay Ninse gurguurtee lama raacsan karo goodir dayr
dhalay'e. Illaahii
gayi uumayoo gooday baa jira'e Dadkuna ma aha gumar iyo dhalool gawlal iyo
jiice Guulaafo diday uumiyaha gebin ahaantiise Hadii adiga lagu gowdhiyood
aad ka gami weyday Garanuugta eydiyo sidii goodir haw didine Gadaafadu xaq
kama xoog badnee gollaha maad keentid. Hadaadse
adigu guura rabtiyo galab carawtiinka Oo shalayto kii ciida gaday daba guclaynaysid
Shisheeyaha gargudubka hadaad gogol u doonaysid Oo aad go'aanka Ingland
yaal galisay laabtaada Gidi geedna Soomalidii gibile kaa fuushay Oo aad
godoon tayoo dadkoo idil ka guulmayso Guubaa badaadani majiro ciday galaysaaye Inta
kale garkay qabanaysiyo goolka ay dhaliso Galad iyo abaalmarin waxay kala gudoomayso Maxaa
adiga kaa galay ninkaa guuray baad tahaye. Mareexaanka
gaanka intaad guusha ka xasdaysay Gol dalooladaad inaad garato fiicnayde Gudcur
inaad xulaysiyo inaad sahan ku guurayso Inaad gaadhay libin iyo inaad gebi
ka laadlaado Gu'gii da'ayba adigaan ogayn gees uu kaa xigo'e Gudan muusanow
iyo intaad gudin la soo roortey Guntan iyo Afmuudka xidka maraya guudkooda Waa
waxaad u gaadoo ximruhu geerida u dhigay'e. Abwaan
jiray guyaal badan waxuun baad ka gunudaaye Nimankii garoomada xidhnaa odayadii
geeshka Gaanane Khaliif iyo waxaan Bile ka soo gaadhay Hadaan loo garaadayn
rayiga gabe halkiisiiye Gamaana waxaa la qaadaa markaad garab u haysaaye. Markaad
adigu geenyadan is tidhi xalay gawaan raaci Guud quruxsan heensaha adoon gacan
togaalaynin Waxba meel ma geynine intii lagugu soo gaadhay Sidii goosan
weer helay markii lagugu geesaasay Goonkaa ku jabay baan waqii laga geyoonayne. Intaadse
adigu good labo afliyo guud cadaha raacday Gacmahaaga adiga baa ula tagay lama
garaacaane Gaatame libaaxow waxii, ganaya eegaaya Gardarada maroodiga maxaa
adiga kuu geeyey. Garaad
taliye waligaa hadaad gabay jareexayso Ama aad gunuustoo xumaan gowska ugu
hayso Wax ma gaadhin ciilkuna aduu kugu gadhoodhaa Waxaan uga gol leeyahay
naxwuhu yuu ku gees marine Axmed waxaadan sheekadan guracan ugula gaafmeerin Inuu
yahay garsoore cilmileh niqin gar-eexaadka Sidii buu gudoonka u jaraa geed
labna u yahaye . Sidii
baa magaagaxe rayiga looga gurayaaye Goobtuu fadhiyo wa amidaan cidina gaadhayne Hadaad
toban guyaal iyo ka badan hore u soo guurto Marna inaadan soo garab degayn
geli calooshaada. Kaaraha
ka guuxoo Nugaal midabka giirgiiran Nina geela kuma raaco iyo guunyadoo dhaqaye Waxse
la yidhi gumaystiyo dilaal goohayaa jira'e Wax la yidhi Waraabihii galbeed
wuu gurxamayaaye Lamana rabo abeer gaanbiriyo gool inuu cuno'e Gobanimada
iyo calankan uu noo galaday Eebbe Gardaalihii raba inuu gooyo xadhigiisa Gaadhweeye
qarankaana diray inay gumaadaane Maka giigtey waa taad istidhi soo gol qabateeye. Iskana
gayso lama doonayiyo tiriyey geeraare Lamana guulo maansadii ninkii kaaga guluc
dheere Golena lalama tago hadalka kaar kuu gar noqonayne Waxaa jira Arimo
kaa gu' weyn aadan garanaynin. Gobaysane
ragii noo dhashiyo gebi ahaan toodba Gudoonkooda odaygii lahaa iyo galaaskooda Geeskiyo
Shaxduu degi jiroo guuyo ku lahaaye Gurmoodkaa dugsiga lagu baraa gumucyadiisiiye Kumana
gaadhin Cali-Adan, oo kuuma soo gudune War waa goorma goortuu tolkaa gorof
u waabeeyey? Gabaan yahow hadaad caalinkii been ku gabanayso Godka iyo Xabaashii
anigaa geeyey Ubax weyne. Waxaad
tidhi gabooyaad tihiin soo gabraar sadaye Gabdhaha iyo hooyooyinkii guriga
noo joogay Iyagiina goonbaaro tidhi iyo geyaan ma aha Marna tidhi dad gacalaynu
nahay oo aad garanaysid Oo aad tidhi cid bey wada galaan odayaduu guudku Ku
galgalatey haasawihii garan gartiisiiye Gar waa loo Islaam ceebse waa lagu
gumoobaaye Hadaan labadu meel wada galayn gees iskugu leexo. Anse
inaan haweenka u gafaa gebi ahaan toodba Gob baan ahayn afkayguna ma geyo oo
ka gaananiye Ragbaa dirirtamoo oo la mid uun godobtu raacdaaye Guntii hadalka
gowdiyo runtaan kuu gudbinayaaye. Anoon
anigu eed kaa gelin oon guudka kugu saarin Intaad tiris isu wada gaysay oo
guuro bahalaysay Oo aad aniga iga goosatoo ii ged bixi weyday Gudaha iyo
dibedaba intaad ganafka ii taagtay Oo aad garbo qabiil is tidhi gaar wax ugu
doono Godka hadimo waa taad qodeen oo ku gubateene . Duulaan
gadoodiyo intaad gulufka heensaysay Oo aad gantaalaha qafilan marisay Gaaroodi Meel
kaleba idinkoon gilgilan oo waxba u gaysan Sidaad neef la gowracay tihiin geedo
kama waabte Guryihii iyo caruurtiinii baad gaas ku qabateene. Golahii
Hargaysiyo Burcaba waa Gawan madhane Halkii maalka lagu gadi jirey bey Gorayo
daaqdaaye Googoos xariir ihi ma yaal Go' iyo Laaleys'e Kamana baxo gol ceedeed
sabaax guradu buuxdaaye Idinkaa gelgelintaad ka dhigay gumaradiiniiye Intase
aad guga hooray iyo geedo ka hayaantey Gol qaniin leh waadigan degoo guulay
oomane'e. Gadh
cadaaga iyo ubadkan aad gaxadhka jeexsiisey Naagaha ganbada tuurayiyo gaarida
asqowdey Adigaa gamaada dhigayoo geerida u kaday'e Gorgorka iyo jidhkoodii
maxaad guduuriga u siisay Waad goodiyeysaa adigoo gawli kugu taale. Iminkaa
gabaydhuhu cidlada kugu garacaaye Intase gaajiyo haraad gaagan hadhan laasan Waxba
yuu gumaysigu faraha kuu godaan godine Waxaan guunyo kugu dhaamo waan kuu gurmanayaaye Iska
soo gal maantana aniga baa kugu dhaw gacale.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|