|
Gabay:Gataatac
------------------------------------------------------------------------
Gabaygan
Abwaanku waxuu tiriyey mar Abaar xun dhacday oo la doogsaday
. Ayaa dhalinyaradii markii dhulkii nimco noqdey dhaanto tunteen
iyagoo ilaaway Jiilaalkii soo marayWuxuu aad ula yaabay dhalin
yarada sida dhaqsaha badan u ilowday dhibkii la soo maray ee
intii ay Alle kor ahaayee u mahad celin lahaayeen, dhaantada
iyo munkarka ku mashquulay.
Maxamed
intuu hurdadii ka kacay ayuu dhaantadii dhinaceeda abaaray si
uu wax ugu sheego uguna soo caqli celiyo dhalinyarada duleedka
reerka ka jalwinaysa. Wuxuugabaygan dabadeed ka tiriyey goobtii
dhaantadu ka socotay Waxuu yidhi:-
Nimanka
gaardiyahayoow waxaan, idin garwaaqsiiyey
Gudhiye goortuu dhacaye, uunku kala giigay
Gaajada
markii loo dhintiyo, gubayadii oonka
Garlowgubay
in joogtiyo markii, gacalku eedoobay
Gabdhihii
iyo xigaalkii markaan, garan aqoon wayney
Ee adhi haweenkii gabiyo,
gabadhii
raacaysay
Ee gara-habaas laga tagiyo, giiranoow sumalka
Gandaalkii
haboonaa markii, giiran laga xooray??
Gurgur
qaadku goortuu jilciyo, gaatiyaha owrku
Gallaydii
Golweyn tiilay markaan, ganac ku soo waynay
Ee gaanidii naaxday iyo, goolkii la idlaystay
Geelii
dhalaayey markuu, milicda gowriiray
Geeyaha
habaaska leh markay, gabantu hoos tiilay
Ninkii gabal aroorshaba markuu, rarayey gaadiidka
Goglo
iyo gayiga loo dagay iyo, Xero-xun gaafkeeda
Goofkii
Tagaabeeye iyo, tan iyo Gees Dheere
Goon-ma-waaye
intii, Toomo laga gaadho
Gaawaale
Xaaxi iyo, Dhariye geestiisa??
Xidhkii Gowlalaale iyo gabriyo, Miiro gudahooda
Garasleey
gargoorkii dusha, Gowlo iyo laago
Gummareey
guryaha ilo Goonyo, iyo qaali??
Golduulaan
Garaac iyo tan iyo, geeska Coboleey ah
Guro-koraadkii
arlada markii, gooshin laga waayey
Galaal
xoorku markuu dhacay ee, gaadhku na idleeyay
Gagabo
xoog leh markii, goodir laga buuxshay
Gamco
hoorsi midhihii markii, xoog la garan waayey
Giblo
lama tumaynin iyo, gurbaan la gig siiyaaye
Waa
tii ciyaar laga goiyo, guuxi dibadeede
Waxa
lagu gataataca hayaa, soo gu daay ma aha
War
galadaha Ilaahay maxaa, gabay Abaalkooda
War
gaardigeeniyo danbigu, soow guracan ma aha

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|