 |
Gabay:
Gobtii ------------------------------------------------------------------------- Gabaygan
waxaa tiriyey Abwaanka Doolo ka caan ka ah ee cabdi saahid gabaygan oo taabanaya
meelo badan Waxuu yidhi:- Gobta
silicday shacabkii la siray sahankii beenoobay Seerahan Salxaan sii dilay ee
Samatar ceebeeyay Sancadoow dameerkii sangaha laga saraysiiyey Geenyada
surkaa lagu dhuftiyo baqalka soo dhaafay Ama sidduu suldaankii watay iyo yibirku
soo guuxay Saaxiibyadii kala dhintayee, sooryo kala waayey Kacaankaa sabuubtaa
watay oo, saaba noo galaye Sinmadiina mooyee dadkaad, siiba lumiseene Sirta
iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno Walee anigan ina-Saahid ahaan, sidan
ku noolaanin Saaxiibayaaloow
haddaan, hadalka sii raaco Runta sooman been sarar cuntiyo, tuugo socodkeeda Khaain
dharag la seexdiyo wadani, dibada loo saaray Seeftuna galkay diidan tahay,
saan u galinayno Arintaa sidadii laga jaray iyo, suuman kay wadatay Hadaad
sooba qaadana inay, suuro gali wayaday Doqonbaa in aan calan sudhniyo, sugaysa
doogaad e Samadaana lagu laalay iyo, sayladii Xamar e Dad
siloonni seel dhididadaa, subag ha moodeen e Sixinna ha u maleeyeen saliid,
loogu daray soor e Sunba hadashay sowd been ah iyo, sacabka reedhyoowga Kala
socodka suuf iyo xanjada, sixiradaa hoose Sharcigay Siyaad iyo wataan, seediyaal
xididay Suugaantu waa saynu nahay, eed ku socotaane Saacad
bayna ceeb tahay inaad, seexataa gogol e Waa wuxuu samuud dibbi u dhali, weyl
na loo sugi ye Sumaddana sacweyn looma rogo, saad u maqasheen e Saadaashi
waa khalad hadaad, samo filayseene Shantuna waa kasoo noqo haddaad, guul u
socoteen e Sukraadka iyo mariiqa iyo haddaan, soxolka eegayno Sanadaha
i haystiyo wakhtigu, waygu soo kuday e Masalana Siyaadoow waxaad nagu samayseen
dheh Afar
iyo siddii tobonka wiil soodhka loo mariyey Ama uu Salxaan ugu dalacay samir
Ogaadeen e Nasiibkaygan siliteeyay iyo, saa anaa is baday e Soomalidda
Galbeeddeeyna, waa tuuga sahankeed e Sirta iyo siyaasada haddaan saa u garanayno
Walee aniga Ina-Saahid ahaa sidan ku noolaanin Saaxiibayaaloow
haddaan hadalka sii raaco Suryadaad maraysaba ninkii, bohol ku saynsaabay Sakaraadka
kaagama biiyo, inaad sabooshaaye Ninka sadaqo kaa maanaca iyo, cudur
sabeen jooga Tanag subaga kuu guma shubiyo, sixinka xoolaad e Nin surwaalka
kaa bixiyey oo nigiskii kaa siibtay Skeiko dukaan taal ileen, kuuma soo gado
e Nin
sagaaro kaa qadiyey iyo, jeenni aad soloto Sararo gool sideed jir ah, ha sugin
inuu ku siiyaaye Waxaanan saa u lee yahay hadaan, hadalka sii raaco Ogaadeenya
waa u sumalka iyo, sida sabeentiiye Macnuhuu saleeligu ku dhacay, sababtu
weeyaane Ogaadeen siddii sogob cayilay, sooryo loo qalaye Loo suuldhabaalee
siddii, sabi caruureed e Iyagoo
sagaal qad ah la saar, sibi dusheediiye Soomaaliyaa lagu siriyo, soo uruursada
e Sada iyo Siyaadoow haddaad, siinkii kala reebtay Madaxda kii la
saarana dibiro, suunku kala gooyey Sodonkaa habrood iyo intii, sabiga loo
yeedho Ninka
saaka waa nabad sitiyo, sabaydan dhiigeeda Ragbaaba soodhka lagu sii wadaa,
soloyna loo jeexye Maahmaah salkeed baa ahaa, samirba taag waaye Waana
waysha sidig iyo macnuhu, dibiga soo daaye Sirta iyo siyaasada haddaan, saa
u garanayno Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|