
Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku dhawaaqay golaha cusub wasiiradiisa.
Xaflad ka dhacday xaruunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay xubnaha cusub ee xukuumadda.Golaha cusub ee wasiiradda ayaa ka kooban 18 xubnood.
Wasiirada la magacaabay ayaa waxa ay u badan yihiin xubno ku noolaa dalka dibeddiisa.
Saddex ka mid ah wasiirada cusub ayaa horey ugu jiray dowladdii hore.
Habkii awoodqeybsiga beelaha soomaaliyeed ee 4.5 ahaana waxaa loo kala qaatay sida tan
Digil &Mirifle:4 Wasiir(1-gaashaandhiga,2-Beeraha iyo xanaanada xoolaha,3-Dastuurka Federalka iyo Dib u heshiisiinta,4-Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka)
Dir:4 Wasiir(1- arrimaha dibedda,2-garooska arrimaha diinta iyo awqaafta,3-arrimaha bulshada, shaqada iyo horumarinta shaqaalaha,
4-dekedaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka)
Daarood:4 Wasiir(1- Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga,2-maaliyadda iyo Lacagta,3-Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta,4-Howlaha guud iyo dib u dhiska)
Hawiye:4 Wasiir(1-arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,2-Kaluumeysiga, Beyada iyo kheyraadka badda,3-Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ,4-Ganacsiga iyo Warshadaha)
Beelaha Shanaad:2 Wasiir(1-Haweenka iyo Arrimaha qoyska,2-caafimaadka iyo daryeelka Bulshada)
Magacyada wasiirada cusub ee golaha wasiiradda waxay kala yihiin:
1. Maxamed Cabdullahi Oomaar ( Dir,Isaaq,Habar Awal ), Raiisul wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka arrimaha dibedda.
2. Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ( Digil, Dabare ), Raiisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka arrimaha gaashaandhiga.
3. Cabdiweli Maxamed Cali ( Daarood,Majeerteen,Cumar Maxmuud ), Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga.
4. Cabdullahi Abyan Nuur ( Dir, Biyo Maal ), Wasiirka garooska arrimaha diinta iyo awqaafta.
5. Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax ( Hawiye,Habargidir,Ceyr ), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
6. Xuseen Cabdi Xalane ( Daarood,Ogaadeen,Cawlyahan ), Wasiirka maaliyadda iyo Lacagta.
7. Maryama Qaasim Axmed ( Beesha Shanaad, Banaadiri ), Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska.
8. Yusuf Macalin Amiin Baadiyow (Mirifle, Leysaan ), Wasiirka Beeraha iyo xanaanada xoolaha.
9. Dr Aadan Xaaji Ibraahim Daaud ( Beesha Shanaad, Jareer weyne),Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.
10. Cabdikariim Xasan Jaamac ( Daarood,Dhulbahante,Cali Geri ), Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta.
11. Cabdinuur Macalin Maxamuud ( Dir,Surre ), Wasiirka arrimaha bulshada, shaqada iyo horumarinta shaqaalaha.
12. Maxamed Macalin Xasan ( Hawiye,Murusade,Cabdalle Sabdi Maxamed Yare), Wasiirka Kaluumeysiga, Beyada iyo kheyraadka badda.
13. Axmed Cabdiraxmaan Abaade ( Dir,Isaaq,Habar Yoonis ), Wasiirka dekedaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka.
14. Maxamuud Maxamed Boonoow ( Mirifle,Hadama ), Wasiirka Dastuurka Federalka iyo Dib u heshiisiinta.
15. Cabdirashiid Khaliif Xaashi ( Daarood ,Leelkase ), Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska.
16. Cabdirisaaq Shiikh Muxudiin ( Mirifle ,Eelaay ), Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.
17. Cabdinuur Shiikh Maxamed ( Hawiye,Xawaadle ), Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare
18. Maxamuud Cabdi Ibraahim ( Hawiye,Gaaljecel,Abti-same ), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
Copyright 2010 by The Somali Democratic Party| All rights Reserved