www.dooynet.com

 

 

Saleebaan.X. Faarax

Gabay:Dabaaldeg
---------------------------------------------------------------------
Abwaanku gabaygan waxuu tiriyey mar Habar Lamaan waa habaryonis iyo Habarjeclo Dagaal ku dhex maray Raas ka mid ah Dhulbahante, waa Maxamuud Ugaadhyahan'e Halkaasna Maxamud Ugaadhyahan Guul weyn ka keenen ayuu Saleebaan damaashkii reer tolkiis soo hoyeen gabaygan tiriyey dagaalku waxuu ka dhacay meesha la yidhaa GAABO, Abwaanku waxuu yidhi:-

Dadii gabay ma marin waana daayacaye
Dibnaha waa taan ka jaray deelkii maansada'e
Marse hadii duruuf la i hordhigo damaqda laabtayda
Sidii meel durbaan laga tumay oo laga dul heesaayo
Ama geel dar loo soo horay daran ku soo oomay
Mar hadaan dunuunaco naxwaan dibada keenaaye.

Eray dalab u yeela iyo si'aan looga helin daayac
Amase mid igu soo deydaa uguba soo daalin
Dogob baan ka ogaa halkaan maalintaa dago'e
Caawana afkaa doonayoo wey dirqiyayaaye.

Dalsantii Nugaal iyo ilaa dagaladii Hawdka
Anigoon duruus weyn ka bixin daalac iyo naasin
Waxaan soo dulmarayaa arimo deymo gaara leh'e.

Dunjigii Dhulbahantoo fadhiya degaladuu joogay
Iyagoo bulshada wada degta iyo deriska eegaaya
Wax badan bey colaad diidayeen nabadna dooneene
Wax badan bey dekanadooda maqan duudsi mariyeene
Wax badan baa la daandaansaday diriri waayeene.

Goortii danbiga Habar lamaan daaya laga waayey
Dogobliyo biyihii bohol markii ooda lagu deyray
Oo uu damaaciba ka galay aniga duugayga
Danbay noqotey maantaa in ay dacarta qooshaane
Goortii inay dagaal galaan talada loo daayey
Oo ay diyaarsheen hubkii daafac iyo weerar

Oo ay darmaanta iyo qabteen xamarka aan daalin
Degdegsiiyo kuma soo kacaan kumana duulaane
Goortii wadaada digriya iyo diiqa qudhi yeedhay
Waatey col lagu diirsadiyo duuyo bixiyeene
Daqiiqado yar bey kaga gudbeen labada daamoode

Waa duudkii odaygii Saciid iyo dirkiisiiye
Dadan iyo garbiyo bay dhasheen, duhur dharaareede
Sidii danab ka soo dhacay cirkoo,didib ku soo beegmay
Jeeray dubaaqiyo dhigaan nabaro loo doogto
Amase ay wax daanduumiyaan dib uma laabtaane
Goortii doc dhexe la isku helay bananka diirdiiran

Darandoorigii saanadiyo dabaqadii xeesha
Durtadiiba goortay arkeen diilinta iyo yoolka
U dabride sidii ciidankii dumiyey Baarleefe

Nimankii dulmiga qaayibey ee soo durdurinaayey
Sidii Cawl wax laga soo dilay oo duur ukala yaacday
Ama Tuug duleedada laga eryeey orod ku diimeene
Sidii dawlad calanley xarago kaga danqaadeene
Duhurkii Gar-Adag bey fardaha kaga dulboodeene

Dixta xeebta iyo buurahay dabo marsiiyeene
Daayeer sidiisay cashii dacalka saareene
Una diidee waligood in aanay daaqin meel banahe
Alleba waa jabhad diiqsan iyo dad ay ka xaysteene
Duulaanka jeer ee reer galbeed ciidan laga doono
Dogob aanu oognay oo qabiil dumiyey waa beene!!!.

Inkastoon colaadaba ka dido doobir xumadeeda
Sidaan diirad haystiyo hubkii dowladaha NATO
Anba doorka libintaad hesheen igama daahnayne
Oo duciyo waano ayaan intaas soo dawinayaaye
Waxna iga dardaarana hadii Eebbe idin daayo

Dad haduu isnaco waa sidii deyro kala yaace
Sidii ul iyo diirkeed intii la isku duubnaado
Dantu waa mid kaligeed intey diilin baas tahaye
Oo waa dabar go'eenii hadaad kala dibootaane
Is dugsada hadaad kala tagtaan waa darxumo weyne

Wax layidhi durbaanaa la tumay xeedhi dabataale
In dilaal wan weyn qabo ninkii doqonah baa mooge
Degta qoriga saarani in uu dhigaba waa ceebe
Ma degdegine sheekadu iyodoo dux iyo iidaan leh

Iminkana wax layskuma daree aan doc kale eegno
Axmadoow duruustayda gabay amase doodayda
Dunta boqorka iyo aalladaa saaran docohaaga
Iyo darajadaad heysatiyo duubka iyo shaalka
Damal aan hadhsado inay tahaan daanka ku hayaaye

Damiir iyo nin duli ah waxuu duudsiyaa jira'e
Doodii abwaanada markii lagugu soo duulay
In diiwaanka qalad kugu dhaco aniga oo diidan
Waa waxaan dagaal waa afkee daafaca u galay'e

maantana daruufaha xilligu duurka ma xulaane
Degelkaad ku dhalatiyo dhulkay derintu ku tilay
Inkastoo damiirkoodu yahay niman daraawiish ah
Duleedada haduu aar ka helo daalal iyo xeysku
Oo aad adigu daar dheer fadhido doogsin cararkoodaa

Waa inay dugaal kaa helaan kuna dawoobaane
Oo waa inay waxay kaa dalbaan ugu dadaashaye
Bal sidaad diyaar ugu tihiyo darajadaad siiso
Ma dekaame waa inay arkaan dib u xusuutaane
Dilaaliinta naaxday ee sidii ooda kugu deyran
Dareen jire ma dhaafaan waxay kugula doodaane

Dadkana magaca uun baa u siman diifse kala roone
Ninba dowga uu kula maraa lagala duulaaye
Ha daayicin abwaanada xumaan uma dulqaataane
Oo hadaad dulmido waa adigoo dumiyey taariikhe
Digtoonaada reer kaan ahayoow leysku soo durugye




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)