www.dooynet.com

 

GURMAD: Gabay ku socda R/Wasaare Cali Maxamed Geeddi

 

Hordhac

 

Dhammaanba ummadda soomaaliyeed meel kastoo aad joogtaan salaan iga guddooma. Mar aan dhowaan dhegaha u raariciyey waraysi laga qaaday ra’iisal wasaaraha ku meel-gaadhka ah—ayaa wuxu igu noqday amankaag iyo layaab. Waxan filayaa inaanay aniga gaar tani ii ahayn ee dadweyne fara badani ka gadoodeen hadalkii Cali Maxamed Geeddii BBC-da u sheegay kaasoo odhanayay in dawladda uu hoggaanka u yahay ictiraafi doonto Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland—haddii caalamka kale aqoonsado. Sidoo kale, wuxu sheegay inaanay jirin dad soomaaliyeed oo la gumaysto haba yaraatee. Waxan is weydiiyey, malaha Mr. Geeddii wuxu rabaa inuu taariikhda soomaaliya dib u qoro.

 

Gebagebadii, qoraallo fara badan oo lagaga ficishamayo dhacdadan ayaan akhriyey. Si kasta ha ahaatee aniga aragtidayda suugaaneed ayaan rabaa inaan kaga qayb qaato, maansadan la magac baxday “GURMAD” waxan ka tiriyey hadalkii naxdinta lahaa ee PM Geeddi ka soo faruurmay. Fadlan ha loo gudbiyo tixdan isagiyo madaxweynaha C/lahi Yuusuf. Akhris wanaagsan, wixii faallo ah ku soo hagaaji emailka kor ku qoran:

 

Gabay waanigii daayay oo gaabso doorbidaye

Godolkiisii waayadan ma libin iyo ganuunkiise

Aan gorfeeyo waataan ahaa gogol dhiggiisiiye

 

Cali geeddiyoow xaajadaad goobta kala yeedhay

Gacalloow malaayiin daday gaadhay qayladiye

Gocashiyo xusuustii qalbigu ila guhaadoowye

 

Soomaaliland goosta tiri garashadaadiiye

Garabyadii maqnaa tiri amxaar haydin guursado’e

Ma gabbaatibaa ciiddu waa dhaxal ma guuraane

 

Walaalow gef waa laga ordaa godobta qaarkeede

Gashi iyo mag waa laga baxshaa aano goonniyahe
Kala geynta qaran waa midaan gari ahaanaynee

 

Gabtay oo hoggaankii caloow waakan gaasiraye

Xilkii giiji lagu yidhi haddaad gudo aqoon weydey
ma geydide u dhiib shacabkii way kugu gedoodeene

 

Afartaa garsooraye mid kale gocanayaa mooyi

Nin gujaa murtida lagu yiqiin waan ka gaagaxaye

Aan giraangirshee mawlahaan iga gulaalayne

 

Hal gawdiidda gubadkoo harraad gooha ololaysa

Oo gabannadeedii l’edeen gaajo kala qaartay

Gacan midigle kuma aammineen inuu la guulaaye

 

Gunta hadalku madaxweynuhuu gaar u sii yahaye

Garoommada inuu kaa dhigaan talo ku gaadhsiine

Goolaaftan maahee runtaan geedka ka caddayne

 

Weli guul kamaad hoyn xilkaa guudka kuu sudhane

Indha gabadhsi bay kuu ahayd maalin gelinkeede

In lagaa gabbaanayday adaa goob xunta is dhigaye

 

Guclahaagii kama badan inaad nacab garbaysaaye

Gadhwadeen Zinaawaa tihiyo goosatiyo tuuge

Adigiyo intii kula guntani waad ku geleysaane

 

Goblamaan ka diirayn dhibtaa guriga noo taale

Galaayuuska maatada kolkaad gawda maqashiisay

Guullaa u maqan Fahad horuu kuugu guud maraye

 

Afartaana ganay oo horaan uga gudabaayaaye

Gobol aan tilmaan ugu noqdaan kugu garwaaqsiine

Caliyoow garaadkaa kolley gob’odu waa meele

 

Geyigaa aad kala geyn rag baw go’ay daraaddiise

Gubniyaa godka u galay markii laysu soo galaye

Gurey iyo darwiishkii u hure gebi naftoodiiye

 

Geeridiisi xalanaan ilmada gob’o ka siiyaaye

Gabayguu tirshey timacaddaan gama’ la diidaaye

Geddii faarax uun baan niyada gocanayaa mooyi

 

Waxaan gole ka maagiyo afkaan gawsaha u giijay

Gorod rogadka socodkayga iyo gaanannimadaydu

Gunnimaan ka fiigaa inaan laygu gooddiyine

 

Waxa geesi lagu gawracee iilka lagu gaabshey

Ee lagu gembiyey ciidda ee aakhira u gooshay

Ee godolka maandeeq ka qaday gocanayaa mooyi

 

Galda’aagii caliyoow haddaan gaadh lagaa qabanin

Gar loo gubay haddii aanay noqon gubiyo xaalkeeda

Is gunaanad gobanimiyo sharaf ma aha gaankaaye!

 

Maxamuud Axmed Cabdalla
Email: Abdalle9@hotmail.com