|
Hagar yaqaan
....................................................................
Waxaan
horay u soo sheegnay Ammaan iyo aflagaaddaba mid kastaba, ha naqotee
in Daraawiish gabayo badan loo soo mariyey. Cali jamac haabiil, ayaa
gabay Daraawiish u soo mariyey halkudheggiisuna ahaa:- "Dameerka
hariiryaha leh iyo heer dhulbahantaa leh" Sayid maxamedna
alabkiisu wuxuu ahaa haddii gabay loo soo mariyo asuu doono inuu hadal
ka celiyo inuu baro u dheereeyo. Gabaygaanna wuxuu ka tux raacaayey
kii cali jamac.
Xuseenow
ninkii hagar yaqaan waa habaar qabe e,
Ninna hagagi maayoo run baan,heeg u marayaaye,
Hadii aan hammiyey aakhiraan, laga habaabeyne.
Harti
nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,
Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.
Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.
Waa
nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne
Waa
nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale
Waa
niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne
Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye
Waa
niman hingaar lama watee,haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,
Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane
Waa
niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode
Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode
Waa
niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye
Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone
Dadka
kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe
Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka Iidoore
Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin
Iyana
heer inay leeyihiin,hubantidey weeye
Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.
Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye
Nimanka
hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.
Nimankii
hawaaree sidii,habas u kowdiidey.
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye
Nimankii
sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.
Ragga
hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin
Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.
Nimankii
habeedley ummula, huga u mayraayey.
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Ragga
udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,
Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Axmed
nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Muusacarraha
haragga iyo, hoorka xiranayaa.
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Ciisaha
baqtiga hiigayoo, haadka qalanayaa,
Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Habaryonis
iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan
Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Intii
heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e.
Niman
baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,
Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|