Gabay:Hami
------------------------------------------------------- Gabaygan
Hami la yidhaahdo, wuxuu abwaanku ku fasilayaa riyo uu habeen ku riyooday waa
sida gabaygu u dhacayee Haddii aad hayso qisadan oo dhan noo soo gudbi fadlan.
waxuu yidhi:-
Xalay
Isniintii waxaa i helay toban umuuroode Asal gama'na ways idhi hurdana uurka
kama seexan Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday Afka
kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday
muuqday Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay Albaabada
dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay Istanbuuli cadar layma marin, udugana
waydaaray Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay Onkod
iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu
lulayay Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta Anfariir
xaluunbaan hurdada oog la sookacaye Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye Meeshaan
abaarada kutago, aakhir bal aan eego

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|