|
Gabay: Hido-Raac ------------------------------------------------------- Gabaygan
Ina Suusle waxuu la socdaa gabayga la yidhaa Seyruuq. oo Cabdi baraar ba ka soo
gabyey Carabta. Gabay la yidhaa "Hanbalyo",taariikho been ka sheegaya
dagaaladii ka dhaceen Waqooyiga Somaliya iyo Derajo uu gaadhin sheegtay !"
markaa Suusle gabaygan mariyey cabdi baraar wax jawaab ah ma gabay ah waa soo
rogan waayey Gabaygan waxuu la ujeedo yahay Gabaygii horen ee Seyruuq Suusle waxuu
yidhi:- Caliyoow
hanaan gabay beryahan hab uma luuqayne Ma higaadin maansooyinkii haybada lahaaye Hamadiisu
waa igu yarayd hogu tus mooyaane Caawaan sidii hoorimaad kuu haraad tidhiye Hor
ilaahay mooyee qabiil uguma hiisheene Nin hawaayadii dhimay iyo hawl gab la
imoodye Markaasaa hareef iyo nin xuni i hungureeyaane Haasaawihii niman
dilaan la hadli doonaaye Halowga
iyo taarku waa hirarka dhaadheere Waligood miday hadi waday soo hormariyaane Ana
hoodadii waa sitaa haaliga ahayde Bal aan maanta hawraar gundheer Habarjeclo
u sheego Aduunyadan
hayiin iyo bayiin lagu heshiin wayey Aduunyadan dagaal heegankii loo hub guranaayo Aduunyadan
hayaay iyo wareey had iyo goor taagan aduunyadan hayaan geedi baas habaqla
guuraysa Aduunyadan
hubaashiyo runtii laga habaabaayo Aduunyadan humaag been ah iyo hamaga raacaysa Aduunyadan
habeenkii dhergaa hanad is moodaayo Aduunyadan huduu loo socdaa hagar la'aan
diiday aduunyadan nimay hoog u tahay la hambalyeynayo Han
balaalaqeeda iyo nabsiga heerba galin joogay Hagardaamo iyo ciil ninkaa haad
u bixi waayey Misna yidhi anaa libin hayoo heesayoy darane Adigoo hadaadin
ah sidii adhi huluunboobay Adigoo naftaadii hafraad heedadow tahaye Hada
aynu joogniyo ilaa hilinka taariikhda Hadimooyinkii dhacay hadii loo hogtirinaayo Halkaad
idinku gaadheen ma jiro hoos ninkaa maraye Hanti korodhay iyo guul haday hibatay
laabtaadu Labadada hungaa taagan tahay helina maysaane Sidii
baad hargoole iyo dilaal heemolow tahaye Sidii baad hulaab duug ah iyo huudh
u sidataaye Sidii baad wankaa haysha dheer ugu haliishaane Sidii baad afkii
halowsanaa ugu haraaryoone Sidii
baad hunguri aan xishoon u hawo raacdaane Sidii baad hadh qoodaal cidla ah
uga hugmaysaane Sidii baa mirqaan kuu hayaa habi la'aaneede Sidii baad Allahuu
ku halqay iyo hiifay nabigiiye Sidii
baad hal aydan dhaqan hanaq u goysaane Sidii baad hilbaha ula gashaan hul iyo
buurdhaabe Sidii baa halyeygii laha kuu hatigayaaye Sidii baad u haaraamaysaa
hodanka Daaroode Sidii
baad hacoo faranji iyo haariiba u tahaye Sidii baad hadhuub raaca yurub u handanaysaaye Hayinka
iyo sidii baad u tahay heeryadiisaba'e Sidii baad hanbada quudha iyo haaf u
baridaane Bal maxaad hesheen weydinkii huray wanaagiiye Afartaa
hubkaan ridi jiray iyo howsar iyo miigdheh Hiilaadiisa kama leexiyee hig iyo
liishaan dheh Heedhku wardharkan toogan jiray waa holcinayaaye Bal aan waliba
hoobiga madfaca hiishyar kor u qaado Hir
banaan waxay maalintii huguguf laysaaba Hadhka galay talaabada heeg u socotaaba Hanaqaadka
laafyaha waxay hagac ka siisaaba Gorayadii habeenkii dumaa hoog u soo galaye Adiguna
halkaad yururtaad habas tidhaahdeene. Waa
kaa halbowlaha wadnahu habaye dhiigiiye mar hadii habkaad doonayseen kuu hirgali
waayey Inaan taladu kaa hoosin ood hubiso weeyaane Hambadiinu waa baaloleey
hadani maysaane Iyadaba dab loo huriyey bey hama tidhaahdaaye Alleylahe
adaa la hindisa ah howtal hama gaase Doqon harabtay wow haajirtaa heyjad iyo
oone Adoo maanta soo helay baray dib u halowdaaye Iyadaba ninkii hiil u
galay dib isu haaraanye Geelaba hadhaagii lumaa waa heblo u doone Hareer
baa Illaah kaa marshaa hilinka tooboone
Caawana
tilmaan lagu hirtoo togan ma haysaane Hiinraac qabiil baa ku jiray hadaladaadiiye Hawiye
iyo Daaroodba wa ahaamo soo jiraye Labaduba hidaha loo ogyahay hore ma diidaane Aduunbaa
habeen iyo dharaar hayb u geediyahe'e Hirwadiinu iriri bay ahayd heeladii shalaye Waa
taad Hiraab iyo Abgaal hooyo la ahayde Maantana hadaaqaagu waa Haashin baan
ahaye Hayaan badanidaa maad Iidoorow meel uun ku hagaagtid Afartaa
hubkaan ridi jiray iyo howsar iyo miigdheh Hiilaadiisa kama leexiyee hig iyo
liishaan dheh Heedhku wardharkan toogan jiray waa holcinayaaye Bal aan waliba
hoobiga madfaca hiishyar kor u qaado Habaryonis
iyo Ciidagale wow han weynahaye Labaduba taleey na hordhigeen taada ka haboone Hunbanida
Cigaal kuma jiraan ee hog waaga ah'e Waa Niman hogaan kuu ah iyo hawl kar waligoode Harti
iyo Ogaadeenba waa la hindisoodeene Daarood waxay kala hayeen haniye weeyaane Himilooyin
noo muuqda bey nala hilaadsheene Soomaali kala haajirtaa la isu humayaaye Inkastoo
halaagii ku dhacay heer xun kala geeyey Tawfiiq hagaagtiyo nabsigu waa hibo
ilaahe Durba
shacabku soo wada hilow hoonka loo tumaye Hina kaligii haqa beeliwaa haatan
la ogaaye Hawraarsan iyo waa gudoon hadalka muuqdaaye Huqda ciilka adigaa
hunaa tan iyo haabiile Aduunbaa hinaase iyo guux hoos u foorare'e Hadhka
habada loo seexdo iyo hadhacu waa guule Hurdadu iyo shalay kuu ahayd hoy la
jiifsado'e Hadii aad hurgumo dhiigle iyo hunugii doonayso Ama uu dagaal
kuu hadhaad u hinbilyoonayso Hawd iyo Nugaal baanu naalan Haradii ciideede Hamaansiga
Libaaxi ma dayn kaa ham siin jiraye Hudh madiina nimankii bartaa kuu hamuun
qabo'e Hunjun qaadayaa iyo anagu kula horaynaaba Labadeena kii la huwiyaba
heegan baa nahaye

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|