|
Iibsi
Lacageed: Ismaaciil Mire
----------------------------------------------
Noloshiisa
inteeda badan, Ismaaciil Mire, waxa uu ahaan jirey Darwiish.
Intaas uu darwiishka ahaa, shuqul magaalo iyo sida loogu dhaqmo
dhegtuu kala socdo mooyaane, wuu ka indho la'aa.
Mar baa se jirtey taariikhda gashay oo uu Ismaaciil u safarsaday
adhi magaalada Burco. Gabaygan soo socdaana taas ayuu ku saabsan
yahay.
Maalintii
uu Ismaaciil Adhiga Burco u ka xaynaayey ayaa dad deriskiisa
ihi adhi u sii dhiibteen, kulana ballameen waxa uu gooyo in
uu ugu soo gado raashin iyo waxyaale kale oo oo miyiga looga
bahanaa. Ismaaciil markuu Burco galay ee u hoydey, ayuu salaaddii
adhigii uu wadey kula kallahay sayladda xoolaha.
Muddo
yar dabadeedna dillaaliin ayuu kula heshiiyey in ay adhiga u
iibiyaan. Dabadeed dilaaliintii ayaa arkay in uu Ismaaciil ka
dhego xidhan yahay shuqulka wax loo iibsado, dabadeed dilaaliinti
waxay ku heshiiyeen in Odayga la dhaco. Markaa lacag yar oo
uu Ismaaciilba qawedey taas oo aan u dhigmin adhigii ayaa layidhi
qaado.
Reerii
uu u safray markii uu ku soo laabtay isaga oo fara madhan, ayaa
dadkii xoolaha lahaa Isamaaciil ka waraysteen xoolii halkay
mareen, markaa isagoo ka waramaya waxa laga filayo iyo waxa
uu sidaa siday u kala fogyihiin, ayuu gabaygan yaabka iyo qoslkabaleh
curiyey.
Gabayga
hadii aan si kale u idhaa halay saxo, anuu sidaan u maqlay waa
sidan.
Nimanyahow
awow iyo awow iyo abkaan sheegto
iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida eh
Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye
Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye
Dar iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
Inta weeye iyo maahadii la is ilaaqaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
usha, jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

<Shaxda Buuhoodle>
(Shaxda.com)
|