 |
Gabay:Indho-badane ---------------------------------------------------------------- Gabaygan
isna waa damaashaad iyo rayraynta ah ee ka mid ahaa gabaygii uu Maxamuud Cali-beenaley
oo Ogaadeen (reer Isaaq) oo goortii uu ciidan badan oo reer Isaaq ah abaabulay
oo waliba sii qeybiyey geela lagu duuli doono ee Ciidagale/ Habar-Awal sidii loo
kala qaadan lahaa intaan la soo dhicinba. markaas ayey duullaan culus ku qaadeen
oo ka soo dhaceen geel fara badan oo isna ku caanbaxay Indho-badane oo kaga dabaaqayo
geelii hore looga dhacay ee Dhalmabadane.Ka dibna Maxamuud wuxuu tiriyey maansadan
dheer oo aan intan yar ka hayno oo uu kaga jawaabayo gabaygii Ismaaciil xirsi(Aflow)
Wuxuu yidhi:- Ilmadiid
ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay Laba Aadan iyo Nuur Ayuub idanki, maw
dhiibay Abaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey
Ma
addayney eyrooy jidkuu, abadhku qaadsiiyey Ilaalada ma loo direy halkii, lagu
itaalaayey Ma soo aragtay dhuur-aaddaney, araddaday joogtay Ilayskiyo dabkay
noo shideen, gelin ma sii aadney Anoo salalay Aaskoo dam yidhi Olol ma ii
kaahay Oogtiyo dabkay ii shideen, galin ma sii eegtay Libdhada oo in dheer
le'eg miyaan, weerar ku ekeeyay Ma
unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku Ma ikrimay nin aardoonayaa,
uurnugeyl ma lehe Abeesaale iyo qoorbidaar uuro mays qabatay Ma adkaaney
erigii horey, ku ishiqaateene Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe
Ma irkaagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye Kuman
uguba kuman uur leh, iyo kuman ilwaad-guun ah Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo,
aarankiyo qaanka Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo Iyo kuman
intay igadh yihiin, laga unuungooyey Iyo kuman abeereeyey oo awrta la ciyaarta
Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay Intaasoo kun wada ayniyaan,
ku eryey qaadhkiiye Iinsha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye Sidi
Janan albaabada xidhoo, eemar laga dhawri Ama sida ammaradii horee, Adari oo
koodhay Ama awlal malab oo shininadi, uumi uga yaacday Nin arkaa asheed
maalintaan, wadanay eeraaane Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse Haddii
ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene Aashaa
wad mooyeen, Cillaan orodkii maw diidnay Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay Ayax
iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan
wadanay Iidoorki saw sida tukaha, kuma ag meereysan Indhabadane
nimankii lahaa, ududsan maayaane Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode
Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore Ergisaad u hayseene haw, uur
xumaanine Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye Idahaaga dhaqo
geel ninkii, odey lahaa raacye,

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|