|
Gabay:Ismaaciil
Mirow
----------------------------------------------------
Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish oo korjooga ah ku haysta buurta
Ceeldhaab dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo
diray,dabadeedna wuxuu ogaadey iney tahay degmo Daraawiishta dakana ka
qabtay oo guban ka soo baxday.Kolkaasuu Sayidku wuxuu u direy gabay
fariin ah oo hadaan inyar ka soo qaadano gabaygiisi qaar ka mid ah
waxuu yidhi:
Aabbow xaqaygii ma deyn,igana duugoowye
Nimankii ikhwaankii dilaa meel dhow soo degaye
Dabka xalay Badweyn iiga baxay,waan ku diirsadaye
Gabygaa markuu
Sayidku maqlay,waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku
habboonayn,oo uu dadkii kala dididey,dabadeedna wuxuu jeediyey canaan
waayeel waxuuna yidhi:-
Ismaaciil Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa'deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne
Maandhoow
aqoonxumadu waa, ku ambinaysaaye
Maandhoow ninkaan edeb lahayn, waa allow sahale
Maandhow aqliga hayska lumin.Eebbahay magane
Maandhow
raggii aakhiraad,igu ohomsiine
Maandhow sidii ibilka way,ololineysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaallada e
Maandhow
ikhwaankii ma deyn,urugadiisiye
Maandhow alleylkii dhaxaan,alaladaayaaye
Maandhow ilmada hayga qubin, kaa afeeftamaye
Maandhow nin
umal saaqayoo,uurxun baan ahaye
Waxaan awlaxuu rabinaya,aarsi dirireede
Maandhow awaal dagatay baan, aawilahayaaye leh
Maandhow
ducaaliyo Ammaan, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa orkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa,ha isallaweene
Maandhow
abaabaan ku wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan,ururinaayaane
Maandhow "ooho" baan oran sidii aaran baadiyahe
Maandhow
intay igu iman, odayadoodiiye
Maandhow illiilahakaney awr ku soo furiye
Maandhow bari soo ekaan adhi, sidiisiiye
Maandhow
ixsaan lagama tago eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo waa, ku oggalaadaaye
Maandhow hadaan inamo,raro wey i aaminiye
Maandhow
idday waxaan ku bogan,waa irdho la'aane
Maandhow ninkaan aa'i waw,aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka biqi,inay ogaadaane
Maandhow
siddii aarka dhici,waw ilgalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi,aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday,iga irdhoodaane
Maandhow
ugaadhaba xirkaa,laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii,adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha hayga didin,oofataan ahaye

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|