kulan ay yeesheen jaaliyadda Digilmiifle ee dalka yemen munaasabada
ciidul adxaa darteed shir ay isugu yimaadeen jaaliyada D .M ee dalka yemen ayaa markii ugu horeysey waxay hanbalyo udireen umada islaamka dhamaanteeda
shirkaan oo ku soo beegmey sanad guuradii ka soo wareegtey Aasaaska jaaliyada
digilmirifle ee dalka yemen kulankaan oo lagu soo bandhigey wax qabadkii jaaliyada sanadkaan gudihiisa iyo falaqeenta wixii laqabanlahaa sanadka soosocda.
shirkaan oo godoomiyaha iyo gudiga fulinta ay ku soo bandhigeen waxqabadkii jaaliyada qoraal iyo muuqaal ahaan ba, arintaas oo aad ugu farxeen odayaasha iyo aqoonyahanada jaaliyada ayagoo tilmaamey inay tahay jaaliyada digilmirifle ee dalka yemen jaaliyada kaliya
oo kajirta dalka yemen , waxayna ugu baaqeen umada digilmirifle meellkastoo ay joogaan
in ay midoobaan .shirkaan ayaa waxaa lagu magacaabey odayaal iyo aqoon yahano oo marjac u ah jaaliyada .
waa markii ugu horeysey oo odayaal iyo aqoonyahano marjac ah loo sameeyo jaaliyada
dhinaca kalle jaliyada digilmirifle ee dalka yemen waxay hanbalyo udireysaa dadka isku taagey
hormarinta qoomiyada digilmirifle oo hada wada qabanqaabada shirweynaha maamul
gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya oo lagu wado in uu kadhoco sanadkaan dabayaaqadiisa dalka ingiriiska
ayagoo sheegay in ay tahay fadraalka shayga oo kaliya ay isugu imaankarto soomaalida
ugu danbeentii jaaliyada digilmirifle ee dalka yemen waxay ugu baaqeeysaa umada digilmirifle
meelkasto ay joogaan dalka iyo dibadiisa in ay taageeraan dhismaha maamul goboleedka
koonfur galbeed soomaaliya .
Copyright 2010 by The Somali Democratic Party| All rights Reserved