|
Gabaygii: Jiinleey
-----------------------------------------------------------------
Gabaygan wuxuu
ahaa Cabasho ama calaacal uu Sayidku kaga jawaabay ballan fur kaga
yimid Boqor Cismaan. Waxaa la wariyey in Sayidku ergo u dirsaday boqor
Cismaan oo majeerteenia xukumi jirey. Wuxuuna weydiistay in uu u soo
guuro xaggooda, taas oo ay ku kalliftay in waqooyi, galbeed iyo
koofurba colaadi kaga timid, gaar ahaanna Ingiriiska, Xabashi iyo
Talyaanni. Boqorkii waa aqbalay baa la yiri, asagoo ergadii faray soo
guura, oo saddex waxyaalood oo barigu leeyahay ugu soo guura: Sida
Buuro dagaalka looga gabbado, Biyo maatada iyo xooluhu kuugu
noolaadaan, iyo Bad, hub iyo xoolo laga helo.
Hase yeeshee
markii daraawiishtii u soo guurtay xaggii bariga, oo geedi dheer oo
hawlkar iyo oon badan ay ugu hayaameen, waxaa arrintii ka war helay
Ingirriskii iyo Talyaanigii, kadibna waxay uga digeen inuu soo
dhaweysto daraawiish, haddii kalena ay dagaal asagana ku qaadi doonaan,
magaalooyinka laga gubi doono, baddana aan waxba uga soo degi doonin.
Markkii xujadaasi u timid boqorkii waxay dani ku kaliftay inuu
Sayidkii ku ballan furo, isla markaasna inta uu col ka hor geeyey bay
yiraadeen ordoo naga noqda. Daraawiishi kadid waxay u leexdeen xagga
hawdka iyo Eyl, dagaalna waa dhex maray. Sayidkii asagoo arrintaas ka
hadlaya wxuuu yiri asagoo ku hal qabsaday ninkii gabayada xafidi jirey
ee la oran Xuseen Faarax( Xuseen Dhiqle):
Xuseenow
jigraar lama hadlee jaalkay baa tahaye,
Adaan iga jadeer wicin markuu Jaahilkii didaye,
Jaanhooy adaan qaban markuu jiitay gacalkaaye.
Ragga
gaalo jeefaafi waa ehel jaxiimaade,
Jahannama inay gelahayaan waygu jaamaca e,
Adaa jamalka soo raray markay janan u guureene.
Junne
weeye ruuxaan ahayn jaadka aad tahaye,
Dadkii kale ka jeestaye adaan jaari kuu ahaye,
Waxaan kaa jarreeraynayaa sanadan jiilaale.
Sagal
jiidan caad jilicsaniyo jarar hillaacaaya.
Onkod jow leh daad soo jirmaday jahada oo xiintay,
Jowjowlihii xalay sidii jibin u guuxaayey,
Jirka
da'ay jallaysaha gugii hara jidhaamowday,
Jidhimada afkaa marahayiyo jababka ceegaaga,
Jaqaqarida geedaha noqdiyo xamashka oo jiiqle,
Sidii
jaawo dhane loo shubaan jeelka ka bi'ine,
Waxaan kugu jalbeebinahayaa jowhartii gabaye,
Jawiskayga maqal caawa waan jalalabaayaaye.
Jundigii
xigaaliyo anoo jooga gurigayga,
Anigaan jareexiyo xumaan juuq la ii oranin,
Anigaan rag ii soo jirfaday jil iga qaadaynin.
Anigoo
jalaalada dhigtoo diinta jibanaaya,
Anigoo jameecada galoo jaarrun xaruntayda,
Anigoo wixii aan jantaba jimic la siiyo.
Jamradii
adduunyada anoo jimicnimow haysta,
Karuur jagagaclayniyo anoo jaanka fuudahaya,
Anigaan jarraysimo hunguri la iga jeeqaaqin,
Jaanjaani
baa iga khatalay johoraddaydiiye,
Hawo nimaan ka jigan baan ahoo jiiro dheer koriye,
Waxaan ahay nimaan jare aqoon sida jaguug awre.
Jawaabtii
Majeerteen kolkay jalawdii ii yeedhay,
Inaan joro ku sii dhaho hadday igaga jeebnaatay,
Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarshey.
Xaga
jiqa jaleefaniyo qurac, jinow wax heeraaya,
Jiqtoolaha galooliyo sarmaan jarafku xiimaayo,
Jimbac surad leh, jiiqo isku baxay, jiica iyo siiqda,
Jillab
xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh,
Jirma qodax leh, jiiqjiiq wax mudi jeerin iyo yooco,
Jirda badan jiroon iyo qaroon, jaaluf iyo seeri.
Jafka
hawka guuraha waxaan jar iska xooraayey,
Wuxuu jeeni calafow libaax igu jibaadaayey,
Raadkaan ku jiillaa wuxuu daba jadeemaayey,
Jaldhaftiisa
qoobka ah waxaan dib u jalleecaayey,
Jaajuurka geesaha waxaan jilayey ruuxayga,
Waxaan jaamagaarkii cabsida jimanka buuraayey,
Wiyil
joof leh iyo yey waxaan jirif ku keynaanshey,
Jinni qabe shabeel ihi wuxuu igu jalaacaayey,
Juq waxaan u soo iri dugaag jalabutaynaaya.
Wixii
gaade jimiq soola xuli juhunkii ii muuqday,
Jititaha hortayda ah waxaan jaaha kala leexday,
Wuxuu jiinka ii maray midgaan jilibka tooxaaya.
Kobaan
jeesna ooliyo waxaan jarar ku aynfaaday,
Jawi lagu harraadiyo waxaan omos jibaaxaayey,
Jugleey igu dhawaaqdiyo wuxuu galowgu jiiqleeyey,
Jid
abaara oo kulul waxaan hilin ku jiillaaday,
Juunaha xagaagii wuxuu jaaha iga leefay,
Jeedaaladii wuxuu indhaha jiitay aragoodu.
Jarmaadiyo
carraababa waxaan bari u sii jeeday,
Xagla jalaqle laafyaha waxaan jagac ka siinaayey,
Jiitada masaafada waxaan jimiyey tooxeeda.
Jaldhiskayga
saydhadu waxay jac iga siinaysey,
Jiriiricada ooga waxaan jararacoonaayey,
Cagta jeerarkeediyo waxaan boqonta jeedaashey,
Jalfiska
iyo qonofkii waxaan jag isa siinaayey,
Jiljilladiyo seedaha waxaan jaa'ifo u geystey,
Jirridkii xabaallaa wuxuu jabiyey suulkayga,
Jirriqaa
abeeriyo waxaan gocondho jeexaayey,
Janqaraara socodkii waxaan jaynaf macaluulay,
Jidaashaan u yeellaa wuxuu jiirku iga suumay,
Jilbis
halaqa iyo good waxaan jaanta kala booday,
Wixii aan ku joogsaday abees jilifle oo duuban,
Maska jirirqleeyaa wuxuu jiiris igu dhaafay,
Jambareera
dhicidii waxaan jiifka qaban waayey,
Hadba jimicsi iyo taah waxaan jilibka soo laabay,
Jidiindhowga qabatoon waxaan jiilka rogi waayey,
Waxaan
jiidha waaberi kacoo jalafsadoo luuday,
Jarmaadada aroortii waxaan juhul madoobaaday,
Waxaan dhegaha jawgii ka baxay jibindhow moodaayey,
Wixii
aan jajuub galay, waxaan jawray badankeyga,
Rabbi baygu jeefaye wxaan jululay ruuxayga,
Jaldhanka iyo baahida waxaan jalaqa heemaarshey,
Haddaan
boqor jawaab iiga iman bad uma jeeleene,
Jeclaantaan u qabay baan jaankii badihiiye,
Jirku ima xanuuneen hadduu joog i leeyahaye,.
Jeer
baa Ilaah ii qadaray jiirahaan maraye,
Jiidaha in meel loogu wado jaahil baan garane,
Waxse igu jirrabay waa ninkii jookha ii lulaye.
Cayuun
jalalowlayn iyo raggaan jeer fardaha siiyey,
Jaamuus lo'aad iyo raggaan jimir aruu dhiibay,
Ammaan lacag jiriidaw furoo jeebka uga buuxshey,
Waxaan
gool jinaad weyn qaloo joome uga gooyey,
Xeeryaha jiriidha leh waxaan jaari ugu qaaday,
Waxaan ramag jimiimici murkaha uga jufsiinaayey,
Waxaan
ila xir jeexya leh aroos jalalmluu hooyey,
Jirjir malaba iyo foon waxaan jil uga yeelaayey,
Waxaan jaawiduu shiday intaan jalamaduu shaahshey,
Nimankaan
jalbeebtooda gole jurux ka dhawraayey,
Inay jaxar abaal iiga dhigi laabtu jirin mayne,,
Jasadayda Eebbaan ka helin taloba waa jeere.

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com
|