www.dooynet.com

 

 

Maaweel

Gabay:Kala-Guur
---------------------------------------------------------------
Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey, Dagaal ka dhacay meesha la yidhaa yufle ilaa Buurta Muse Ismaaciil, oo ah reer ka mid ah Habaryonis baa maalintaa sida Daanyeerka buurta galay halkaa waxaa ka dhacday "Sidii daanyeerkii Didib ma jeexsiiyey"markii jab xun ka soo gaadhay dagaalkaas halkaa ka dhacay, Maaweel oo ah Naaleye Axmed.. Dhulbahante ayaa markaa digasho ahaan, gabaygan u tiriyey Waxuu yidhi:-


Indhawayto gabaygii ma tirin loo golayn jiraye
Waa tii aan galool ololka iyo dhigay guhaadiiye
Waa tii aan ka gaal gaaliyey oo goolada u xidhaye
In aan gudhay inaan gaabiyey iyo gaabis la imoodye

Godob baan ka yaabay iyo cadaab geeri dabadeede
Caawana arimo gaar ah baa iila soo galaye
Garbay noqotey maansada in aan gaadada utomo'e

Gusooraha onkoday waa inuu geela bixiyaaye
Hilaac galalac yidhi meel fog baa lagaga guuraaye
Inta gabay taqaan iyo abwaan ha isku guuleene
Giraantayda ha u fiirsadeen guunyo ruugleeye
Raga garashadooda cabiraa ha is galaaleene
Guna-Gado iyo hatago gudo Nugaaleede
Gal-Duur nimanka yaal waa inuu gama udiidaaye
Galimays adeerkood Absame yaanu gees marine

Gadabuursi iyo Ciise iyo Geri ha sheegeene
Hadii guurti leeyahay Iidoor haysu guduyeene
Galgal baxaye sida roob gudgude bal aan gufaacoodo

Xaajada ragbaa guba haday gees biciid tahaye
Niman yahow Dalkooda u gafay oo gayrshey calankooda
Niman yahow dad gacalo is jecel kala go'doon siiyey
Niman yahow Iblay goobalihi gamasyada u dhiibay
Oo waliba sagaal goor samaha loogu golo xaadhay
Niman yahow darxumiyo daladhacays darajadow haysta
Niman yahow hadaanu u gudinay ganafka noo taagay
Niman yahow waxay goobayaan aanu garan weynay
Idinkaa gumasytaha hadhsada geed siduu yahaye
Waad gada gadootaan hadaan Gaal idiin taline

Hadii uu kufrigu geesta yurub kaaga gacan haadshay
Giriig iyo hadii aad Yahuud gacaladaa mooday
England goonyaheedii hadii ay gogoshu kuu taalo
Asaan goboladiinii shideen kayga gubi maysid

Gubniyaal is daba jooga iyo gaas dablaa jira'e
Warsangali ma gaagaabsadaan gooba dirireede
Waligoodba meel lagu go'ay bay gool ka dhaliyaane

Waa tii ay is guubaabiyeen gebi ragiiniiye
Gaadiidka meeshiyo dhahar waa ka soo go'aye
War gaashaan dhigoodii horiyo gaadh hayii yimide

Gahayle iyo waa wada socdeen Naalayii guriye
Gar maqaatayaal wada jiriyo geesiyaal wadaye
Kuwaa soo gudbay waa inay gubato qiiqdaaye
Guryahaay oodi jireen sidii gaalo qudhinlay'e
war waa gabo waraan meesha ay gacanta saarane

Sidayr maalintii aad soo gasheen giijiye u yeedhay
Gurmadkii habaysnaa markuu idinku soo gaadhay
Gariirkii iyo xiinkii miyaan galawgu hiilaabin
Guulaamada iyo uurada iyo leexada is goysay
Galaayuuska qaylada miyaan la isku geeraarin
Sidii gaydho ugub oo bilihii gaado baxa joogta
Oo meel gulgula daaqa oo gooha ku ogaatay
Intaan gelin dhamaan ma idinkaan goojo la amaarin?
War miyeydaan gadaal nooga bixin goosan idinkoo ah?

Idinkaa gurguurta oo yaqaan gaadmo bahalayne
Iyadoo gadii tahay hantay goobtii libineede
Sidaa waliba waa la igabray oo la igasaasacaye
Garabgorayadii dawladii gaasta idin siisay
Gudigii la aaminay siday noo gol qabataysay
Inkastoo ragiinii ku go'ay guuldarana raacday
Guray iyo wahaabi baa ku maqan gaadmadii hore'e
Waxna ma gaysane tolkood baa gaydho loo qabaye
Waase loo galiilyoonayaa labada geed jooge
Waar gooray ahaataba marbaa loo gagabayaaye

Oday gadhweyn baa hartigu kaga gam'aayaaye
Goc goclaysi baa soo socda iyo gorayo khaakhayne
Gowsaha is dhaafsade ragii gaananaan jiraye
Galkay seefta kala soo baxeen sida giniiseede
Garbey fuushay nabadii aan jeclaa in aad u guuxdaane
Idinkoo garaadada barya iyo gacan wadh mooyaane
Idinkoo go'aankiinii hore gudhiya mooyaane
Gudoon baa ka dhacay Sanaag in aad dib uga gooshtaane

Kala guuray kala guranay Iidoor-gasloow gacaladeeniiye
Kala guuray oo waxaynu nahay gaalo iyo Islaane
Googaalihiina batay iyo gararamtiiniiye
Garbarka ha daysteene maan giirka kor u qaado
Taariikh gundheer baa jirta aan abid gaboobayne
Wali geenba garasho iyo xeer ilama gudboonayne

Gudumo baanu nahay waxad tihiin godortii guuraa
Galool baanu nahay waxad tihiin gowlal iyo booce
Gocoso iyo dhalool baad tihiin aan gunba lahayne
Guban baad ku noolan jirteen gu' iyo jiilaale
Geed xananadiis iyo xiji baad guran tiqiiniine
Geeslaha riyaad baad aduun qudha lahaydeene

Intii aynu kala guursanay baad geela dhaqateene
Intii aynu kala guursanay baad galo xamaasheene
Intii aynu kala guursanay baad gegi ka heesteene
Intii aynu kala guursanay baad goolal qalateene
Intii aynu kala guursanay baad gob u ekaateene

Anaa u geeyey magacii guud gebiga soomaale
Durdurkaa janjeedhsada hadaan gibilku xeernayne
Abidkay gar gaarkiina wow geelalaan jiraye
Dal dalooladaad yeelataan waan gufayn jiraye
Inkastaad abaalkay gabteen waan idiin galaye

Gardarooyinkiina iyo ma rabin guluf colaadeede
Idinkay gelinsiinaya ee waan ka gaabsadaye
Maantana wixii go'ay go'e oo geeri loo dhalaye
Garawshiiyo waad leedihiin guuyo iyo ruuxe
Adigoo garaadkaaga qaba la isma gowraco'e
Gabaahiiro lama joogsado iyo gole abaareede

Jamhuuriyada aan qaybsano iyo goosashada aad u ordayso
Gafuur buurka aad noo qabtiyo ciil ka bixi maysid
Iyo godobta Daaroodka kale guule idin doortey
Waa waxa intaydan goblamin layska soo galaye
Niman yahow wax lays kuma gudbo ee talo garaadaysta
Hadii kale dan baa gara gorayn gaaga soo hadhaye
Isna gubte gantaalaha safani hadin garaacaane
Isna gunaanadee jeerimadu hadin gobolayso

Afartaa garaado iyo galo gohayntii dheh
Guga roob oo soo onkoday gababacdiisii dheh
Guraa jalowle iyo hilaac galalacdiisii dheh
Gufaaco iyo gugoo khooray galan galkiisii dheh
Geeraaradaan tirin jiray iyo gabayadaydii dheh

Gujo kalena waa dawladiyo gohashadeedii
Gabaarayda lama aamino iyo gool abeesyada'e
Bahala is gaabsha oo wax gana hay gunaynina'e
Waagii hore buu noo gabaday gogol la naaxshaaye
Gacmo daalis buu kororsadaa guban nin beeraaye
In dooraa galbeed loo socdee bari haloo guuro




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)