Gabay:
Koofil
--------------------------------------------------------
Markay
taariikhdu ahayd 1913 ayaa Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo
Cawaankiis iyo kuwii Miirada u ahaa. weerar lixaad leh ku
ballaariyeen degmo tiil Burco iyo agagaarkeeda.Maal waxay lahaayeena
gacantay ku dhigeen.Nimankii xoolaha la dhacay lahaa iyo Ingiriiska
oo isasoo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday. Gaal la odhan jiray
'RICHARD CORFIELD' oo ka mid ahaa madaxdii ciidammada Ingiriiska
dalka Soomaliya u fadhidey,madaxna ka ahaa rakuubleydii
Ingiriiska(Camel Corps) ciidankiisii iyo raggii xoolaha oo galabtii
Beer maraya bay garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe
salkeeda. Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihi oo duuban
caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u
jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen dagaalna
ugu hub qaadeen.Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday "Corfield"
oo colka gaalada madax u ahaa la dilay,raggiisina waa la
jabiyey.Madaxdii "Koofil" iyo gacantiisii midig Taleex baa
la keenay si loo rumaysto geerida gaalka.Waxaa la yaab leh nin la
odhan jiray Ina-weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa "Koofil"
xoola ka dhacay, dadkiisiina si xun u galay dagaalkaas ka hor.
Dabadeed ninkaasi wuxuu tirshey gabay kuhaan ah oo uu "Koofil"
ku habaarayo,waxaana gabaygiisii ka mid ahaa:
Sayidkoo wax galay raacdadoo,la isku soo gaaray
Adiga iyo gubniga aad waddaa,gobootaal noqo e
Girligaanku kaa joogsay oo,guuxa kaa damiye
Ku goosgooste nimankii kufriga,gaajaduu qabaye
Afkuna"gow" ku yiri xaajadaad,gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay,gaajadaas badaye
dabadeedna,siduu"Koofil"
u ya'day baa loo diley. Jahaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid
maxamed ku yidhi Ismaaciil mire: xarunta uga waran
jahaadkii,ambabixinnii,weerar dagaalkii gebagabadinnii iyo xoolihii
saamigaad ka heshay,dabadeedna Ismaaciil mire wuxuu mariyey gabaygan
Annagoo taleex naal,jahaad taladii soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo darwiish, toogatay neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynnay.
markaa
kaddibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku
halqabsaday mariyey,oo wuxuu yidhi:
Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii
jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebahey kuu jirabay, mari jawaabteeda
Daraawiish
jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta
weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday
ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii
baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic
kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecaye dheg baan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan
jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha
xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
makay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii
bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan
lays jikraareyn tolkay, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)