 |
Gabay:Labo
Guul -------------------------------------------------------------------------- Gabay
waxaa tiriyey Cabdi saahid Isagoo meelo badan taabanaya waxuu yidhi:-
Odaygii
gablamay iyo duqii, geela badan haystay Ee gaano oomiyo horwayn, ceelka soo
galiyey Gaankii Garlow Gube markii, Gooha lagu ooday Garab waynta naaxdiyo
markay, Gaydho soo oroday Ee gaanho maale darkii, garatay ee reentay?? Ee
uu wax garab taaganoo, geela shuba waayey Isagaba Guhaadoow da iyo, oohintaa
u gar ahe Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay Gurxankayga Nuuroow
ninkii, gacal ahaa toosye Xidhaalada
ninkii loo gartay iyo, geela inuu raaco Ee gaadaha iyo aarka gudda, geeddan
u ahaaday Galabtii caraabaha wuxuu, gaado ka ilaashay Gabadanada jiilaal
wuxuu, geed isugu keenay Maalintii gugeedii daay, ees guryaha geeyay
Ee geela odaygii lahaa yaraha guulguulay Isna geesta uga leexday baan,
galabta joogaaye Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay Gurxankayga
Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye Gabadhii
gayaankeeda iyo, Gaani la cayaarta Ee gogosha kula seexata een, gacanta diidaynin Ee
garaca uurkeeda galay, gooni loo mariyey Ee guriga ooy soo gashiyo, gogossha
loo diiday Ee geedka ciil ugu godaan, galabta joogaaye Aniguna gadeedii
intaan, gorodda laalaadshay Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye Waxba
hadalku yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay Anna goonida aan marahayiyo,
guuraha iyo ciilka Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway Garanuugta
yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay Ileen maba guweyniye, ciradan madaxa
gaashaysay Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e Goboladii Ogaadeenya
oon, talo ka meel gaadhin Inagoon goaanka iyo sharciga, meel isugu gaynin
Inagoon wadadii gali lahayd, garanin ceelkeena Inagoon xaqeenii gudhnaa,
gorof u aabaynin Boqol ganacsanaysaa intay, sheeko soo galisay Oo
wiilal geeljira ah galbeed, tababar loo geeyay Iyagoo gabriyo lagu badalay,
gowlalo iyo jeerin Oo gudimo oodeed si kale, daabka loo galiyey Iyagoo
hangool loo gatiyo, gaydin lagu riixo Oo geerash lagu qaybsadiyo, goobo kala
jaad ah Iyagoo gudoonshaha sariyo, gaasas loo bixiyey Ooy guuto taliye
hayaan, badow gafuur weyn leh Waa tay dagaal naga gu wayn, guuragaliyeene
Malyan baa ku goay goobta Herer, gacan toglayntiiye Taariikhda iima
galin wiilashii, haadka loo gagey e Gooyihii Hawaas iyo kuwii, Goray ku naafoobay
Iyana waa u galgaladkaa kuway, midigta gooyeene Goosankeenan soo hadhay
na waa u, guuldaro iyo ceeb e Iskuse
gees ahaantiyo waxaa, garasho noo diiday Garbaduub waxaa noo xidhay oo, noo
gadbix waayey Gudbantaa waxaa i galiyey iyo, leyla gobolayda Gaandhada
haday niman cabaan, libin ma gaadhaane Garaadaha kuwii lagu khaldiyo, Aadan
Gabiyoow ba Intaanse towradii gadanay oon, geesaha qabanay Waataan galley
siisaneed, Xamar u gayseene Geed ay ka guurtay shinidu, ooy awlalkii guratay Galoolkay
dorraad garab martay, doqontu gooysaaye Anna gooxan aan yuururaa, waaba xero
guule e Waligayna
waa ii gabidhac iyo, ii galgaladkaase Waa ii gacanta oo la i hayiyo, gaar u
sacabeeye Waa ii aar i gaadiyo dawaco, taarka loo galo e Waa ii suunkan
igu giigsan iyo, golongolkaa oon e Waa ii geedigaa foolxun iyo, lama daga u
guur e Gobonimooy
hadaan kaa gabado, orodna kaa gaabsho Gablanka iyo haddaan kaaga baqo, geeri
laga yaabo Guud ahaanna uurka iyo hadaanan, laabta kuu galinin Siddi gaban
yar oon dhalay haddaanan, gacanta kuu haynin Xornimada guddootaay haddaanan,
geedo kuu karinin Gidigiiba quraankiyo haddaanan, diinta kugu goynin
Geela iyo haddaanan kugu khatimin, tobon jir awr gaadhay Haddii aanan
galbeedkaa badalin, laysla garan waayey Gobolada
Ogaadeen haddii aanan, gooni kuu odhanin Haddii aanan go ii kaa dhiciyo, shaadhka
kuu galinin Gafka iyo xumaan taay haddaan, gacanta kaa laabto Markiise
uu rageedii gabay, ee kaalin gali waayey Garteed weeye ciidani inay, gamashi
ooydaaye Intay goobtu saa tahay ee, niyadu ii galgalanayso Labadaada goonyood
aniga oon, dhacanta gaadhsiinin Nasab kaygii baan gaday haddaan, geesna la
heshiiyo

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|