www.dooynet.com

 

 

Seyid M A Hassan

 

 

 

Gabay:Maadeys
--------------------------------------------------------
Waxaan muran ka joogin inuu sayid maxamed fardaha ammaantooda hanaqaad ku ahaa oqoon dheerna u lahaa . Sida badan waxaa fardaha lagu ammaani jirey geeraar.Gabayganina waa kii labaad ee uu faraska la baxay MAADEYS ku ammaanay Daraawiishna!" ku guubaabinayey iney gaalada dagaalkeeda ku mintidaan In kastoo gooddi, faan iyo hanjabaadi gabayga ka muuqdaan,haddana dulucdiisu waxay tahay inuu Sayidku Eebbe ka tuugaayey inuu faraskaa daayo oo gacantiisa midig ku raajiyo waxuuna Yidhi:-

Waxa loo maleegtami jahaad,milaygii joogaye
Muslin iyo kufraa loo xarbiyi,labada meeloode
Murtad weeye gaalada ninkaan,moosinkow tegine

Ku minitida xarbiga wow qabnaa,muunyo iyo ciile
Muramaysta dirirtiisa waa,mahadin doontaane
Mudkuu geliyaa maarraha kufriga,waydin moog yahaye

Anigana haddaan meleg i helin,soo maroorsadaye
Waxaan mayllinkuu rabinayaa,caro milaadkeede
Masaafooyin kulul baannu marin,aniyo Maadeyse

Majiiraha rogaalkaa wax badan,mowtigood geliye
Korkiisaa magoolka u eg baa,dhidid madoobeyne
Boorkaa malleelkaa ku noqon,sida makhaayeede

Mar kiciisa orodkuu kabtiga,muxubba rooraaye
Sida mooladhaabuu carshiga,saray u moohaaye
Gorgor samada meehaabi baa,lagu maleeyaaye

Iidoorka miirida ah buu,meyra ka eryoone
Meeshiyo magaalooyinkuu,maata doox dhigiye
Muluq buu ka siin reerihii,may xerayn jiraye

Macluum weeye ooneefku waa,mahad Ilaahaaye
Mar haddaan maqaanaha ku xidho,maanku iga raacye
Midigteyda Eebbow u daa,maalig baad tahaye.

 

 




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)