www.dooynet.com

 

 

Seyid M A Hassan

Gabay: Ma Duqaynin reer Bari
------------------------------------------------------
Abbaraaha markay taariikhdu ahayd 1910 ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhistay ceelka. "Buraan" oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed.Hase yeeshee taasi waxaa ka carooday boqor Cismaan,oo markaas u talinayey Gobolka bari,iyo Garaad maxamuud cali shire oo Daraawiish ka fallaagoobay,madaxna u noqday Laas-qoray Ceelaayo iyo Inta raacsan!" Labada nin oo madaxda ah baa ku heshiiyey in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas"Buraan",waxyna marmarsiinyo ka dhigteen inay nabaddooda Daraawiishtu halis gelinayaan,dalkay fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen.Boqorkii wuxuu soo dumay col tiradiisu dhantahay aayadaha Quraanka cadadkooda.Maxamuud cali shirena wuxuu soo dumay col aan intaa ka yarayn colka Boqorku soo diray.Madalna waxaa noqotay "Buraan".Halkaasna 80 nin oo Daraawiisha oo Maxamuud Feyte madax u yahay baa lagu qur jaray Markii warkii soo gaaray xaruntii Daraawiishta oo ah Daarcad oo Taleex u dhow ayaa laba talo laysku qabtay. 1)In lagu duulo Buraan ciidanka qabsaday si looga soo ceshado; 2)Iyo in la weeraro Degmada Garaad Maxamuud Cali shire oo raacin taal, Taladaan dambe ayaa loo guuxay laguna guddonsaday. Daraawiish oo lug iyo faras ah ayaa weerar ku ballaarisay degmada Maxamuud cali shire.Ruuxilihii;iyo duunyo wixii degmadaasi lahaydna gacanta bay ku dhigeen. Maxamuud cali Shire,ayaa fakaday isagoo ku jooga faras la yiraahdo Jiire oo qaylo kula dhex dhacay colkii qabsaday "Buraan" wuxuu ku yiri,"wax iga soo horeeyey ma aragteen?" waxaa arki maysaan", Markaasaa colkaasu laba talo isku qabtay; 1)In ciidanka Daraawiishta laga hortago oo duunyada laga dhacsado. 2)Iyo in xarunta loo weydaarto inta ciidanku ka maqan yahay oo la qabsado.Talada hore ayaa loo guuxay, laguna guddoonsaday. Iyagoo lug iyo faras ah ayay weerar qabax ku siiyeen Daraawiish oo aan xoolihii weli gurya geyn,hase ahaatee halkaasaa lagu jebiyey ciidankii isbahaystay, dagaalkaasna waxaa loo yaqaan ama uu caan ku yahay (Habarhumbulle) waxaana laga mariyey dhowr gabay oo uu ka mid yahay gabaygan soo socdaa Sayidku wuxuu mariyey gabaygan waxuu yidhi:-

Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
Wax idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
Aan dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude

Unkad dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
Daad soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
Aan durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane

Dayax iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
Gudcur dam ah habeen dumay cirkoon dacal ka nuuraynin
Ma danyado talaabada haddaan dawga marayaaye

Dugsi haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
Dabaylihiyo fooraa la tegi daar waxaan galine
Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne

Dubaax ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
Waxa dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo

Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu daba galaayaaye

Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeeteen haddii deexda laga keenay

Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddiin nala dul garriishay
Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii daayey

Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo
Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay

Qaylada daluunta ah haddii nala dareensiiyo
Degdeg inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah

Dirki hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay

Sidii aar daloombiyi markaaan ugu dinaahyeeyey
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay

Denbi ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane

Ferenjiga direyska leh kuwii diirada u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e

Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay

Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureede
Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii duxaye
Dugaagii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye

Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Daleelaha cidlaa lagama shubo hadal daleeleede
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye

Aniguba dilkoodaan ku helay libin daboolayde
Daa'irada Eebiyo markii deeqa nala siiyey
Ma dabaaldegiyo muufahaa duhur la gaadhsiiyey

Duca awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye
Waa niman gaalada deldala doog iyo abaare
Waa nimanka doofaarradii daariguu jaraye

Roobkiina waa kaa u da'ay duraha jiilaale
Waa kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
Waataa arladii daahirtee diib kasoo kariye

Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo baxaye
Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo qaare
Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la moodaaye

Maalkii diraacdii dhalaa doobke loo culane
Duunyada wxa laga maalayaa darartii caanoode
Rabbogii dawaa'iga sidaa deeqii noo ridaye

Afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka higaadsho
Aan dabeebti eegana halkay damacday laabtaydu
Dacwad kalana waa Ina-Mashire hadal aan deeqsiiyey

Aday deyrshay maantaan ahaa duri xigaalkaaye
Adigay dafiray sidii anoo duul shihseeye ahe
Waa taynu dersinaye adaa daawadii furaye

Doolaalo adigowgu tegay gaalka duufka lehe
Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
Goortaan ku daayana adaa diiday nabadiiye

Wax dhaaxaan dadaalkaa u maray celi cidhiidhyoone
Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa dib uga soo jooge
Maantaa dubihii kugu dhacaye duxi ha kaa raacdo

Waadiga dagaagaye sidii dalow u meertayso
Ama deyrka xidho waa taqaan dabin Inshaalleeye
Ama doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale

Ama quud dulleeddada ka xaab dereg haddaad weydo
Ama daaliboo bari inuu kuu dawaro uunku
Ama duunyo raac noqon cidlaa kaaga sii darane

Ama doonyihiyo saaxiliyo Cadan dillaaleyso
Ama dooy u dhoofoo u carar dal aan la gaadhaynin
Ama dirkiinii carshiga dogobbadda u raaro

Ama duurgal iyo tuug iyo dagati uun dhawro
Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaa saarto
Ama doora-weynoo baqdaye dirir us oo joogso




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)