![]() |
www.dooynet.com |
![]() |
| Seyid M A Hassan |
Gabay: Malaw iigu soo godol, Sayid MaxamedWaxaan gabayga arartiisii ku soo sheegnay in geela la baxay Daboolane . ee Daraawiishi Habaryonis ka dhacday, gabaya badan oo faan,digasho iyo diiddaba ah laga mariyey gabaygan waxay isku taariikh yihiin gabayga magaciisa la yidhaa Mahade haw sheego oo isna geelaas ka hadlaya waxuu yidhi:- Xuseenow masalo waa halkii,maanka kaa dega e Cirku wuxuu muggaaba haddii,milaygi joogaaye Sidii maydab jiilaal waxaan, maanka ololaaba Iidoor waxaan meeriyoo,malas u daadshaaba Maaweelo aan jirin waxaan,maandhe ku hayaaba Wixii aan magoogaayey waa, miiska aan falaye Murti nimaan lahayn iyo gun waa, laga mildhaashaaye Durba murugadaan qabiyo,riday milaadkiiye Musannowga Caynaanshe waa,mahad Ilaahay e |
||||