|
Gabay:Masaare --------------------------------------------------------------------- Masaare
abwaanku wuxuu ka tiriyey dagaal dhexmaray Habar Yoonis iyo Abraahiin. Loolan
soo jireen ah ayaa labadan qoys ka dhaxeeyey hase yeeshe sababta gabaygani waxay
ahayd dagaal ay Habar Yoonis soo qaaday maalin Ciid ahayd oo ku aadan billowgii
sideetamaadkii. Waxay Habar Yoonis beegsatay xilliggii salaada Ciida lagu
jiray oo ay is yidhaahdeen markaa iyada ah ayuu raggu tukanayaa salabkuna uusan
u midigaysnayn ee gaada. Xaalkuse sidaa ma noqon oo inkasta oo ragga badankiisu
tukunayey haddana weerarkii bogga ayuu Abraahiin u dhigay Habar Yoonisna aad ayey
u baqa-eryeen. Cabdi Saahid isagoo ku faanaya guushaa fariinna u diraya Ogaadeenka
kale ayuu yidhi
Ogaadeen
mabdaa uu watiyo, muranka Iidoorka Ismaan dhaafka iyo qayladanu, maanta
ma ahayne Ilaa maytideenii horuu, murugsanaa xaalku Muslinka
oo israaciyo haddii, codowga la is maago Murtadkiyo ninkii macatab leh, bay
midigta siiyaane Maslaxada Islaamkiyo sharciga, ma ogolaadaane Munaafiqiintii
Habar Yoonis, ee Maxamed caayeysay(scw) Masaare iyo dagaal nagu dhexmaray,
Ararsan meesheeda Oo maalintii ciida dhacay, maqalyey Daarood e Ogaadeenku
waa mowd, haday niman ismaagaane Mahadayda aakeyga iyo, maarihii sebenka Majiiraha
dagaalka halkaan, marinay Guutaale Muusanaabe Iidoor siddii, muxubo naageed
e Madheedhkii
ay ku xaareen waxaan, maydhi karin roob e Meel uu libaax taagan yahay, weer
ma soo maro e Allay lehe tolkay maalintaa, magac san ii reebye Meeshanse
maydka badan yaalo, iyo madaxdii Caynaanshe Ma qarsoona nimankii la dhigay,
labadii maygaage Minjaxaabadii Reer Wacays, foolashaa maqane Iyaga
iyo haweenkaa isku mid ah, muranka Reer Weyd e Reer Maxamed Ciisana Dannood,
kama midhaystaane Cumarkii idaha maali jiray, meella qaban waaye Madaxdii
Reer Amaan iyo Gunbuur, ma hindisoodaane Iidoor majiiraha dagaal, ma hungureeyaane
Iyagoo mataanihii tagay iyo, Allabla meesheeda Oo madaxa shaydaanka iyo,
muruqyo daanyeer leh Mar labaadna Habar Yooniseey, waa inoo Moholin e Farriina
Muxumed Gaas iyo ugee, Magan Warfaa oo dhan Cabdillaha makala maaranee, mariya
sowdkayga Makaahiilku meeshuu fadhiyo, kama majiirmaan dheh Guushii
Masaare bay dalkii, magac ku joogaane Waxaa mooga lugu foofiyaa, maalintii
Sabuye Kor jooguhu wuxuu soo maraa, miirtii Ceel Baxaye Mandharaari
weyne baa tolkiin, maanka ku hayaaye Hadaadse maydalkii iibiseen, iyo faraska
Maan Deeq ah Oo aad maslaxo kala hesheen, waa midaan rabaye e Marsin
iyo dhulkaan maamulnay een, wada magaalaynay Baraagtaan malyuun siinay iyo,
lacag la miisaamay Dhaba Rooble kama maaranee, mar uun ku haasaawa Tusmadiinii
way madhan tahee, rag iyo maal keena Warhooy meesha naga owda, yaan tuugtu
soo marine

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|