|
Gabay: Muusanoow, -------------------------------------------------------------------------------- Waa
gabaygii Muusanoow ee Cabdi saahid isagoo markaa la hadlaya reer tolkiis ayuu
gabay u bidhmaaniyey Abwaanku waxuu yidhi:- Ogaadeen
macaankiyo intii, dhiigii laga miirtay Ma dhawayn masuulkiyo intay, madax
laaayeen e Ma hurihii Qamaan iyo Xarbi baa, ciidda hoos maraye Maxamud
Cali iyo Raage, way midab qarsoomeen e Haddaan Gilingil meel la isku dilay,
faras majiiraynin Gabalax ma yeeleen waddadan, la iska soo maro ee Makhtal
iyo haddii Kaahin Muran, xalayto ii muuqday Marti kuma ahaadeen cakuye, maanta
Dhagax Buur e Dhoonya Cab nin maalkiisa dhacay, kuma ag maaleen e Magan
iyo Guraase oo ku nool, Muugo iyo Laago Ninna ma hungureeyeen Qoraxeey, Muxumed
Gaasoow e Anna waxaan ka muusoon hayaa, tii Magaal Burro e Mabda'
uu Xuseen Dalal wataan, maanka ku hayaaye Cali Oday ma seexdeen haday, olosho
Maandeeq e Ciyaan meesha joogin ee Danood, cadow ma maageen e Haddiise
Muuse Cawl nool yihiyo, Nuur Ugaas Maganba Mire iyo Hadduu Joofeey iyo, Cali
Junuun muuqdo Cabdhi Dhuux magli kama dhigeen, ciidan oo maqan e Haddaan
Fooleey mowd helin arladan, lama malaysteene Muxumedkii Ina Suldaan iyo Raflaan,
Doolo maamulin e Daahir Nuur maroorsigan Wardheer, ma ogolaadeen e Anna
Muusanowgaygan iyo, meela qaban waaga Awalbuu ragaygii madhaye, maba ilmeeyeen
e Macnahaa Makaytaa arkiyo, Macallin Dhoodaane Waa
gacan madow yahay ninkii, mayd u qayshada e Masdilaagii baa soo hadhay iyo,
naag la muran kiiye Maararoowga igadaa Siyaadoow, tii Allay mudane

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|