Gabay:
Girligaanka iyo Rayfal
----------------------------------------------------------
Gabayga
Dhuldheer ee meeshan ku jira markuu Adan carab tiriyey ayaa
Jaamac Dayuurad oo ahaa reer Biciidyahan ayaa gabay soo tiriyey
isagoo ka hadlayaa dagaalkii Dhuldheer ee dhacay , 1957 markaasuu
gabay tiriyey ka hadlayaa sida wax u dhaceen iyo isagoo leh
Gaalo baa idiin hiilisay, dhulkaas Ciidna, meel gaalo cag
saartey ma aha,Hareeri turmaag, jinacle, dhuldheer waa waa
Hawd libaax iyo nin geeljire ah oo hal daba socda mooye cari
gaalo cag galin karto ma aha, bal inta aan ka hayno gabaygii
Jaamac Dayuurad aan soo tuuro goyno Abwaanku waxuu yidhi:-
Garoomada la xaadhiyo dhulkoo geedka laga saafay
Girligaanka iyo rayfalkoo gurada loo buuxshay
Gidigiiba shirshoore fadhiya geelada xeradiisa
Goortii shamsadu soo gantay ee garabka soo taagtay
Biciidyahan in uu maalin galo waa gudoonsadaye
Garaad Faarax nama liiliyeen guutadii bariye
Barkadkii gafuurada xumaa geel ma dhiciyeene
Gaaladu haday maqan tahaad garan lahaydeene
Intaas
markuu yidhi, Jaamac dayuurad, ayaa Adan carab u jawabay isagoo
arimo badan ka hadlaya waxuuna yidhi:-
Wiilyahow
adoo gegi hurdaad gama riyootaaye
Markaasaad gawaan iyo dhulka geeyo diriritaaye
Malahayga gees ka lama kicin gabaygan soo jeedshay
Mar hadaanan maansada gafayn kala goblaylaynin
Jeer aad genbiga soo gadaan gole fardoodkayga
Geeraar idiin kama furnayn gaafkii dhuludheere
Inaan hadal gantoobe waa ii gulashadiisiiye
Garoomada
la xaadhiyo dhulkoo sida gadiidkaas ah
Girligaanka iyo rayfalkoo gudaha loo buuxshay
Gidi uma dhamaanine intii geela ka xagaysay
Anagoo surwaal gaaban iyo garanku noo saaran
Aan geel dhaqnay baad nagu gadaanteene
waxse lama gedimoone ku gade goobataal madhane
waa taan gawaantaa helay goobtii xeegada'e
Godka laguma naaroow duqii nalaga soo gooyey
Gudban in uu calool galay la sheeg waadna garateene
Hadii
shalay gadood xuni ka dhacay gaydho xeradeeda
Gardo iyo ninkii godan dhashaybaa goobta teelmadaye
Waligayba geel kagama qadin gar iyo duulaane
Gaashaanka iyo xoolihii aad guul itidhi raacye
Galad waxaad ka dhigateen halaha goonida u didaye
Mar
hadaad gun tahay aad ilmada gabax ka siinayso
Aan geesi reer baqaha dheer idinku gaadhsiiyey
Aan boqol gadhliyo kaala hadhay goondharkiyo kiingkee
Aan gaabiskiyo dhaawacii gudimadu qaaday
Uu dumarku gaaleef la dhacay galan gal coowgiina
Aan gorayo cawl idinka dhigay gaalo lagu ooyin
Aan
goobta helay weys ogayn gelin danbeedkiiye
Aan gabagabayn labadii subax idinka gowsiiyey
Aan gogol fayoow lagu ogayn gebi ahaantiinba
Ay gar iyo kuul xidhan yihiin goofa mada sheegay
Aan guunyadayda iyo naftii galab xalaaleeyey
Aan
garab la dooniyo lahayn gaaleef iyo haayin
Aan gudhiyey faankiyo anigaa gaalo'eri sheegta
Aan waliba guutada la bixi gu'ga aroosaaya
Aad
gowracdeen inamadii idin gawaan raacay
Aad naago guryaha ugu dhacdeen xididku waa gaare
Aad gabadh u xeerteen tolkeed in uu ku guureeyo
Aad
inan danbaad ganacsataan idinka guurbeeshay
Aan duul gayaa ugu dhaqnayn xidid inoo geeya
Aan galalacdeediyo la rabin gaarinimadeeda
Aan yarad gabaati ah nin wada laga gudoomaynin
Ay gabowga xaaraan ku dari gedo markay joogto
Aad garab gasheen xabashiyo gaalo doqonteeda
Aan gaaskayaga loo ladayn gudo mareexaana
Aan goodir mooyee xilkii jeesku qaban waayey
Aan
gubad tilmaalaha beryahan guri cas loo yeelin
Aad gadasha awrta u xidheen garaw haduu duulo
Aan gaanlihii reer wacays wada garsaafaynin
Gu'aawaday
uga galbaday goosayga iyo toomo
Ay guulankeedii tahay ina shiil gocosanay dhaaftay
Gashii yare magtaad uga idlayn waa go' iyo qayde
Gini giniga duulane xukumay garow qadhaadh siista
Libtana hay garaabine u diid Ina-Garaad Faarax
Mindha kugu garaadkeenu waa gogol fagaareed'e
Hartigu
wuxuu godad lahaa gu'iyo deyrtiiye
Ma ganbaysan naagtii la dilay geesigii qabaye
Iyadoo ganboolkii sidaad nabad u guuxdeene
Durba inaad gacmaha soo wadhaan waa garaad xumo
Gardarada intaan hibanayiyo gocoshadii maaga
Guntoo waa caqabiyo Allow gogol wadaageena

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)