|
Gabay:Ruunkii
--------------------------------------------------------------------------
Maxamed
Cumar iyo nin ay ilma adeer ahaayeen oo la oran jiray Xirsi
Maxamed . is ku qabteen in cidda loo raro xaggaa iyo Hara Digeed
iyo in halkeeda laysaga daayo oo aan la rarin.
Maxamed
wuxuu jeclaa !" in aan cidda la rarin isagoo eegaya dhinaca
nabad galyada Xirsina wuxuu door bidayey in la raro oo ay Haradigeed
u fiican tahay xoolaha badankooda. Xirsi wuxuu lahaa hal magaceeda
la oran jiray Rabbo oo aad u caano badnayd, marka Maxamed Cumar
ayaa xirsi gabaygan u tiriyey isagoo ku hal qabsanya Maxamed
waxuu yidhi:-
Rukni
dhexe Xirsow warkii xalayto, raadyuhu keenay
Ka rafaad ninkii adduun, raaxadeed qabaye
Roor oo dhig mooyee lawaa, raadkii nabadeede
Rug wanaagsan gaalkii lahaa, waa rucleeyahay
Ingiriis
rogaal iyo colbaa ruuga, loo dhigaye
Nimankii rabayysnaan jiraa loo, ratibay gaadhe
Carabtii rumaadida ahayd rodol, ma miistaane
Raqiis laguma helo ashcaar, moodhar soo ragaye
Rugta yeedhi reemida dhacdiyo, raranka qiiqaaya
Quruumaha ridamaya ee, dagaalka isku reebi
Rubaanada kici intaan, waagu kala roorin
Raqda xeebta taaliyo bakhtiga, radadu keenayso
Inta
roggan wax raad iyo naf laheen, ruuxna laga caymin
Daaraha ruqahayee madfaca, lugu rigaaxaayo
Malyuumadan ayaan lugu ridqeen, ruux kasoo cayman
Baabuurka reemahaya iyo, roorka lugu joogo
Rayigaaga unbaa ku yidh, Ramad ka caaneeye
Adunbaa
raaxo raadiyee, raasamaal dhimaye
Rabbi tuugmo mooyee dadkii, hawo kale reebye
Intaad xoorkii Rabbadeed raadin, riiqan dunidiiye
Hunde ramaqa lagu sheegi, malaha raandhiis e
Laga raysan ruggihii banaan, ha u riyaaqinae
War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine
Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|