|
Gabay:Samir ------------------------------------------------------------ Dagaalkii
2aad ee adduunka markii uu socday ee ay quwadaha shisheeye ku hardamayeen Geeska
Afrika ayaa waxaa indhaha Soomaalidii reer guuraga ahayd ku badatay diyaarado
samadaa lalaya Inkastoo Daraawiishtii Sayid Maxamed diyaarado Ingiriisku ku rusheeyey
Magaalada Taleex Soomaalidu aad uma aysan famahsanayn rooblaanadaa cirka lalaysa
ee dushaa sare wax kasoo halgaadaysa. Waxaa haddaba dhacday in dadweynuhu ay weydiiyaan
raggii aftahanada ahaa bal inay sifeeyaan walaxdan jini ee dadkii rucbiga ku abuurtay.
Raggii haddaba arintaa ka gabyey waxaa ka mid ahaa Maxamuud oo tiriyey gabaygan
yaabka leh ee hoose. Wuxuu yidhi:- Cirka
waxaan sallaanku u sudhnayn sida sayaariinta Oon saraca hoosiyo arlada cagaha
saaraynin Oo siifadduu kaga hanqarin haadku sare joogsan Oo laga salsaliyoon,
lahayn siigo iyo leexo Oon lagu salaaxayn, haddaad sumuc ku liishaanto Belaayada
qalbiga suurisaye samada xiimaysa
Oo
sool dhexeetiyo hawada sulunsulxaynaysa Oo gaal sameeyoon Illaah nolol u suuraynin Baa
sebenka Ciid looga tegay sabashadeediiye Oo sanada dayrtiyo arlada loogu suudalaye Dhulka
wixii socdaa laga holaa samay colaadeede Xagga sare wax kaa dilahayoo sun iyo
baaruud leh Oo aanad dagaal lagu sardamay kaga sed qaadaynin Inaad samirto
mooyee ma jiro waxaad samaysaaye Sarsar
awdan saamo iyo aqal siibad iiyo daaro Siraad iyo bannaan soohdin iyo sud iyo
meel hawda Socod iyo negaansho iyo fadhi seexad iyo rooris Sina waxaanad
kaga maag helayn na lagu soo saarye Saddex boqol haddaad sii dhaxdiyo saayid
iyo maalmo Salaadii dilaacdaba Iblays dhalada kaa saaran Oo Eebbhahay kugu
salliday saancad kama weyna!! Sanaciisa
laga fajacay ninkii bahashan soo saaray Sixir lagu tusyaa iyo farsamo waxu
sameeyaaba Alleylehe ninkaaasaaa sanciyo saayiqnimo sheegtay! Wax
sawaabka haadeed leh baa saabtay dunidiiye Sintuu dhigay Amxaarkii lahaa seerahaan
jebine Kolka adigu Soomaliyeey qaado samirkaaga Oo dhaha "Sinyoorow
na daa waanu soo geliye

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|