|
Gabay:Sarsar ----------------------------------------------------------------------- Gabaygan
wuxuu abwaanku ka tiriyey geeridii walaalkii Ugaas Xuseen. Isaga oo Qoraxeey jooga
oo reer uu gabadh ka qabay ina la yaal u ah, ayuu cuntadii diiday oo uu mar qudheeta
goosan kari waayey. Gabadhii uu qabay oo Ina Nuur Yey la odhan jiray ayaa aabaheed
u tagtay oo ku tidhi ninkii waxna iima sheegayo dheeftiina diid. Dadkii horre
wax garasho iyo fahmo badan ayey ahaayeene, odaygii gabadha dhalay ayaa gartay
in meesha wax ku jiraan oo uu Raage wax tabanayo. Gabadhii buu dabadeed wuxuu
ku yidhi, haddaynine, kolba toosiyoo, isagaa hadli doonee wuxuu ku hadlo iisoo
sheeg. Gabadhii baa aqalkedii kusoo noqotay oo taladii abaheed yeeshay. Markii
u dambaysay ayuu fadhiistay oo uu yidhi . waxuu yidhi:-
Shir
Sasabane oo saaddanba ah, amase saakuun ah Suxulkaa ka soo leef markuu, badawgu
sooyaamo Raggii kala sabaalayn jiray iyo, sayncaddaa madhaye Sooraale aar
baa dhufsaday, sararihii Nuure e Saratoosiyaa
Adan cunay, siqigii dheeraaye Soonkii kal horre Yuusuf, baan siigadii dhigaye Sanyaraan
hagoogtiisa siday, laba sabaanood e Sahal bay ahaayeen raggaan, saa u lee yahay Maantaa
salaankii u jabay, Samatar Fool-Jeexe Dhaaxaan salaama iyo ahayn, saafi nabadeede Gablan
samo adduun, waa waxaan kor u siyaadayne Sarsar igu banaanaa mus iyo, sud igu
deyrayde Nin
sirsiraad ka damay, wuxuu shitaa sooma xaabadiye Soo jeedahaan ku hurdi jiray,
sulubkii geeryooye Wax badan baa siddii siiqda webi, saa naloo wadaye Boqorkaan
saf iyo fara lahayn, waa sakaar adhiye Iga
seexo surin layhayo, yaan seedi kaa gu'ine Ha i siinin soortii shifaan, lagu
sadaadoone Ama saadanimadii haween, saacadba i toosi Gabadhii
baa gabaygii xafidday oo abaheed siddii uu Raage u yidhi ugu marisay. Odaygii
ayaa markiiba fahmay dhiilada so korodhay oo yidhi Ugaas Xuseen baa geeriyoodayee
sahay, sibraar caano ah, sibraar biyo ah, iyo farasba ha loo diyaariyo Raage.
Siddii baa la yeelay oo Raage ugu amba baxay tacsidii ugaaska. Tacsidii ayuu kuu
daahay Raage markaasuu is yidhi amay qoladii aad xididka ahaydeen ku tiigsadaan
amaba u maleeyaan inaad isaga tashatay oodanba soo socon. Gabaygan kale ayuu haddaba
goobtii uu joogay kasoo diray waxuu Yidhi:- Muli kuyan lawaashida cad iyo
laashinka adduunka Lama ooyin laanqeyr sideed laysku wada laabay Anoon kuna
ladayn kuna lulmoon laab siraad ololka Sheekhyadu lamaadiye sidaan leyl u yuururaye
Raggii lumay libaaxdii go'diyo nimankii leexeeyey Lurkay iga hayeen baa
i galay sida dab laydheede Umad baan lalabaheed ku jiray tabar lihiinkeye Wuu
kugu laclaafuu is odhan laqankii Ciideede Lugta iyo haddii aanan ka jabin
lowga iyo dhaadka Marna inaan kaa laabaneyn igaga laab riixo

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|