Gabay: Seyruuq, ----------------------------------------------------------------------- Gabaygan
Ina Suusle waxuu jawaab u yahay nin la yidhaa Cabdi baraar ba ka soo gabyey Carabta.
Gabaygiisuna ku saabsanaa dagaaladii ka dhacay Koonfurta, iyo siyaasada Waqooyiga
soomaaliya. !" markaa Suusle gabaygan mariyey cabdi baraar wax jawaab ah
ma gabay ah waa soo rogan waayey Hadaan xooga aka soo qaadano Hadaladii Cabdi
baraar si tuuro gooyo ah waa kuwan. Surwaal iyo hada idinku hora saacad
iyo shaadhe Hadii badow caqligu seeman yahay suudh cad loo galiyo Subax
qudha markii reer Taleex sarabka loo qaatey Kuman yaal xakamahii wataa haadka
loo logayeWaxaa
la yidhi Beenaale markhaatigiisa buu fogeeya, Dagaalkii Gumasyatah Ingiriiska
Diyaaradaha ku garaacay Taleex,Ayuu Cabdi Baraar u haysta Diyaaradaha in ay wadeen
Ilmaadeeradii, Jawaabtii Yusuf Cabdulahi Suusle waa tan waxuu yidhi:-
Sarbeeb gabay ah suugaan
abwaan siin ka higaadshay Waa inuu sameeyaa mid aan lagu saluugaaye Waa
inuu silsillad aan ogayn sooha Caliyow e Taariikhda waa inuu sugaa soo jireenka
ah e Nimaan baa mid aan sumad lahayn sowricii dilaye Markaasaa
ninkii saamacaa sacal ka qaadaaye Sanqadhayda goortay maqlaan salal ha qaadaane
Waa inaan sengehii qoofalaa saara koorahe e Waa inaan siniin iyo wan weyn
siiyo badhidiiye Waa inaan sitaacii fardaha suumankow xidha e Sayruuqa
dheer iyo gantaal sun iyo waabayleh Ninka yidhi sakaawaan ridoo saamkii la
cabeeyey Surka dhigo baryahan seeftu waa sowtu baalidaye Iidoor sahwiyey
waa inuu sagan la yeedhaaye Waligiiba waa salalafaa kay sajaciyaane Markaasuu
naflaha saaxiga wada sadheeyaaye . Waa
tay Salaan iyo rag kale solo ku hoogayne Waa saancadaagii dhadhabay soodir
oo qalane Waa sarakacii Yowle iyo Samatar waagiiye Surmo seegtadii waad
ogayd sal iyo baar eege Sooryadii
ismaaciil markuu sumalka loogaayey Isba taladii waa seeganayd subaxi weedhaane Sideed
guuradii horena waa saarkii maxamuude Adna salowga iyo buuqi waa surucyadiiniiye
Waligiinba
kama saahidaad sawt munaafaq ah e Af saliidyo weyn baad waqiin cay ku sidataane Sodohdii
dhirbaaxada ninkii suuniyaha gooyey Ee yidhi salaan bay ahayd aan sasabanaayo Alleylehe
sakhraan yahow adaa ceebsidiisa ah e Hadii
hadalki sibiq gaaga tagay kaana saranseeray Adigoo saleeliya haduu sahalo
kuu dhaafay Sancadii xumaata ninkii suubiyaa qabo e Suldaan kabaha qaadiyo
garaad saamax loo fidiyey Su'aashasi waa kuu hadhiyo saa ninkii falaye Bal
nasii jawaab saafiyaan sugii baraarow e Afartaa
salaamada naxwaha seeska ma adkeeye Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn
jiraye Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray Ma salimay nimaan
saxar lahayn waa sifayn jiray e Salka
bariga sanaag iyo nugaal saylac iyo awdal Sallaxley sangoori daroor seeto iyo
faafan Soloyartay sunkaaniyo danood saaca daratoole Sagaag iyo jidaha ceelal
dheer seerigii xodayo Soda
gedo sablaale iyo bakool saraca baardheere Sinta kudhan santaariyo afmadow
saakow iyo waamo Saca mooja saanguuni iyo baytii marka afgooye Suuryadii
baraawiyo markiyo saxadii ceeljaale Sanka
cadale sunayda xamar sayladiyo jawhar Sabuul baxay simartiyo galay sone baladweyne Sadex
lebille saare iyo mudug deelatiyo ceelcad Sacmadeeqo sool iyo galgalo sabarka
buuhoodle Sanku neeflihii joogi jirey saxalku maasheeye Waa
tii sabaanadan colaad sooga la ahaaye Sar la dumiyo saqaf ciirayiyo sahay la
boobaayey Sinada iyo kufsiga baahay iyo saaruq iyo tuuga Sayi'aadka dhacay
uumiyaha samada loo diiday Sunihiyo wardiga ay gefeen suufiyada diintu Silcayeedka
naagaha hayiyo sabiga ooyaaya Saqla orodka suqa yaraha lumay seedhankiyo fiinka Seeraha
xudidkiyo baqaha suliga weydaartey Sawaaxiliga qaawani raguu sabaradaynaayey Saboolkiyo
qaxootiga xeryaha lagu sakuumaayo. Sonkor
waaga soor iyo anfaco sikhiga caydhoobay Saabuun la'aantiyo maryaha sugul madoobaaday Sakhafkiyo
gadhfeedhay timaha suuban galinweyday Saf dilaaca dhiig iyo mariil saafatiyo
duumo Saxariirka waa wada qabaan saan madoobuhuye Sacad iyo abgaal iyo markii
sino xun loo eego Sahal weeye daarood wuxuu saaka tabayaaye Soomaali idinkaa
u darnaa saynihii dhacaye Sibahaa
tihiin baa naflihi ka siqsiqayaaye Inkastoynin kala soo canoo sadarba meel
aaday Aan calanku meeshuu sudhnaa lagu salaamaynin Nin waliba salkuu dhigay
halkuu sura ku lahaaye Aduunba saraar iyo togdheer saafur kaga noole Sede
ceeb ah adigaa fadhiya oo sariibada e Afartaa
salaamada naxwaha seeska ma adkeeye Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn
jiraye Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray Ma salimay nimaan
saxar lahayn waa sifayn jiray e Hadii
aad saldano haysatiyo saajac lagu dhaarto Siilaanyo uma haajireen seencadihii
yurub e Subehiga cigaal iyo waxuu sanam ahaadaaba Sandareero leefkii markuu
saaxil ku hungoobay Saleebaana kama qayliyeen suul alool jabaye Sawirkiina
waa meehanoow saaqidka ahaaye Saqdhexe
ayaad aroor mooday iyo subax dharaareede Sawir been ah saxaraa indhahu kuu
sayixiyeene Sowsowle madhan baad abaar saxan saxooteene Sacabada ku dharagii
biyahu suuro galiwaaye Somalilayn
iyo hadaad sowt ukala suurno Sadexdii maqnaa iyo hadaan xamar salaamayno Oo
aan sidaad doonaysaan idinla suureeyo Single aniga ha imoodin iyo seedi kula
yaale Saamiga markii dowladnimo samaha loo tuuro Sedkii aan lahaa waad taqaan
sararahaygiiye Sugimaayo maantana waxaan saahid ka ahayne War
saadlaad ku faantiyo mataan saad u dahataane Samow maxamed iyo jaamac iyo saahidkii
carara Sadex cumar u weyn yahay anaa suuradii tabaye Saaxiibo dhawraad dishaan
oo saqaafo e Samirka iyo dulqaadkaygu waa sabab idiin taale Safar
anigu layn maayo iyo socoto jiilaale Suyuc nabada sulux been ah baa lagu saa'ilaye Idinkaa
socdaalkiyo martida sooman gowraca e Saqiirka iyo umulo dooxu waa sumadahiiniye Siidhiga
dagaalka maalintii salabka loo qaato Meelay samaad oo dhashiyo seenyo ololayso Oo
safayn labo qabiil saanadu is dhaafto Mar hadaan salcaan diriro way suruc taqaaniin Afartaa
salaamada naxwaha seeska ma adkeeye Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn
jiraye Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray Ma salimay nimaan
saxar lahayn waa sifayn jiray e Sal
balaadh sigiiniyo cabdow soohdintii durugtay Ee aad sareef ilaa sibidhlay daaqaysay Sumuc
inama qaadane dalkaan kuu sandalleeyey Ee haatan soo ururayaan sowd yar kaa
odhane Suugaanta
hawdiyo intaan sirow ka baaqaayey Aan reerka saac dooglihiyo soolal marinaayey Aan
seer ma waydiyo daruur sagal gu' eegaayey Sanada iyo naq raacayngu waa kun
sad buriyeene Sare
galiyo shilinbaad tihiin saaran xoolaha e Jincistaan ka guuraba markaad sarab
ka jeexaysay Aad saalax weetiyo iib nagu sabaalaysay Aan sogobka naaxiyo
wankiyo simayey goolkayga Ea aan sokeeyiyo xigaal saxa ku moodaayey Inay
sibiqi ku laaban tahay layma solonsiine Sanqashada
waa ii doraad suuldhabaaladuye Allow sahana ruuxaan sir qabin ee saciinka ahe Sidihii
anigu lay qoolayaa sudhan lugtiiniiye Sumcadna maanta iima leh waxaan kugu
sameeyaaye Intay sabarka kaa ruubayaan soodhka habaryonis Ee aad sagaaro
u tihiin surun yar loo ooday Sii jeed inaan kuu dillaa iima suubana e Waa
sarar duleed nabarku yaad saadanbe i odhane Iska sabo salma iyo caynabaan
kaaga dhigay saade

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|