![]() |
![]() |
![]() |
|
www.dooynet.com |
|
![]() |
Soomaaliya Ma Qabiilbaa Mise Waa Qaran?
Ku: Shacabka Soomaaliyeed
Ka: Cabda Abdullahi
Ujeedo: Soomaaliya ma Qabiil baa mise waa Qaran
Assalaamu calaykum wa Raxmatullaahi Wa barakaatuhu
Waxaan ku bilaabaya magaca Allaah
Markii MMI eryeen dagaal oogayaashii oo Xamar qabsadeen bay aad u faraxday, markiise ay u dhaqmeen siday u dhaqmeen bay waxay ku calaacashay “Daahir Aws iyo inta la midaan ii ogolayn in cimrigaygu igu simo xukunka islaamka” Allaah waa awoodaa in cimrigeedu ku simo.
Walaalyaal shacabka Soomaaliyeedow waxaan idiin soo gudbinaya salaam gacaltooyo, salaan ka dib waxaan jeclahay inaan idinla wadaago su’aalaha soo socda in shaa Allaah. Waxaanna rajaynayaa inaad iiga jawaabtaan su’aalahayga, xilka wayni wuxuu saaranyahay culimada Soomaaliyeed.
Su’aalahaani waxay isku u jeedo yihiin kuwa aan hadda ka hor kusoo diray khadadka Internet-yada Soomaalida oo labo qaybood ahaa; qaybi culimada Soomaaliyeed bay ku socotay, qaybina Soomaalida oo dhan.
Culimadayada sharafta leh waxaan ku leeyahay Allaah SWT baa nagu amray inaan su’aallo waxaanaan garanayn kuwa garanaya, ee haddaan diinta wax idinka waydiinno noo jawaaba. Waxaan kaloo idin xusuusinayaa xaddiiska Nabiga CSS oo oranaya qofka cilmi uu garanayo la waydiiyo oo qariyaa waa shaydaan af la’.
Soomaalidu waa dad muslimiin ah, wixii mugdi ka gala waa inay ula noqdaan shareecada islaamka, maantana wax badan baa mugdi kaga jira bulshada Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed culimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay u kala caddeeyaan shacabka XAQQA iyo BAADILKA. Shacabku hadday waayaan biyo saafi ah waxay cabbaan dhooqada, si le’eg hadday waayaan cid u sheegta diinta xaqqa ah, waxay qaadanayaan wax kasta oo diin loogu sheego.
Nabigeenna CSS waxaa laga wariyay inuu yiri waxaa la ii soo saaray inaan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan, Nagiguna CSS waa dhammaystiray, isagoo aan waxba dhaafin. Waxaa kaloo Nabiga CSS wariyay inuu yiri “qofkii i addeecaana Jannaduu galayaa qofkii i caasiyaana Jannada waa diiday”. Waxaa lagu addeecayaa Nabiga CSS iimaan run ah iyo dhaqan wanaagsan; (Allaah oo si saxa loo caabudo iyo makhluuqiisa oo si wanaagsan loola dhaqmo), waana labo arrimood oo aan kala furmi karin.
Aayaadka cibaadaadka sida salaada, sakada, soonka iyo xajka, mid walba akhlaaq wanaagsan baa ku lamaansan. Iimaanka akhlaaq wanaagsan baa ku lamaansan, waxaynu halkaas ka garanaynaa qofka akhlaaqda xumi inuu dayacay diintiisii, waxaynu kaloo garannay in diinta islaamku ku salaysantahay akhlaaq wanaag. Qur’aankuna wuxuu ina baray akhlaaqda laga rabo inay ku sifoobaan dadka Allaah iyo maalinta aakhiro rumeeyay.
Todobada ugu waawayn dambiyada oo Nabi Muxammad CSS muslimiinta uga digay waxaa ka mid ah in mu’miniinta dhiigooda loo daadsho xaq daro iyo in mu’miniinta lagu been abuurto oo sharaftooda la dhaawoco. Allaah SWT wuxu yiri “kuwa jecel in mu’miniinta dhexdooda xumaani ku faafto Allaah wuxuu u ballan qaaday cadaab xanuun badan adduun iyo aakhiraba (24:19) Nabigana CSS waxaa laga wariyay “in mu’min la caayaa waa fusuq in la dilaana waa kufri” waxaa kaloo Nabiga CSS laga wariyay “mu’minku ceebeeye maaha ceebaysanana maaha”, soo dad mu’minnimo raja qaba maahin?Jariimooyinka iyo akhlaaq xumada Soomaaliya ka dhacaya oo galay sannadkii 18-naad waa ka baxsanyihiin dhaqanka binaw Aadanaha, xattaa bahalada duur jooga ahi ma sameeyaan wax la mid ah. Dhinaca kale masaajiddadu waa buux dhaafeen, xijaabka lagamaba hadlo, dacwadu waxay maraysaa meel aad u saraysa, Su’aashu waxay tahay sidee isu waafaqayaan labadaan waji oo Soomaalidu?
Maxaa inaka dhigay dad magacoodu 100% muslimiin yahay oo aan akhlaaqdoodu waafaqsanayn islaamka? Maxaa qaldan?
Qof muslim ah in la dilo goormay ku banaantahay shareecada Islaamka?
Muxuu yahay xukunka islaamku qofkii muslim ah oo qof kale oo muslim ah u dila gar daro si ula kac ah? Kan la dilay iyo kan dilayse kee nasiib daran?
Dhallinyaradayada qaaliga ah oo dagaalada sokeeyee indhaha ku kala qaaday, waxaan xusuusinayaa, waxaa idin kala jiidanaya dad aan innaba wax naxariis ah idiin hayn, noloshii wanaagsanayd oo aad xaqqa u lahaydeenna idiin diiday. Bal waxaad is waydiisaan nimanka hubka isugu kiin dhiibay, oo idiin dajiya habkii aad isu laynlahaydeen, carruurtoodii meeye? safka dagaalka maydinkula jiraan oo maydinka dhinac dagaalamayaan? Hadday jawaabtu haah noqoto, waa daacad haba qaldanaadeene, haddaadse ka waydaan carruurtoodii goobta dagaalka waa khaa’iniin ee ka leexda.
Ninka inta dal kale magan galyo waydiistay si uusan ugu dhiman dagaalada sokeeye, adiga ku leh is qarxi ilmihiisii mayslakaa qarxiyaan? Kan dal kale u cararay oo adiga jihaad ku leh hadduu rumaysanyahay in dagaalka Soomaaliya ka socdaa jihaad yahay, jihaadka islaamka madaxdaa hogaamisa ee muxuu jihaadka u hogaamin waayay?Dagaalka Soomaaliya ka socdaa ma jihaad baa? Hadduusan jihaad ahayn maxay culimadu shacabka uga digi waayeen oo uga hadli waayeen war baahinta?
Dadka isbaarooyinka jidadka dhigta, si ay dadka u laayaan oo u dhacaan soo la mid maaha jid gooyayaasha Allaah SWT ku sheegay qur’aanka kariimka ah? Haddii jawaabtu noqoto haah muxuu yahay xukunkooda shareecada islaamku?
Nabi Muxammad CSS waxaa laga wariyay inuu yiri affaara qabiilku waa qurun ee ka fogaada, Allaah iyo qurunna qalbi ma wada galaan, marka ma Allaah SWT baan doorana mise qurunka affaara qabiilka?
Anigu naftaydaan u jawaabayaa, Allow adaan ku doortay ee hadalkayga iyo qalbigayga is waafaji, Allow iga nabad gali inaan cadaw u noqdo dadka adiga iyo Nabigaaga CSS idin rumaysan. Allow igu dar kuwa ka run sheega “Muxammadun Rasuulullaahi walladiina macahuu ashshidaa’u calalkufaari ruxamaa’u baynahum..al-fatxi 29” macnaha Muxammad waa Rasuulkii Allaah kuwa la jiraana waa ku adagyihiin gaalada, dhexdoodana waysu naxariistaan. Qofkii ayaaddaas is dul taaga aad buu u naxayaa sababtoo ah muslimiinta maanta raxmadi kama dhex muuqato guud ahaan, Soomaaliduna waaba ka xag jiraan, marka laga reebo qof Allaah u naxariistay.
Dalkeenna waxaa baabi’iyay af ku dhiiglayaal iyo gacan ku dhiiglayaal. Waxaa laga hadlaa gacan ku dhiiglayaasha, maxaa looga hadli waayay af ku dhiiglayaasha? Soomaali waxaa isku fitneeya, dadka sharaftooda ku tunta, ka shaqeeya been abuurka, buun buuninta dhibaatada, ceebaynta muslimiinta sow maaha af ku dhiiglayaasha?
Allaah SWT iyo Nabigiisu CSS waxay xaaraantinimeeyeen in dadka laysku diro, Allaah wuxu yiri “fitnadu waa ka wayntahay dilka”, “fitnadu waa ka darantahay dilka”.
Haddii qof muslim ah la dilo labo markhaanti baa ku filan, haddiise qof muslim ah la ceebeeyo (sida in zina lagu sheego) Allaah SWT wuxuu ka dhigay markhaantiga 4 qof oo lagu kalsoonyahay diintooda iyo akhlaaqdooda, halkaas waxaa ka cad sida Allaah SWT u dhawray, oo u wayneeyay sharafta qofka muslimka ah.
Dhaawicida sharafta qofku maaha in zina lagu sheego kali ah ee waa wax kasta oo qofka sharaftiisa meel uga dhacaya, qofka sharaftiisu waa jiritaankiisa, macnaha qofkii sharaftiisa la dhaawoco isagoo nool baa la dilay.
Sidaas daraadeed gacan ku dhiiglayaashu qayb Soomaali ka mid ah bay jirkooda dilaan (ruuxu ma dhinto ee jirkuu ka baxaa waxaanna Allaah SWT uga baryayaa dadkaas mujrimiintu xaq darada ku laynayaan inuu ruuxooda cilliyiin geeyo), af ku dhiiglayaashuna Soomali oo dhan bay noolosha ku laayaan, sharaftii Soomaaliday ku cayaareen. Runtu waxay tahay dabka af ku dhiigle shido buu gacan ku dhiigle badrool ku shubaa, si uu hawsha u dhammaystiro. Waxaan qabaa haddaan af ku dhiigle jireen inaan gacan ku dhiigle jireen ama aad u yaraan lahaa, waana sida Allaah SWT u yiri “fitnadu waa ka wayntahay dilka”, dilka waxaa hogaamiya af ku dhiigleyaasha. U fiirsada maalinta afku dhiigle war baahinta ka hadlo inta hadalkiisu sababo in la lalaayo!
Allaah SWT wuxuu ka cabiray xanta hilibka walaalkaa mayd ah oo aad cunaysid, sidaas daraadeed shaki kuma jiro inay af ku dhiigleyaal yihiin dadka banaystay muslimiinta caydooda, habaarkooda, isku dirkooda, ku been abuurashadooda ceebayntooda iyo iwm.
Dalalka xagga farsamada ku hor maray waxaa hawadooda wasakheeya qiiqa ka soo baxa warshadaha, innagana hawadeenna waxaa wasakheeyay hadal xumo, bal war baahinteenna u fiirsada inta wax Allaah ka caroodo shaydaanna ku farxo ku jira!
Walaalayaal, diintaynu haysannaa waa diintii xumaanta ka sifaysay dad sanam caabudijiray, bakhtiga cunijiray, xaasaska aabayaashood guursanjiray, gabdhohooda nolosha ku xabaalijiray, nooc walba oo xumaan ahna samayn jiray. Waa diintii Aws iyo Khasraj walaalaysay, innagoo wax walba oo dad isu yahay isu ah, oo dhawr iyo toban qarni muslimiin ahna waxaan isku samayno dugaagu iskuma sameeyo, marka ma diintaan inaku duxin oo sarsar inaka martay?
Maxay diintu xumaanta inooka reebi wayday? Maxaan uga xishoon waynay beentii uu ka xishooday Abu Sufyaan oo markaas mushrik ahaa, markii wax laga waydiiyay Nabi Muxammad CSS oo uu u arkayay cadawgiisa ugu wayn?
Wuxuu Abu Suufyaan isu quuri waayay inay taariikhda u gasho beenbuu sheegay, dad badan oo inaka mid ahna markaad maqashid hadalkooda ama akhridid qoraaladooda waxaad is waydiinaysaa war dadkani iska daa akhlaaq muslim, ee dareen binaw aadanni ma leeyihiin.
Islaamku ma aabayaasha lagu abtirsadoo kala, oo wax kasta oo qofku sameeyo ma muslim baa?
Culimadayada sharafta leh waxaan ka codsanaynaa inay noo caddeeyaan waxyaabaha qofkii sameeyaa diinta kaga baxayo, shacabka in badan oo ka midaan aqoon arrimahaas. Qofkii diintiisa waayaa wax walba waa waayay oo wuxuu khasaaray khasaaro run ah, ee culimadow shacabka Allaah uga baqa oo XAQQA u bayaaniya intii tabartiinna ah, oo Nabigii aad dhaxasheen wadadiisii mara!
Waxaa mudan in lays maydiiyo dadka banaystay muslimiinta dhiigooda iyo cirdigooda ma qalinkiibaa Allaah ka dulqaaday oo caqligii wax lagu kala garanjiray bay dhumiyeen, ma geeriday diididoonaan, ma meel aan aakhiro ahayn oo xisaabi ka jirin bay soo arkoodeen, mise waxay u qabaan inaan Allaah SWT la socon waxay samaynayaan?
Bulshooyinka adduunku, Allaah ka dib, waxay u baxsadaan dadkooda wax bartay, waxyaabaha naxdinta gaarka ah leh, waxaa ka mid ah qoraal uu ku saxiixanyahay Doktoor ama Parfasoor iwm, markii la furana ay kasoo butaacayaan wax qurun badan oo aad moodid maal qoloftii laga qaaday, oo qofkaan deg deg isaga xirini khatar galayo inuu qaado cudurka haya qoraaga.
Meesha qurunku kasoo butaacayaa waa qalbiga qoraaga oo qaba cudur xun, cudurada qalbiga ku dhaca culimada qaarkood 70- bay kor u dhaafiyeen. Qalbigu waa xubinta maamusha nolosha qofka, haddii qalbigu joogsado qofku waa dhintay jir ahaan, haddii meesha wax laga dareemaa madoobaato oo ruujimada Allaah ku magacaabay “RAAN” dabooshana qofku waa dhintay iimaan iyo akhlaaq ahaan. Nabi Muxammad CSS waxaa laga wariyay “jirka waxaa ku jira cad yar oo hilib ah oo hadduu hagaago jirka intiisa kalena hagaagay, hadduu xumaadana jirka intiisa kalena xumaaday, hooyey waa qalbiga” Nabigu CSS wuxuu sheegay arrintaas dhawr iyo toban qarni ka hor, culimada cilmiga maaddiga baaraana wakhti dhaw bay ogaadeen in meesha qofka laga maamulaa tahay qalbiga.
Quluubta Allaah SWT waa qariyay oo cidaan Isaga ahayni ma aragto, waxaase cabira waxa qofka qalbigiisa ku jira dhaqankiisaa, waa meesha laga yiraahdo qofkaasi waa qalbi xunyahay ama waa qalbi fiicanyahay. Qalbi wanaagsan baa Jannada lagu gala oo Allaah SWT wuxuu yiri “maalinta aan xoolo iyo carruur midna wax tarayn illaa qofkii Allaah ula yimaada qalbi caafimaad qaba”.
Sida cudurka jirka loo kala qaado si ka daran baa loo kala qaadaa cudurka qalbiga, waliba cudurka jirka waxaa qaada dadka la jooga qofka cudurka qaba, laakiin cudurka qalbigu wuxuu u fidaa sidii caws jiilaal oo dab qabsaday, waxaana daqiiqado dhexdood dunida dacaladeeda gaarsiiya war baahinta casriga ah oo ay maamulaan dad ka jiran dareenka. Waxaan Allaah SWT ka baryaynaa inuu inta jiranna caafiyo inta fayowna badbaadiyo.
Aragtidayda waxaa Soomaali meeshay taal dhigay, jiritaankeedana khatar wayn ku ah 4 qaybood oo Soomaalida dubka uga eg, abtirsiinyo iyo dalna la wadaaga, diinna la sheegta, waana kuwa hoos ku qoran:
1) Qayb shar u adeegsata magac awoowayaal qarniya hore dhintay, si ay birta isugu dhiibaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna u isticmaalaan hadba heerka abtirsiinyaha ay is leeyihiin dantiinnaad ku gaari kartaan. Sidaan ognahay affaara qabiilku ma leh meel uu ku dhammaado ilaa uu hooyo hooyo ukala saaro labo aabe wada dhalay. Qolada noocaas ahi xattaa markay la joogaan walaalaha hooyadood dhashay, waxay fogeeyaan kuwa aabohood dhalay oo aan hooyadood dhalin.
2) Qayb wadata magac aqoonyahan sida Doktoor ama Parfasoor iwm, runtiina jaahiliin ah oo mugdi ku dhex jira, waxay barteen aqoon maaddi ah oo aan iftiin lahayn, shacabkuna wuxuu ku kadsoomaa magaca in dheer garadnimo oo ay wataan.
Jahliga iyo aqoonta wanaagsan waxaa kala saaray islaamka, samankii ka horeeyay islaamka waxaa lagu magacaabaa samankii jaahiliga, dad wax qora waxna akhriyaana waa jireen. Jaahilku waa qofaan qalbigiisa nuurka Allaah u daarayn, hadduu 100 PHD ka qaato jaamacadaha adduunka ugu magac dheer, qofkaasi waa jaahil. Allaah baa yiri “ALLAAHU NUURU-SSAMAAWAATI WAL-ARDI….YAHDI-LLAAHU LI NUURIHII MAN YASHAA ” macnaha Allaah baa ah nuurka cirarka iyo dhulka…..Allaah baa ku hanuuniya qofkuu doono nuurkiisa, aayad kale Allaah SWT wuxuu ku yiri qofkaan Allaah nuur siin nuur ma haysto. Qofaan iftiinba haysan laga sugimayo inuu kala garto xaq iyo baadil ama sax iyo qalad. Dad waxaa jira aan waxna qorin waxna akhriyin, laakiin aan jaahiliin ahayn oo Allaah SWT nuurkiisu qalbigooda u daaranyahay, kalana arka xaqqa iyo baadilka iyo saxa iyo qaladka. Allaah wuxuu kaloo yiri “ma waxay doonayaan xukunkii jaahiliga, yaa Allaah ka xukun wanaagsan”.
3) Qayb xoola haysata, xalaal iyo xaaraan kay ku kasbeenba, xoolahaasna u adeegsada siday isugu diri lahaayeen shacabka walaalaha ah, iyagoo ka faa’iidaysanaya gaajadooda, markaas inta wax yar u tuura isku diraan.
4) Qayb diinta magaceeda ku ugaarata oo ku khayaana shacabka Soomaaliyeed diin
jecaylkooda iyo aqoon yaridooda diinta islaamka. Waxaan xusuusinayaa shacabka Soomaaliyeed xaddiiska soo socda oo Nabigu CSS ku qeexay xaalka dadka diinta barta.
Nabi Muxammad CSS waxaa laga wariyay inuu yiri “dadka diinta islaamka bartaa waxay la mid yihiin saddex nooc oo dhulka ka mid ah markii roob ku do’o; 1) dhul biyuhu ka sidbadaan, 2) dhul biyaha haya (biya xireen), oo nooluhu ka cabo, laakiin aan isagu liqin biyaha 3) dhul biyaha liqa oo soo saara doog iyo miro nooluhu ka cuno.
Waxaan xadiiskaan ka fahamnay in qofka dhulka saddexaad la midka ah maahee labada qof oo kale ka dhar la’yihiin diintay barteen. Qof walba waxaa la gudboon inuu is waydiiyo dhulka uu la mid yahay, diintu ma ka sidbatay, ma dadkuu baraa oo isagu waa ka qaawanyahay akhlaaqda islaamka, mise diintu waa ku duxday oo akhlaaq islaam buu leeyahay.
Shacabka waxaan leeyahay mar haddii Nabigeennu CSS inoo caddeeyay inaan dadka diinta bartay oo dhammi ku toosnayn diinta, waa inaan feeyignaano oo ka fiirsano ciddaad diinta ka qaadanayno.
Nimanka leh Itoobiyaan dalka ka xoraynayna oo jihaad baan ku jiraa, waxaan waydiinayaa, jihaadka islaamka muslimiintaa lagu daafacaaye, in qof qof iyo koox koox loo laayo ehelka diinta xaggee kasoo xigateen? Shiikha masaajidka kasoo baxay oo la dilayaa ma Itoobiyaan baa? Hooyooyinka dhulka xaaqaya oo la laynayaa ma Itoobiyaan baa? dadka inta indhaha laga xiro la tooganayaa ma Itoobiyaan baa? Qowsaska hurda ama qadaynaya oo madaafiicda la huwinayaa ma Itoobiyaan baa? Askarta Soomaaliyeed oo la laynayaa ma Itoobiyaan baa, carruurta guryaha fagaarohooda ku cayaaraya oo la laynayaa ma Itoobiyaan baa?
Haddaad Itoobiyaan la dagaalamaysaan maad ugu tagtaan xeryahooda, mujaahidku waa geesi geeridana kama boqo, inta haween iyo carruur gadaalkooda madfac ka tuuro dib uma cararo. Mujaahidku carruur iskama soo hor mariyo ee naftiisa iyo maalkiisa wuxuu u hura inuu daafoco carruurta iyo hooyooyinkood! Jihaadku waa baarka islaamka ee Allaah ka xishooda oo ka joogsada sawirka xun oo aad ka bixinaysaan. War waa yaabe ma Buush iyo xulafadiisaad u shaqaysaan? Sababtoo ah sawirkay rabeen inay islaamka ba bixiyaan buu dhaqankiinnu u shaabadeeyaa.
Waxaan ognahay inaan islaamku ogolayn, xattaa marka jihaad xaq ah lagu jiro gaalo, in la laayo shacabkooda aan dagaalka ku jirin, Allaah SWT iyo Rasuulkiisu CSS waxay ku amreen mu’miniinta inay la dagaalamaan kuwa la dagaalama.Afarta qaybood oo aan kor ku xusay waxay ka midaysanyihiin ku dhaqanka siyaasad shaydaanka laga dhaxlay isticmaarka oo ah qaybi oo xukun, waaba igala liitaan isticmaarka, sababtoo ah isticmaarku uma adeegsado siyaasad shaydaanka dadkiisa, ee wuxuu u adeegsada dadka uu gumaysto.
Siyaasadaas qolo walba waxaa lagala beegsadaa meeshay ka nugushahay, Soomaalidu waxay u nugulyihiin affarta arrimood oo kor ku qoran. Gumaystuhu waa sii kala xunyahay, sidaan Israa’iil ugu naxariisan Falastiiniyiinta si la mid ah baan qolooyinkaasi ugu naxariisan shacabka Soomaaliyeed.
Inay siyaasad shaydaan tahay waxaa inoo caddaynaya, Allaah SWT wuxuu ku amray muslimiinta inay midoobaan, oo xariggiisa wada qabsadaan, inay isku duubnaadaan oo ayan kala tagin, arag aayaadkan “wactasimuu bi xablillaahi walaa tafaraquu” “inna ummatukum ummatan waaxida wa anaa Rabbukum facbuduunii”? macnaha xariga Allaah wada qabsada oo ha kala tagina, waxaad tihiin hal ummad aniguna Rabbigiin baan ahay ee i caabuda. Nabigana CSS waxaa laga wariyay “muslimiintu waa sida hal jir oo haddii xubin ka mid ahi xanuunsato jirka intiisa kalena wuxuu la seexan waayaa xumad”. Miyaan dadka Soomaalida kala qaybinayaa ka mid ahayn kuwa Allaah iyo Rasuulkiisu la hadlayaan?
Waxaan ka hadala cilmaaniyada iyo siday uga soo hor jeedo islaamka, maxaynu uga hadliwaynay qabaliyada dalkeennii burburisay, dadkeennana magaceeda lagu laynayo 18 sano? Mise cilmaaniyadu waa qabiil kale qabaliyaduna waa qoladeenna, illayn waxaan ku ibtilaysannahay affaara qabiile?
Waa labo aafo oo ka soo hor jeeda islaamka, keebaase innaga ina naafeeyay? Runtii qabaliyadaa inaku noqotay cudur daawadiisii oo guri walba taal Soomalidu diideen inay qaataan. Daawadii waa diinta islaamka oo lagu dhaqmo, haddaan qabaliyada ka adkaanno, cilmaaniyadu kaligeedaa inta baqda meeshay ka timid dib ugu noqonaysa, belaayo oo dhammi Soomaali waxay ugu soo daba gabataa qabaliya qurmuun badan.
Dadka caadiga ah waxaa isku xira maslaxad, intii isku maslaxad ahiba waxay wada jir u difaacdaan maslaxaddooda; sida dadka isku dagsiimada ah, dadka isku xirfadda ah, dadka isku wax barashada ah, dadka isku mabda’ ah iwm. Soomaaliduse waa dad uu haysto gumaysi ma guuraan ah, meel layska gumaysto qalbigaa ugu daran. Qalbigaa maskaxda waraabiya, maskaxduna waxay adeejisaa xubnaha intooda kale. Marka ma xor baynu u nahay fakarkeenna mise qabiilkaa inoo fakara, oo qof Soomaali ahi ma jiree qabiil kaliyaa jira?
Qur’aanka kariimka ahi wuxuu aad u ceebeeyay xaqqoo inta la diido la yiraahdo aabayaashayaan ka soo gaaray oo dulmigaan ka fuqimayno, ma cid waaridkaa kaaga sokaysaa jirta? Haddii fakarka qaldan oo waaridkaa Allaah kaa reebay ma qof kalaad qalad ku raacaysaa?
Allaah SWT wuxuu inoo sheegay inuusan ka badalin qoom waxay ku suganyihiin xattaa ay iska badalaan waxa nafahoodu ku suganyihiin. Qoom waliba wuxuu ka koobanyahay qof qof iyo qows qows, marka haddaan rabno inaan dhibaatada ka baxno waa in qof waliba ka bilaabaa wanaagga naftiisa, ehelkiisa iyo dariskiisa. Waxaan caada ka dhiganay in qof waliba dhibaatada dalkeenna cid kale ku eedeeyo. Haddaadan naftaada sharka kala dagaalamin oo iska daawayn necaybka tuhunka iyo beenta ku dhisan oo aad u qabto walaalahaaga muslimiinta ah, waligaa khayr arki maysid, sababtoo ah waxaad hogaan ugu jirtaa shaydaan, waana ma dhacdo in shaydaan qof ka amar qaataa khayr yeesho!
Dadka adduunku siyaasadda waysku khilaafaan, laakiin waxay ka midaysanyihiin dhawritaanka maslaxadda guud. Koox waliba waxay soo ban dhigtaa barnaamij ay ku muujinayso inay uga faa’iido badnaan doonto shacabka kooxaha kasoo hor jeeda, laakiin koox walba waxaa bir ma gaydo u ah dantooda guud, waxaa lagu tartamaa qabashada hogaanka dalka, ee laguma tartamo burburinta dalka! Innaga teennu waa cadka ama cunay ama ciideeyay, maslaxada guud waxaa inakala wayn maslaxada shaqsiga. Dadkeennu badi maba gaarsiisna inay gartaan in haddii maslaxada guud la waayo tii shaqsigana la waayay.
Gabogabo.
Xusuusintaan hoos ku qoran waxay gaar gaar ula hadlaysa afarta qaybood oo aan iri waxaan qabaa mas’uul ka yihiin dhibaatada dalkeenna. Tan xukun jecaylkuna waa ka dhaxaysaa oo waxay dalka u burburiyeen dadkana u laynayaan.
Kan affaara qabiilku diloo qalbigiisa dagow marka ruuxu ku daayoo
Dadka kii kuugu jeclaana inta qayd kugu duubo qabrigii kugu duugo oo durba kaa dul dhaqaaqo
Malaa’ig Allaah soo dirayoo xisaab la diyaarihi degdeg kuugu timaado
qabiilkaad ku dan seegtay ma la doodahayaanoo jannama ma kaa daafacyaan
mise duunyadaad ka tagtay damaacinayaan oo agoontay dulmayaan ?
War dantaada garoo Rabbibaa aayaad ka dajoo Nabigaa ka dardaarmaye dariskaaga wanaaji
Doktoor jaahilahow miyay ka dahsoontahay
midkaan diinba lahayn oo Rabbigiis dafiraa
inuu yahay doktoor cilmiga maaddiga daadshay?
War waa dayaysantahoo dariiqaad ka dhuntee
mu’min maaddo ma deeqdee dib uu fiiri naftoo
yaadan naar ku duloobine orod daaloco diinta
oo dagsiima wanaagsan Jannadii ku dadaal
Qofka maalku dagoo dunidaan isa siiyow miyay kaa dahsoontahay
Qaaruun iyo daarihiisii dhulku inuu la diisoo naar uu ku daadagay?
Midka diinta qaloocshoo dabka uu hurinahayo aayaad u daliishow
Miyay kaa dahsoontahay darkika naarta salkeeda in munaafaq dagahayo
Dabinkuu u maleego islaamka dartiis Rabbigeen u diyaarshoo gaalba uu ka daraaday?
Qofka jaahu dagoo xukun uun u dagaalow miyay kaa dahsoontahay
Fircoonkii xaqqa diidoo rabbinimada ku dooday halkii uu ku dambeeyay?
Bad castii dagaynayd baa Rabbi Wayne dilaacshoo ku daboolay Fircoon
Markii ay naftu daysana dibeduu Allaah keenoo
Masartuu ku dacwiyayay anigaaba dambaaba
dalxiis loogu dagoo maydkiisii la daawado?
Walaalayaal wax ka sheegiinna iyo wax u sheegiinnaba waa soo dhawaynayaa.
Allaah xaqqa haynaku sugo
Cabda12@hotmail.com