|
Gabay:Guda Tashi
--------------------------------------------------------
Gabayagan waxaa tiriyey Qamaan, waxuuna u diray reer sheekh
cabdille oo u sii dhiibay Aw cumar isagoo maqlay in Afadiisi
Barni sheekh cabdille laga furayo oo nin kale loo meherinayo,gabaygani
sidaad buu ku yimid waxuu yidhi Qamaan sidan
Codka gabay collaadoow nin lagu caasiyaan ahaye
Cirraystay oo ma tirin maansadii calanku saaraaye
Cindiga keena caawaan furfuri ceesh la ii wadhaye
Cimrigay
intaan jirray amaan cagaha meel saaray
Een calashay dheeftiyo wixii calaf la ii mooday
Casho noolba sow cadho horliyo cudurti iima aha
Carruur
dharagtay caaniyo hadhuudh laga ciraab roone
Camma doqona caalliyo dhul saw canug hallayn maayo
Waa caamo nimankaan ogeyn ceeg markaan tageye
Iyagoo cayilay bay arkeen ciidna laasimay e
Ciriid
kulul cagaag iyo rasaas carar la baynuunay
Ciwal gibin ah oo loo xishiyo caafimaad ma lehe
Ninbay cududihiisii gamceed Caliyoow mawdeene
Kolkaad caano iyo wiil tahaa lala cabsoodaaye
WAx calaacal kuma yaal haddii caydh lagaa dhigo e'
Allow yaan cirooliyo tashiga culimo dhaafsiinin
Caaqilkii
cidduu daba socdiyo caday ma loo diiday
Niman calan leh boqor caadil iyo curad ma sii luuday
Casharkii la maray soo dorraad cadarkii been ma aha
Kolba kii carjabay sow kitaab lama cusboonaynin
Geeleer cawaagtulena sow caabuq yimid ma aha
Casemaadku
nimankuu dhacee caydhu wali hayso
Caqligiina kama fiirinine ma cafiyeen aadki
Sow ceelis iyo reerihii camaladdii ma aha
Allow yaan cirooliyo tashiga culimo dhaafsiinin
Cirkoo
roob la wayiyo abaar baa camiri faafe
Cawskiyo biyaha yaa angagi ceelka doogsamaye
Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa soo cidhiidhyamiye
Meel aan caruusiyo ahayn sidatan caadh gooda
Oon nabad carada eebbahay uga carrabayno
Car yaa garan cadceed iyo cadceed kob aan ka caynsaaro

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|