Xuseenow war baan kuu hayaa,waxaa tiraa weeye
Walaalow wacdiga layna faray,ila wanaag weeye
Waanadii astaadkeennu yiri,weer aan rabo weeye.
Walbahaarka aakhiro inaan,wax u tabcaa weeye
Wax sanoo aan dooniyo inaan,wax xun nacaa weeye
Wahabnimo ma fiicnee inaan,warac noqdaa weeye .
Diintaan wadeecada ka dhigay,inaan wallayn weeye
Wahsi baa naftii iga jaree,inaan warfaa weeye
Wiilnimo wixii igaga tegey,waha sideed weeye .
Werdigiyo shahaadada inaan,weheshadaa weeye
Weysada salaadeed inaan,waaxidsado weeye
Waannahaarka soon inaanan soor,waana cunin weeye.
Waxaddayda maal inaanan dago,waxar ku dayn weeye
Wixii waajiboo idil inaan,wada gutaa weeye
Waqfigii saxaabaha inaan,waafaqsado weeye.
Waayeelka xaajada inaan,ugu wacaa weeye
Haddii ay walaacan inaan, wari iraa weeye
Xaqa lagama waabtee inaan,waa kan oran weeye .
Wacad Eebbe iyo dhaaraan maray,inaan wafeyn weeye
Walle beena abidkey inaanan,walafadeyn weeye
Haddii aanan waallayn inaan,waabsanahay weeye .
Walleys iyo nin weyn inaan xurmada,wada simaa weeye
Nin isoo waciidsaday inaan,wax u galaa weeye
Wayi iyo waxsiin inaan islaan, ugu wadaa weeye.
Wadaadkii kitaabbale inaan,wan u qalaa weeye
Walaanqihiyo dheyada inuu,walafsadaa weeye
Weylaalis meel wacan inaan,ugu wadhaa weeye .
Ina-Walabban oo kale inaan, weger dhahaa weeye
Wax i sii haddu yadhi inaan, walacsadaa weeye
Walasaqo wixii igula jira,inaan wireyn weeye.
Ina-shixirigii wagarsanaa, weled nijaas weeye
Warraabkii karreysaha xumaa,waraq la gooyo weeye
Warqadduu magaalada u diray,talo wahaab weeye.
Iidoorku weligiis inuu, wadal ahaa weeye
Walandaadi kheyr daran inay,wax u yihiin weeye
Waxba inuusan garaneyninoo,waalan yahay weeye .
Wardigiyo shareecada inay,wada neceen weeye
Nin jahaad u weyraxay inay,wahan geshaan weeye
Sidii fule wadnii go'ay inay,waranwarayn weeye.
Weliyada shahiidkaa kuwii, waafka jaray weeye.
Waleecaad ha raacee Ibleys,warasadiis weeye
Waqood abadankood inay kufriga,daba washlayn weeye
Usaguna walaabuu helaye inuu,wasaa weeye
Weligood jannada inaan yibruhu,waana urin weeye
Waddada naarta loo maro inay,walashtamaan weeye.
Raggii dunida waaqeelin jiray, igu waliil weeye
Sidii wabarradii loo ajaley, oh iyo way weeye
Inuu caro wiriirkeed qalbigu,ii welweli weeye.
Wed hadduusan ii iman inaan, wax u liilleyn weeye
Wasiirtii xigaalkey inaan,wadar u layn weeye
Weysaaq colaadeed inaan,webi tagaa weeye.
Ninkii gaal u wisiisiyin Ilaah,welef u keen weeye
Wecelkaas cadaabeed inuu,weera yahay weeye
Anna inaanan weligay canjeel, wadeecadayn weeye.
Ninkii gaal u waasiya inaan, wabaddaraa weeye
Warammadiyo hootada inaan,kaga websiin weeye
Sidii weer wadaal helay inaan, wiif ka dhigo weeye.
Waraabaha dugaagihi inuu,wabaxsadaa weeye
Goortuu wirriijiyo inuu,waada guro weeye
Wayaaggii ka soo hadhay inuu,haad waywayo weeye.
Wannaskii galbeed jiray inaan,weer u xiran weeye,
Wejigoodu gubagaas inaan,col u waddayn weeye
Sangootida wacdowgaa inaan, wegaradeyn weeye.
Wareegada inaan qalahayoo,weerar ahay weeye
Winnifiirle reer Hagar inaan, wagac ku siin weeye
Hadday soo wiriiryaan inaan,wirif ka siin weeye.
Baqahay wajiiraan inaan, walamsadaa weeye
Walkadaadka aan bado inay,walashtamaan weeye
Warriiskooda cayreed inuu,Webi tagaa weeye.
Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye,
Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye
Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye.