Gabay:Xabaalo --------------------------------------------------------------------------- Gabaygan
Abwaanku waxuu tiriyey 1981 isagoo abwaanku meelo badan taabanaya xikmad dheeri
ahna ku jirto Waxuu yidhi:-
Haddii
xaasid kula soo dago iyo, xeel ninkaa badiya Xuduud lagu heshiiyiyo haddad,
xeer la dhigan waydo Maalin ay xaqiiqadu luntay oo ay, xagashu kaa daacdayXanbaarada
markuu kula helo ee uu, xabadka kaa fuulo Is xaydxaydka iyo muranku, waa doqonta
xaalkeed e Ilaahii adduunka iyo xifdiyey dunidan xoogeeda Ma xukumin adoomaha
inaan ugu xumaanaaye Laba
xadhiga kala jiidata iyo xaasid bay heleye Xaashaa Lilaahiye anaa, xaday naftaydiiye
Anna xaalka ii muuqda een xalayto soo jeeday Nin weyn oo la xeela baan
arkay, ooy niman xabaaleene Xariifnimada
badow loo qabta iyo, xadhigii loo qoolay Xaataa hadduu garan hayana, kama
xanaaqeene Xanfafka iyo xanuunkii haddaan, Xaashiyoow aragnay Ama
aan xornimo doonayno oon calanka xiisaynay Xaqiiqada xageedaba indhaha, kuma
xagaysaane Nin ku xoogay xeeshaa ka daran kana xanuun weyne Xoolihii tasoobana
tiraa, lagu xusuustaaye Xawadaada lama iibsado iyo laba xiniiyood ee Xamiidana
xisaab jeer luntay bay, gogosha xaadhaaye Xasanaadkii aan daadinaan, orod xaflaynaaye
Xaqiiqada fogaataan indhaha, Xamar ku taagnaaye Ogaadeenya
xeel kama baxdo iyo, laba xasuuqaase Siddii xoolo yarad loo wado, oo xididna
loo geeyay Kolba xarun intay buuxiyaan, laga dul xaajooye Inagoo
xagii lagu socday iyo, xeesha garan waynay Xafiisyadan Hargaysa iyo intaan,
Xamar wareegayno Wadan baan xoreeyay iyo anaa, xaadoow soo dhiciyey Iyo
Adari xoogbaan ku maray, hadal xumaanteeda Ama xillo aan mehersanayn, reer
la xididkiisa Ama saacad aan xadhig lahayn, xidhasho doonkeeda Ama
xoolo aan reer lahayn, digo ka xaadhkooda Xaydh xaydhi waa yaab xagaa, xoolo
dhacar taane Ogaadeen guryihii xays ku helay, hulo xumaantooda Xayadaa
madow iyo intaan, xodayga doog moodnay Inaga oon xusuusnayn wadada, xaydashada
oonka Xumaan saaxiibkaagii waday iyo, Xaashi baa curiyey Is
xanaajinteenaan arkiyo, mala xumaanteena Xabaaloobi maysaan intuu, xaalku saa
yahay e Iskana daa xornimo aan helno, oo laydhka loo xidho e Arin xunneey
nin xoog leh iyo, maxaad badow xambaaraysay

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|