www.dooynet.com

 

 

Seyid M A Hassan

 

Gabay: Xiin Finiin
-----------------------------------------------------
Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen sayid maxamed baa doonay Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay islaan Faarax Aadan oo madaxda degmada Mudug . ka mid ahaa.Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey,xurmo iyo xididtinimo wanaagsanna waa muujiyey.Hase yeeshee,dhugi geel dhaantay,dhex socotana dhul dhaantaye,hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey Xididtinnimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan farax iyo dadkiisa uga helo si uu jahaadku u xoogooba.Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuuna buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku Yidhi

Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone

dabadeed,Islaan faarx wuxuu Sayidkii weydiistey faraskii Xiin Finiin sayidkuna aad buu u jeclaa,hase ahatee, sidii loo yiri,dhegtaa kaa war dheer ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna,isagoo xil iska reebaya faraskana xarragadiisa u dhammeeyey ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray kadibna markii gabaygaan soo socda qaybsiiyey waxuu yidhi:-

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin damacday baa,n kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa Gammaan, xulashadiisiye

Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode

Xujey-reebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane
Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise
Wuxuun bay xushleeyan sidii,xabashi Iidoore

Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane
Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan,xinif awoodaaye

Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.


 

 




By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)